Jawaabta Hal Xiraalaha: Ciyaaryahanka Bidaarta eey Dambiga ka gashay isaga oo yar waa Arjen Robben, Dhaqtarkiisa Dick van Toorn (Sawirka kore) waa 77-Sano jir Bidaarna ma lahan, Khabiiradii Sport ee soo saxay isma dhiibin, & Bahda Xiriiriye.com oo SuŽaasha Hal Xiraalaha Cusub ka Qeeyb qaadanaayo. (Halkaan ka Daawo Taariikhda Arjen Robben iyo Goolashiisa kuwii ugu wanaagsanaa) SuŽaasha Hal Xiraalihii ugu dambeeyey ayaa eheed sidan >>
Waxaad sheegtaa ciyaaryahan caan ah oo u dheelo qaran caan ah oo ka tirsan Qaarada Yurub oo Cudurka loo yaqaan Bidaarta Faro baŽan eey ku heeyso...Bidaar ayaa gashay isaga oo yar, Muuqaal ahaan hadaad aragtana waxa uu u egyahay qof daŽah..Koox caan ah ayuu u saftaa.Qarankiisana kama haro dhamaan ciyaaraha iyo kulamada Caalamiga ah. Dabcan Ciyaaryahankaas Jawaabta oo sax ah waa Arjen Robben. Hadaba aanu u gudo galno Taariikh Nololeedkiisa oo kooban. Arjen Robben waxa uu dhashay 23.01.1984 wuxuuna ku dhashay magaalada Bedum ee dalka Niederlande/Holland. Dhirirkiisa waa 180 cm wuxuuna ka ciyaaraa labo Boos oo kala ah Qadka dhexe ama Weerarka loo yaqaan (Buuxi afka hore).
Robben waa Aabe leh 2-Caruur ah, Wiil & Gabar lagu kala magacaabo
Luka &
Lynn Xaaskiisa ama hooyada u dhashay caruurtaan waxaa lagu magacaabaa
Bernadien . Aabaha dhalay Laacib Arjen Robben ayaa magaciisa waxa uu yahay
Hans. Arjen Robben kooxaha lagu soo xasuusto ee uu u soo ciyaaray ayaa waxa eey kala yihiin FC Groningen, PSV Eindhofen, Fc Chelsea, Real Madrid iyo Fc Bayern Munchen oo hada uu u safto.
Ciyaaryahan Robben ayaa waxaa lagu tiriyaa Xiddigaha Laacibnimadooda uu daaqada kala baxo sanad kaste dhaawacyo haleela Murqaha Jirkiisa ama Lafihiisa maadaama uu saaid u orad badan yahay. Horyaalka Germany iyo kooxda Fc Bayern Munchen ayaa waxaa lagu
Naaneesaa oo loogu yeeraa (Flug) oo macnaheedu yahay (Diyaarad) .
Halkaan ka Daawo Goolkii uu Man Utd Champions League ka dhaliyey wuxuuna ku sheegay goolkaas mid
Xanuun ah oo uu ula jeeday yacni
Biriq kubada oo dhulka taaban ayuu si xirfadeeysan shoot u qabadsiiyey Difaaca Man Utd ooba iska iloobay in Robben uu Free ahaa wuxuuna Paas aad u qurxoon ka helay Saaxiibkiisa qaaliga ah Frank Ribery oo labadooda marka Magacyadooda la isku daro eey Saxaafada Jarmalka ugu yeerto (
Robery) >>
http://www.youtube.com/watch?v=5vlVJXIcxAI.
Halkaan ka daawo qaar ka mid ah goolashiisa :
http://www.youtube.com/watch?v=YUMrNYAzxr8&feature=related Halkaan ka Daawo mar isaga iyo Cristiano Ronaldo la Tartansiiyey : xiligaas waxaa cod bixin u qaaday oo Tartan u qabtay xitaa
www.xiriiriye.com innta ka Daawo >>
http://www.youtube.com/watch?v=nWT9PF4QyM8.
Akhristayaashii ugu badnaa ee soo qalday Jawaabta Hal Xiraalaha ayaa waxa eey ka dhamaan waayeen kuna sheegeen Ciyaartooyda Bidaarta eey deriska la noqotay iyaga oo leh Weyne Rooney iyo Wesley Sneider wexeeyna Akhristayaashaas isku qaldeen marka Ciyaaryahanka xiiran yahay ayey xitaa wexeey u qaateen inuu bidaar leeyah. Khabiiradii Sport ee SuŽaashaan Daqiiqadaha uga tilaabsaday ayaa waxa eey magacyadooda kala yihiin sidan hoos ku qoran :
1-Qadar Ahmed Mohamed (Qadar Barca)
2-Jacfar C/llahi jaamac (Del Piero)
3- Abshir macalin Xasan (Kashka)
4-Mr Abdirisak Hassan Ugas (Ducaysane)
5-Najiib Saalax Nuurkeey
6-C/risaaq Macallin Aadan.
7-Abdi Fitaah hassan Abadalla (Fitaah Labo)
8-Zakariye Ali Osman (Amir Zaki)
9-C/raxmaan Shiine. (Robben)
10-Abdi Hassan Buube (Abdi Burco)
11-
Cali Cabdi Barqadle (Messi)12-Cabdi Raxiin C/laahi Faarax (Raul)13-Haashim Cali Nuur (Lampard)14-Anwar Axmed Yacquub (Alonso)15-Cadnaan Xassan Xussen (Drogba)16-Farxaan Muumin Shaarkeey17-Wali Garaad Samatar (Weeroow)18-Mahah Isxaaq Nuur (Nuurkeey)19-Liibaan Cabdi Kaahin(Arsenal Boy)20-Cabdi Rashiid Wardheere.21-Maxamed Cismaan Diiriye(Fara Yare)22-Yaasiin Cabdi Samatar (Xavi) SuŽaasha Hal Xiraalaha Cusub ayaa waxeey tahay maanta sheek ama saadaali inta ama Natiijada uu ku dhamaan doono kulanka Caalamiga ah ee dhex mari doona maalinta Isniinta ah 29.11.10 saacadu markeey tahay 21:00 kooxaha waa weeyn ee Fc Barcelona Vs Real Madrid. Dhamaan Maamulka www.xiriiriye.com ayaa sidaan u kala saadaaliyey : 1-Agaasimaha Xiriiriye Hassan Express waxa uu yiri Barcelona Vs Real Madrid waxa uu ku dhamaan doonaa 0-2 oo Real Madrid eey ku badineeyso. 2-Tifaatiraha Xiriiriye Omar Sii Sii waxa uu yiri : Barcelona Vs Real Madrid 1-1 ayuu ku dhamaan doonaa 3-Kaafi Deeq waxa uu yiri 1-0 Barcelona ayaa ku badineeyso. 4-Qadar Shirwac waxa uu yiri 2-2 ayeey ku kala bixi doonaan Kooxaha Barcelona vs Real Madrid. Hadaba ugu dambeeyntii Akhristoow Tijaabi bal awoodaada Sport iyo Nasiibkaaga !! Hadaad dooneeyso inaad ka qeeyb qaadato Tartanka Saadaalinta iyo Nasiibka halkaan noogu soo dir Jawaabtaada cida eey kula tahay in La Qararamsan doono . xiriiriyesports@hotmail.com .
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
Waxaa Diyaariyey : Omar Ali Omar (Omar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com