News: Arjen Robben oo Dhaawac Culus uu soo gaaray & Marco van Basten oo Hogaanka u haya Qabashada inuu Macalin u noqdo Qaranka Japan.
Xiddiga Kubada cagta ee Qaranka Holland iyo Kooxda Bayer München Arjen Robben ayaa waxaa soo gaaray Dhaawac Culus oo dhanka Muruqa bidix ah.
Robben oo lagu yaqaan Dhaawacyo aan xuduud laheeyn ayaa waxa eey hoos u dhigeen Laaciibnimadiisa inta badan marka uu garoomada ku soo laabto ayaa waxaa ka soo daba laabto dhaawacyo xun xun oo lagu tilmaamay kuwo u diiday in uu Nasiib la qeeybsado Laacibiinta kale ee Caalamka.
Dhaqtarka Kooxda Fc Bayer München Dr.Hans-Wilhelm Müller-Wohlfahrt ayaa ku eedeyey dhaawaca xun ee soo gaaray Robben Tababaraha Qaranka Holland Bert van Marwijk oo ku Ciyaarsiiyey World Cup Arjen Robben isaga oo og in uu qabo dhaawacaan uu kubada ku laadi kari waayey Maantana uu dhaawacaas dartiis Muruqa bidix u booday ka dibna Isbitaalka loo la cararay ayuu yiri Dhaqtarka bayer.
Dr. Hans-Wilhelm Müller-Wohlfahrt ayaa ugu dambeyntii Saxaafada Sportiga ee Dunida u sheegay in Arjen Robben ugu yaraan aanan garoomada Caalamiga ah lagu arki doonin mudo 2-Bilood ah iyo in kasii badanba .
Marco van Basten oo Qarka u saaran la wareegida Qaranka Japan.
Wakaalada wararka Sportiga ee Dunida ugu afka dheer oo soo xiganeysay ?Nikkan Sports". oo laga leeyahay Dalka Japan ayaa waxaa ee sheegtay in Tababarnimada Xulka qaranka Japan uu Shaqadiisa la wareegi rabo Ex-Player+Macalin Marco van Basten.
Marco van Basten oo Xiligaan kuleelaha ah Shaqo hoose ka hayo ama caawiyo Maamulka sare ee Ac Milan ayaa waxaa uu qabashada Tababare ee qaranka Japan uga horeeyaa Labo Macalin oo u wada dhashay Dalka Spain laguna kala magacaabo Ernesto Valverde iyo Victor Fernandez .
OGEEYSIIN BAHDA KU XIRAN www.xiriiriye.com, WAXAAN GOOR DHAW IDIIN SOO GUDBINEYNAA WARAR KII UGU DAMBEEYEY EE SUUQA KALA IIBSIGA CIYAARTOOYDA IYO WARAR KALE OO AAD U XIISE BADAN.. Ka boga inyar ka dib !!