Turki ka Qeeyb gashay Aroos yaab badan oo ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Wiilkii Aroosayey oo Lacag loogu labisay (Halkaan ka Daawo) !!
Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay Aroos aan nuuciisa Mudooyinkaan dambe lagu arag waxaana Arooskaan ka soo qeeyb galay Shacab u dhashay kana yimid dalka Turkiga.
Goobta waxaa soo camiray Kooxo Soomaaliyeed oo Heeso iyo Bandhig Faneed soo bandhigay halka Martidii Aroos-kaas lagu casumay eey ka bixi waayeen Ciyaarta loo yaqaan Qoob ka ciyaarka.
Waxaa La Yaab noqotay Wiilka Aroosayey muuqaal ahaan waxaa loogu Labisay Lacag u badneed Dollar halka sidoo kale Goobtii ay Xaflada iyo Qoob ka ciyaarka ka socotay lagu daadiyey Lacag.
Arooska Nuucaan ah waxa uu ka Tarjumayaa Nabada ka soo iftiintay magaalada Muqdisho halka xiligii hore Ajanabi Aroos Muqdisho u tago iska daayee kii Shacabka inuu caawiyo u tago Afduub lagula dhaqaaqi jiray.
Halkaan ka Daawo Muuqaalka Arooskaan iyo Turkidii goobtaas Camirtay >>> http://www.youtube.com/watch?v=agiiCOv-pec