Fc Barcelona oo ku dur durisay Osasuna ,*Laacibiinta Fc Arsenal oo markii eey is Qasaariyeen ku mar marsiyooday inuu Roob Qasaariyey,*Goolhayaha As Roma & Qaranka Holland oo Isbitaalka San Carlo loo la cararay kulankii Inter Vs Roma,* Lukas Podolski oo kooxda Leverkusen ku baashaalay,* & Faalo ku saabsan kulanka maanta Man Utd Vs Fc Chelsea oo isku dhaarsan (Halkaan ka Daawo Qeeybtii 1-aad Faaqidaada Horyaalada)
(QEEYBTII 1-AAD FAAQIDAADA HORYAALADA) Kooxda kubada cagta ee Fc Barcelona oo maalmihii ugu dambeeyey Saxaafadu ku sheegtay ineey taag dareeysay ayaa markii ugu horeeysay boorka iska jaftay ka dib markii eey 8-0 jeebka u galisay Naadiga Osasuna oo ka tirsan kooxaha Horyaalka La Liga .
Fc Barcelona kulamadii ugu dambeeyey Bareejo ayeey daris la noqotay ka soo biloow kulankii Real Sociedad (2-2) iyo kii Champions League ee Ac Milan (2-2). Fc Barcelona oo markaan boorka iska jaftay waxaa goolasha u kala saxiixay Laacibiinta kala ah : Geele Gaaboow Lionel Messi oo 3-Gool ku tuurtay, David Villa oo 2-Gool raacsaday, Cecs Fabregas oo 1-gool ku darsaday,Xavi Hernandez oo aan ka harin iyo Roversio oo goolka dhiman kooxdiisa Osasuna ka xareeyey. Halkaan ka Daawo Ciyaarta >>> http://www.youtube.com/watch?v=gEJKxFRfCWE .
" Ma ahan inaan is faanino mana aheeyn Ciyaar aan dhib badan u marnay laakiin waxaan ka faaideeysanay Dul Duleelo fara badan oo nooga furmay Osasuna ayuu yiri Difaaca Fc Barcelona Mr.Sergio Busquets.
Dhanka kale La Liga waxaa hogaaanka u qabatay Fc Valencia oo 0-1 ku soo suul daartay kooxda Gijon waxaana gooka agoonka ah u saxiixay Ciyaaryahan Roberto Soldado oo mudooyinkaan dambe gool dhalin ka bixi la Halkaan ka Daawo >>> http://www.youtube.com/watch?v=SthjFOBjoh4 .
KOOXAHA KALE EE LA LIGA AYAA INTII CIYAARTAY WEXEEY ISKU ARKEEN SIDAN :
| 17.09. |
18:00 |
RCD Mallorca |
0:1 |
FC Malaga |
| 17.09. |
18:00 |
Sporting Gijon |
0:1 |
FC Valencia |
| 17.09. |
18:00 |
FC Granada |
1:0 |
FC Villarreal |
| 17.09. |
20:00 |
FC Barcelona |
8:0 |
CA Osasuna |
| 17.09. |
22:00 |
FC Sevilla |
1:0 |
Real Sociedad |
| 18.09. |
12:00 |
FC Getafe |
-:- |
Rayo Vallecano |
| 18.09. |
16:00 |
Real Zaragoza |
-:- |
Espanyol Barcelona |
| 18.09. |
18:00 |
Atletico Madrid |
-:- |
Racing Santander |
| 18.09. |
20:00 |
UD Levante |
-:- |
Real Madrid |
| 18.09. |
22:00 |
Athletic Bilbao |
-:- |
Betis Sevilla |
*** Kooxda kubada cagta ee Fc Arsenal ayaa waxaa lagu eedeeyey ineey iyada is Qasaarisay balse Ciyaartooyda kooxdaas ayaa qaba inuu Roob qasaariyey ama ka badiyey. FC Arsenal oo Premier League kulankiisii 5-aad aaday garoonka Ewood Park oo eey ka taliso kooxda Blackburn Rovers ayaa waxaa dhabarka loo soo saaray 4-3. Garoonka Ewood Park oo uu Roob qariyey wexeey sababtay ineey qaar ka tirsan Laacibiinta Fc Arsenal jahwareeraan ka dibna kooxdooda goolasha ka dhaliyaan.
