LA YAAB : Xiddigii ugu Asluubta wanaagsanaa Ciyaartooyda Caalamka uguna Farxada badnaa oo Balaayo lagu dhigay (Daawo Sawirka Gudaha) ,* Laacibkaan oo la hadlayey Tv-ga TRT ayaa afkiisa waxaa laga hayaa sidan " Waa la i gaaday Balaayo ayaa ii gambatay,, (Halkaan ka Daawo Goolashii ugu wanaagsanaa ee Ciyaaryahankaan & War Bixin Top ah oo Tarjuman) !!
LA YAAB SPORT: Horaa loo yiri Miskiin Allaa u maqan. Waxaa la Gaaday oo Ceeb iyo Balaayo lagu dhigay Abaanduulihii Xulka Qaranka Turkiga Mr Turan Arda. Xiddigaan waa Laacibka kaliyah oo eey Maanta ku faanaan shacabka dalka Turkiga waxaana mudo hada laga joogo 3 isbuuc ka hor 15-Milyan oo Euro kala soo baxday kooxda Atletico Madrid oo ka soo iibsatay kooxdii uu Laf dhabarka u ahaa ee Galatasaray Istanbul.
Laga soo bilaabo Koobkii Qaramada Yurub Euro 2008-kii ilaa hada weey yar tahay Turan Arda oo Garoomada ka baxo isaga oo aan Qarankiisa Turkiga gool u dhalin . Kulankii ugu dambeeyey ee Is reeb reebka koobka Qaramada Yurub Euro 2012 oo maalintii Jimcaha dhacay 2.9.2011 Qaranka Turkiga waxaa laf dhuun gashay ku noqotay Kazakhstan oo ilaa Daqiiqadii 91-aad ku heeysay Bareejo 1 & 1 ah balse dhamaadkii Ciyaarata waxaa Kazakhstan iyo Difaacooda Bilisiyoon nuuca Ciyaartooyda dhulka hoose loo mariya ah xiliga eey kor boodaan ka xareeyey Turan Arda Halkaan ka Daawo Ciyaartii ugu dambeeysay http://www.youtube.com/watch?v=7ryP3C0BL74&feature=related .
Turan Arda Qaranka Turkiga waxa uu u qaataa Lambarka 14-aad wuxuuna ku dhashay 30.01.1987-kii magaalada Istanbul.
Arda waa Ciyaaryahan inta badan Degan oo weliba mar kasta Faraxsan xiliga uu ku dhex jiro Garoomada caalamiga ah.
Turan Arda dhanka Diinta aad ayuu ugu wanaagsan yahay maxaa yeelay sanadkii 2009-kii waxa uu Masaajid weey ka dhisay magaalada Istanbul laakiin taas kuma harin oo 30-kii bishii Janaayo ee Sanadkaan aanu ku jirno 2011 wuxuu Masjid Cajiib ah oo Caruurta quraanka lagu baro ka furay Magaalo xeebeedka Antalya.
Arda Turan mar la weeydiiyey sababta uu Antalya uga dhisay Masjid weeyn isaga oo Ankara & Istanbul ka dhisi karay waxa uu ku jawaabay sidan " Magaalo xeebeedka Antalya waxaa ku badan Fisqiga & dadka aan Asturneen waxaana arinkaas kaga difaacay Caruurta soo koreeysa,, . Arda ayaa hadalkaas kala jeeday Magaalada Antalya oo eey u soo dalxiis tagaan Dad u badan Mareeykan & Wadamada Qaarada Yurub oo aad u jecel ANTALYA.
Turan Arda Masjidka iyo Madarasada uu ka dhisay Magaalo xeebeedka Atalya waxa uu ku beegay sida war bixintu eey sheegeeyso maalintii uu dhashay oo ah 30-ka bisha Janaayo.
Hadaba Xiddiga sidaas oo dhan Wanaaga u aruursaday maxaad kala socotaa dhibka ku qabsaday Magaalada Konya oo uu Safar maalmo qaatay kula joogay Lamaanihiisa ama Jaceeykiisa da´da yar Inanta lagu magacaabo Ceylan Bayraktaroglu??.
Turan Arda Gurigii uu goobtaas ka Kireeystay si uu ula caweeyo Lamaanihiisa ayaa waxaa lagu rakibay Kaamirooyinka Qarsoon kuwaas oo looga qaaday Sawiro muujinaya Baashaalkii dhex maray isaga iyo Lamaanihiisa.
Sawiradaan oo Maslaxa Saxaafada Caalamka Lacag badan laga macaashay mar Turan Arda la weey diiyey sida eey wax u dhaceen ayuu waxa uu ku jawaabay isaga oo la hadlayey Tv-ga TRT-ga dalka Turkiga sidan :
" Waa Naxdin , waa Ceeb qofka waxaas suubiyey, ma garanayo sababta ku kaliftay Xaasidnimada sidaas oo dhan u weeyn laakiin sida muuqato weey i gaadeen, Balaayo ayaa ii gambatay,, . Turan Arda hada waxa uu ku sugan yahay Magaalada Vienna ee Caasimada dalka Austria halkaas oo lagu wado habeen dambe Saacadu markeey tahay 20.30 ineey Ciyaar kulul ku dhex marto Dalalka Austria Vs Turkiga. (Is reeb reebka Euro 2012 In Poland And Ukrain).
Dhamaan Bahda Xiriiriye.com wexeey ka leeyihiin Kiiska Mr.Turan Arda sidan (Maskiin mar walba Allaa u maqan,Ciyaartooyda Sheeydaamada ah meey Sawiro la raadsadaan !!).
Xiddigaan waxaa isku heeystay kooxo aad u fara badan sida Fc Sevilla, Fc Bayern Munchen, Espanyol ,Fulham, Fiorentina iyo Lyon waxaana ugu dambeeyntii kooxahan kala dhex baxday oo 15-Milyan oo Euro kooxdiisa Galatasaray farta ka saartay Naadiga Atletico Madrid ee Horyaalka Spain. Turan Arda ayaa lagu wadaa inuu ka bar bar ciyaaro Xiddiga dhawaan laga soo iibiyey kooxda Fc Porto ee lagu magacaabo Radamel Garcia Zarate Falcao oo Lacag fara badan ku fadhiya.
Halkaan ka Daawo Goolashii Turan Arda kuwii ugu wanaagsanaa Qeeybtii 1-aad>>> http://www.youtube.com/watch?v=qOcw8uhG5Y4
Halkaan ka DAAWO Goolashiisa Qeeybtii 2-aad >>> http://www.youtube.com/watch?v=sHO6KtR3sVg&feature=related