Faalo: Arooskii Prinz William iyo Kate Middleton oo dhanka Daawashada Iskoor aan horay loo arag Jabiyey, Maxaad kala socotaa Magacyada Madaxdii & Boqoradii Caalamka ugu Caansanaa ee Arooska lagu casumay? Daawo Sawirada)
Arooskii dhaxal sugayaasha Boqortooyda Royalka dalka England Mucaashaqiinta kala ah Prinz William iyo Kate Middleton ayaa waxa uu noqday ama Jabiyey Iskoorkii dhanka Daawashada Telefishinada Caalamka oo idil.
Arooskaan oo ka dhacay Magaalada London ayaa Dadkii Dunida kala socday ama ka Daawanayey Telefishinada waxaa lagu sheegay Milliyaarden Qof halke si Live ah loogu Casumay Boqoro ka kala yimid Dunida dacaladeeda iyo Marti sharaf kale oo lagu sheegay tiradooda 1.900 oo iskugu Jiray Fanaaniin Caan ah, Ciyaartooy magac ku leh Maslaxa Ciyaaraha iyo Majaajiliisteyaal.
Xaflada Arooskaan oo bilaabatay 7.00 Subaxnimo ayaa wexeey socotay ama la isla gaaray ilaa 20:30 xiligii Fiidnimada.
Meelihii ugu muhiimsanaa ee Xaflada Mucaashiqiinta ka dhacday ama Dadweeynuhu isku soo bexeen ayaa waxaa laga xusi karaa : Buckingham Palace, Westminister Abbly,Highligh No 1, ilaa Goring Hotel. Mucjisada ugu yaabka badneed ayaa wexeey noqotay markii la arkay maalmo ka hor intii uusan Arooskaan dhicin Dadweeyne aad u fara badan oo Gobolo ama Dalal ka baxsan dalka England ka kala yimid oo degay ama xirtay meel wax yar u jirto Kaniisadii uu Arooskaan ka dhacay si eey marka Xaflada bilaabato ama socod eey ku soo maraan Mucaashiqiinta si wanaagsan ugu arkaan ama meel Boos FIP ah u qabsadaan.
Fanaaniintii ,Boqoradii iyo Madaxdii kale ee Arooska lagu casumay oo aad tira badnaa ayaa waxaanu ka xusi karnaa kuwaan :
Guy Ritchie, Heesaa Elton John Ciyaaryahan David Beckham iyo Xaaskiisa Victoria Beckham oo si wanaagsan u soo la bistay.
Majaajiliistaha caanka ah ee "Mister Bean" oo magaciisa oo run ah uu yahay Rowan Atkinson . Boqorada Margrethe II oo ka timid Denmark , Boqorka Harald V iyo Sonja oo ka yimid dalka Norway, Kronprinz Willem-Alexander iyo Boqorad Maxima oo ah Boqortooyda Sofia, Felipe iyo Letizia oo ka yimid Boqortooyda Reer Spain.
Boqor Juan Carlos ayaa waxa uu soo wakiishay Victoria Prinz Danie oo ka socday dalka Sweden, Carl XVI Gustav, Ernst August oo ka socday Hannover, Moritz Landgraf oo isna ka socday Jarmalka, Philipp Hohenlohe-Langenburg Max Markgraf .
Boqor Albert II oo ka socday Monaco, Boqorad Rania oo ka socotay dalka Jordan, Boqor Bhumibol Adulyadej oo ka socday dalka Thailand. Boqor Naruhito iyo Boqorad Masako oo ka socday dalka Japan . King of Saudi Arabia Mohamed Abdullaziz.
Sheekha Xukuma Kuweit Ahmed Hamoud Al Sabah, Amiirka Qadar Hamad Bin Khalifa Al Thani, Boqorka Swaziland Mswati. Boqor Philip oo Beljemka ka socday, Boqor Konstantin oo ka yimid Giriiga, Prinz Willem Alexander oo Holland ka yimid , Duqa Magaalada London ninka lagu magacaabo Boris Johnson. Reisulwasaarada Australia Julia Gillard, John Key Reisulwasaaraha Neuseland.
Mohamed Al-Fayed oo ah Maalqabeenkii dhalay willkii lagu magacaabi jiray Dodi oo Boqoradii Diana 1997-kii shil gaari kula geeriyooday dalka Faransiiska ayaa sidoo kale soo xaadiray Xaflada Arooska. Raisulwasaaraha dalka Ingiriiska David Cameron iyo Marti sharaf kale oo aad u fara badan ayaa dadkii la casumay ku jiray waxaana Xafladaan ka baaqday oo soo xaadiri waayey Sheekha dalka Bahrain Salman bin Hamad al-khalifa oo Arooska uga baaqday Mudaharaadyo iyo Qalalaase eey ku hayaan Shacabka dalkaas wuuna ka cudur daartay arinkaas. Halkaan ka Daawo Arooska Mucaashiqiinta Prinz William oo 28-Jir ah iyo Kate Middleton oo 29-jir ah >>> http://www.youtube.com/watch?v=jNULDbqJEOk
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com