70 ka tirsan Ardaydii Soomaaliyeed ee Deeqda waxbarasho ka heshay dalka Turkiga ayaa lagu wadaa Saacadaha soo socdo in magaalada Muqdisho dib loogu soo celiyo halka Qaar kale oo ka tirsan Ardaydii Waxbarashada loo geeyey dalka Turkiga eey u Tahriibeen dalka Giriiga !!
Warar naga soo gaaraya magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa sheegaya in qaar ka mid ah Ardeydii Deeqda waxbarasho u heshay ee la geeyey dalkaasi in dib loo soo celinaayo, kadib markii ay soo if baxeen Fadeexad soo wajahday madaxda dowladda KMG Soomaaliya, maamulada Somaliland iyo kan Puntland, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda dib loogu soo celiyo Magaalada Muqdisho 70-Ardey.
Sida wararku sheegayo Ardeydaasi 70-ka gaaraya ee dib loo soo celinaayo waxna ma qori Karaan waxna ma aqrin Karin, taasoo layaab iyo fajac ku noqotay Wasaarada Waxbarashada dalka Turkiga oo xaalad indha indheyn ah ku samaysay heerka aqooneed ee Ardeyda deeqda Waxbarasho loogu keenay dalkooda.
Ilaha warkani ayaa sheegaya in Ardeydaasi lagu daray Liisaska kagaal markii Xafiisyada Madaxtooyada Somalia iyo kan maamulada Somaliland iyo Puntland ay ku dareen Ardey ay qaraabo dhow yihiin, waana sababta ugu weyn ee ardeydaasi u noqdaan kuwo aan aqoon lahayn oo qaab Xigto ahaan ah loogu soo daray Liisaska.
"Ma garan karno sida ay wax yihiin, Imtixaanaadka aan qaadnay ee deeqda Waxbarasho waxay u dhaceen si cadaalad waafaqsan" ayuu yiri mid ka mid ah Saraakiisha Wasaarada Waxbarashada Dowladda KMG Soomaaliya oo layaab ku noqotay fadeexada soo wajahday madaxda dowladda KMG iyo kuwa maamul goboleedyada kadib fashil ku yimid aqoon la'aanta Ardeydaas.
Ugu danbeyntii arrimahani waxay imaanayaan xili qaar ka mid ah ardeydaasi ka baxsadeen magaalada Istanbul isla markaana gaareen dalka Gariiga si ay ugu sii amba baxaan dalalka kale ee Yurub, halkii la filayay ineey wax ka bartaan deeqaha waxbarasho ee laga helay dalka Turkiga ugu dambeeyna wax ugu qabataan dalkooda hooyo.
Qaar ka tirsan Ardaydaan oo qaabkooda Aqooneed uu aad u wanaagsanaa ayaa waxaa la sheegay ineey ku jiraan Ardayda u Tahriibtay dalka Giriiga si eey halkaas uga sii Tahriibaan una galaan wadamo kale oo reer Yurub ah wexeeyna taasi Sharaf dhac ku noqotay Shacabka Soomaaliyeed oo Ardaydii wax loo bari lahaa Tahriib u kala yaacday iyaga oo la siiyey Hooy Cunto iyo nolol maalmeedkooda.