Robben & Macalin Luis Van Gaal oo doonaya ineey Sneijder Bayer München keenaan.
Xiddiga Fc Bayern München Arjen Robben iyo Macalin van Gaal ayaa doonaya ineey Wesley Sneijder kala soo wareegaan Kooxda Inter.
Sneijder oo Koobkii Addunka wacdaro ka dhigay ayaa warar hoose waxa eey sheegayaan in uu aqbalay talada Van Gaal iyo Robben halka Inter eey isku dooneyso ineey ku badalato thomas Müller oo qaaday Gool dhalinta World Cup 2010 iyo Weerar yahan Mario Gomez.
Kooxda Bayern München ayaa ogol lacag iyo Mario Gomez balse diidan ineey sahal ku dhiibto Xiddiga da´da yar Thomas Müller. Sneijder ayaa ku jiro qaban qaabada Aroos weyn oo loo dhigayo isaga iyo Yolanthe Cabau Van kasbergen oo ah Gabar Aktarad & Modelka Dharka xayeeysiis.
Arooskaan oo lagu marti qaaday Laacibiin badan ayaa waxaa sidoo kale imaanaya 21-bishaan Vaan Gaal iyo Arjen Robben taas oo cadeeneysa in Robben iyo sneijder ilaa Real Madrid ahaayeen saaxiibo mar walba talada kala qaato, waxeeyna arintaan ka qoreen maanta Saxaafada Sportiga ee Germany sida hoostaan ku qoran
(Sneijder & Yolanthe Geplant sei eine Staffel über die Hochzeit des Promipärchens, die entweder eine Woche nach dem WM-Finale stattfinden soll, spätestens jedoch am 21.07. Verschiedene niederländische Sendestationen sollen bereits Angebote gemacht haben, laut de Telegraaf.