Fc Arsenal oo mar kasta goolasha ku hor mareeysay waxaa qasaariyey oo Boortahooda Wojciech Szczesny goolasha ka xareeyey Laacibiinta kala ah Alexandre Song iyo Laurent Koscielny (qeeybtii dambe ee Ciyaarta 10-daqiiqo gudaheed) waxaana goolasha kale Arsenal u kala saxiixay Gervinho oo Shuut kulul ku luxay goosha Blackburn halka xiddiga cusub Mikel Arteta uu gool dhaliyey daqiiqadii 34-aad waxaana goolka 3-aad Fc Arsenal u saxiixay daqiiqadii 85-aad Marouane Chamakh oo dhamaadkii ciyaara badal ku soo galay.
Goolasha Balckburn waxaa laba ka mid ah u saxiixay weeraryahankooda cusub ee reer Nigeria waa Ayegbeni Yakubu halka labada gool ee kale eey iska dhalisay Fc Arsenal. Guuldaradii Man Utd vs Arsenal 8-2 wexeey eheed Guuldaradii 99-aad ee inta la ogyahay Taariikhda The Premier League wexeeyna guuldaradaan cusub u noqoneeysaa Fc Arsenal tii 100-aad ee soo gaarta Tariikhda Horyaalka Ingiriiska.
Macalinka Fc Arsenal Mr.Wenger oo 61-jir ah lana joogay naadiga Fc arsenal mudo 15 -sanadood ah waxa uu yiri isaga oo madaxa gacmaha saartay sidan " Waan dareemayaa guuldaro nuucan ah xanuunkeeda inaga ayaa iska dhalinay goolasha mana ahan hada inaan is qab qabsano ee waa inaan iska saxnaa qaladaadkeena.
*** Horyaalka Ingiriiska sidoo kale maanta waxaa isku dhegan kooxaha waa weeyn ee Shayaadiinta cas cas Man utd Vs Fc Chelsea.
ManU waxaa ka maqnaan doona Xiddigaha kala ah Nemanja Vidic iyo Rafael .Fc Chelsea waxaa ka maqan oo afka la jabshay weeraryahan Didier Drogba. Man Utd guuldaradii ugu dambeeysay oo gurigooda Old Trafford ah wexeey Fc Chelsea kala kulmeen bishii Apriil Sanadkii 2010-ka.
Macalinka Fc Chelsea Mr. Andre Villas-Boas waxa uu yiri sidan "Garoonka Old Trafford waxaan gudaha u gali doonaa anaga oo xanaaqsan marka eey ciyaarta dhamaatana waxaan ka soo bixi doonaa inaga oo faraxsan,,
Ciyaartaan kulul wexeey dhici doontaa 17-Galaabnimo waqtiga saacada qaarada Yurub.Kooxda Manchester City wexeey ku duceeysaneeysaa in Maanta Man Utd ugu yaraan Bareejo lagu qabto si eey Darawalnimada ama hogaanka Horyaalka Ingiriiska kali ugu noqoto. Man City wexeey 16-Galabnimo aadeeysaa Magaalada London oo lagu wado ineey isku arkaan Fc Fulham.
KOOXAHA HORY
| 17.09. |
13:45 |
Blackburn Rovers |
4:3 |
FC Arsenal |
| 17.09. |
16:00 |
Aston Villa |
1:1 |
Newcastle United |
| 17.09. |
16:00 |
Swansea City |
3:0 |
West Bromwich |
| 17.09. |
16:00 |
Wolverhampton |
0:3 |
Queens Park Rang. |
| 17.09. |
16:00 |
FC Everton |
3:1 |
Wigan Athletic |
| 17.09. |
16:00 |
Bolton Wanderers |
1:2 |
Norwich City |
| 18.09. |
14:30 |
Tottenham Hotspur |
-:- |
FC Liverpool |
| 18.09. |
16:00 |
FC Fulham |
-:- |
Manchester City |
| 18.09. |
16:00 |
AFC Sunderland |
-:- |
Stoke City |
| 18.09. |
17:00 |
Manchester United |
-:- |
FC Chelsea |
*** Horyaalka Talyaaniga ee Serie A-ga waxaa Isbitaalka San Carlo loo la cararay Goolhayaha Qaranka Holland iyo kooxda As Roma ee horyaalka Talyaaniga Maarten Stekelenburg ka dib markii uu madaxa ka Darbeeyey Difaaca Qaranka reer Brazil Lucio.
Shilkaan qaabka daran ayaa dhacay Ciyaartii dhex martay kooxaha waa weeyn ee dalka Talyaaniga waa Inter Milan Vs As Roma. Xiligii uu jahwareeray ka dibna miyir beelay Maarten Stekelenburg wexeey eheed daqiiqadii 15-aad.
