Thomas Müller iyo Bastian Schweinsteiger oo hal habeen Aqal la wada geli doona Lamaanayaal lagu kala magacaabo Lisa iyo sarah. Arooskaan ayaa hada ka hor 2-jeer horay u baaqday. Waa maxay sababta?
Xiddigaha Qaranka Germany iyo kooxda Bayern Munchen Thomas Müller iyo Bastian Schweinsteiger ayaa si buuxdo ugu heshiiyey ineey hal habeen Aroos weeyn dhigtaan kaas oo lagu marti qaaday ciyaartooy caan ah oo ka kala imaan doonta Horyaalada Ingiiriiska, Talyaaniga iyo Spain.
Arooskaan ayaa waxa uu awal ahaa 3-geesood sida eey wada qorsheeysteen sadexda Laacib ee kala ah Thomas Müller , Bastian Schweinsteiger iyo Philip Lahm laakiin waxaa ciyaartooydaan sugi waayey oo yiri jaceylkeeyga waxa eey dooneeysaa inaan horay ka wada aqal galno Difaaca Qaranka Jarmalka iyo kooxda Bayern Munchen Philip Lahm oo mudo aan fogeen Aroos weeyn dhigtay ka dib markii uu sugi waayey Ciyaarooydaan qaabka Jaceeylka jilaayo.
Lamaanaha ciyaartooydaan eey Jaceeylka ku beereen ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Sarah & Lisa wuxuuna Arooskooda dhici doonaa 3.6.11.
Macalinka kooxda Real Madrid Jose Morinho oo u waramaayey Tv-ga ZDF ayaa sheegay in uu jecel yahay xiliga uu Aroosaayo Bastian Schweinsteiger uu ahaado Xiddig ka tirsan kooxdiisa Real Madrid. Morinho oo inta badan Ciyaartooyda ku dheel dheela ama iimaanka ka soo rida isaga oo run ahaantii aanan si weeyn u dooneeyn ayaa waxaa la xaqiijiyey inuu si weeyn u doonaayo ciyaartooyda kala ah Bastian Schweinsteiger iyo xiddiga Qaranka Brazil Luis Fabiano.
Arooska Ciyaartooydaan ayaa waxaa lagu casumay Fanaaniin waa weeyn oo Mareeykan ah sida Beyonce, Asha, Nelly Furdado & Timberland waxaana laga yaabaa inuu xitaa liiska Fanaaniinta la casumay uu ku jiro Knaan cabdi Warsame balse dib ayaan idinkaga soo socod siin doonaa hadii uu Knaan ka mid noqdo Marti Sharaftaas u badan Dadyoowga Sportiga sida Pele, Ballack ,Beckham, Michael Platini , Romario iyo Roberto Baggio.
Waxaa Diyaariyey : Omar Ali Omar (Omar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com