Xiddigaan oo goosha u qabto Qaranka Holland waxaa dhawaan kooxda Ajax kala soo wareegtay As Roma wuxuuna ilaa iyo hada ku sugan yahay xaalad xun oo miyir la´aan ah. Dhaqtarka daaweenayey ayaa Rai Uno waxa uu u sheegay in waqtigii la keenay Isbitaalka San Carlo ilaa hada uusan wax Cunto ah cunin balse eey qaab Faleembo ahaan ah ku quudiyeen.
Lucimar da Silva Ferreira Lucio oo dhibkaan geeystay dhanka difaacana uga ciyaara kooxda Inter iyo Qaranka Brazil wuxuu sheegay in qaladka uu lahaa Goolhaye Maarten Stekelenburg maadaama kubad uu isaga ka lahaa uu Madaxa la soo galay.
Xiriirka kubada cagta ee Horyaalka Talyaaniga ayaa Kiiskaan baaritaan dheer kula dhaqaaqay waxaana laga yaabaa in Lucio Ganaax adag la laqsiiyo ama Goolhaye Maarten Stekelenburg uu noqdo xiddig isaga is Dilay maadaama kubada laga lahaa. Halkaan ka Daawo Shilka xun ee dhacay iyo Lucio oo Lugta qabsaday xanuun uu ka qaaday madaxa Marteen Stekelenburg >>>
http://www.youtube.com/watch?v=bjHqksToWhQ
Ciyaartii dhex martay kooxaha Inter Milan Vs As Roma wexeey ka dhacday Garoonka Giuseppe-Meazza-Stadium oo ku yaal magaalada Milano wexeeyna ku dhamaatay 0-0.
KOOXAHA HORYAALKA TALYAANIGA WAXAA LAGU WADAA INEEY GALABTA SIDAAN ISKU QAABILAAN :
| 17.09. |
18:00 |
Cagliari Calcio |
2:1 |
Novara Calcio |
| 17.09. |
20:45 |
Inter Mailand |
0:0 |
AS Rom |
| 18.09. |
12:30 |
Atalanta Bergamo |
-:- |
US Palermo |
| 18.09. |
15:00 |
AC Siena |
-:- |
Juventus Turin |
| 18.09. |
15:00 |
FC Parma |
-:- |
AC Chievo |
| 18.09. |
15:00 |
Lazio Rom |
-:- |
CFC Genua |
| 18.09. |
15:00 |
Catania Calcio |
-:- |
AC Cesena |
| 18.09. |
15:00 |
FC Bologna |
-:- |
US Lecce |
| 18.09. |
15:00 |
Udinese Calcio |
-:- |
AC Florenz |
| 18.09. |
20:45 |
SSC Neapel |
-:- |
AC Mailand |
*** Horyaalka Bundesliga ee dalka Germany oo kulankiisii 6-aad la ciyaaray waxaa kooxda weeyn ee Bayer Leverkusen ku baashaalay weeraryahanka Qaranka Germany iyo kooxda Koln ee horyaalka Germany Lucas Joseph Podolski.
Lucas Podolski wuxuu ka dhaliyey kooxda Leverkusen oo Michael Ballack uu hogaaminaayey 2-gool wuxuuna ku baasay 2-gool oo kale wexeeyna ciyaartaas ku dhamaatay 1-4 . Kulankaan ayaa waxa uu ahaa mid adag maadaama labadaan kooxood eey isku Gobol ka dhisan yihiin (Köln). Halkaan ka Daawo Ciyaarta iyo Baashaalka Podolski >>> http://www.youtube.com/watch?v=Gjtg7LCMlrY .
Kooxaha kale ee horyaalka Germany wexeey isku macsalaameeyeen sidan :
| Nürnberg |
Bremen |
1:1 |
| Hamburger SV |
Mönchengladbach |
0:1 |
| Hoffenheim |
Wolfsburg |
3:1 |
| Leverkusen |
Köln |
1:4 |
| Hertha BSC |
Augsburg |
2:2 |
| Kaiserslautern |
Mainz |
3:1 |
Kooxda Fc Bayern Munchen maanta waxaa Garoonkeeda ugu imaan doonto Fc Schalke oo wadata Raul Gonzales iyo Klaas Jan Hunterlaar. Bayern Munchen hadii eey badiso ama Bareejo gasho wexeey Hogaanka Bundesliga dib kala wareegi doontaa kooxda Werder Bremen oo kulankii shalay uu fakiyey Weeraryahanka Qaranka Turkiga Mohamed Ekici oo u suurta galiyey ineey kooxda Nurnber 1-1 la soo galaan.
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com