Jawaabtii Hal Xiraalaha & Aqoon is weedaarsiga Sportiga, Magacyada Aqristayaasha Guusha ku bilaabay Sanadka Cusub 2011. SuŽaasha Hal Xiraalaha cusub oo ku saabsan inaad sheegtit Magacyada Lixdaan Ciyaaryahan ee dharka iskaga dhigtay sidii eey ula Dagaalami lahaayeen Cabista Sigaarka & Kansarka. ( Iyo Keydka Xiriiriye.com oo laga helay 3 ka mid ah Aqristayaasha Barnaamishka HalXiraalaha oo Buuxiyey Imtixaankii & Shuruudihii la dul dhigay)
Ugu horeeyntii waxaanu si weeyn uga raali gelineeynaa Baahda qaaska ah ee ku xiran Barnaamishka Hal Xiraalaha iyo Aqoon is weedaarsiga guud ee Sportiga hakadkii yaraa ee nagu yimid oo eey ugu wacneed inta badan Shaqaalaha www.xiriiriye.com oo sanadka Cusub Fasaxyo kala duwan u kala hayaamay.
Hadaanu u gudo galno SuŽaashii Halxiraalihii ugu dambeeyey oo eheed >> Waa kuma Ciyaaryahanka la Sawiran Rugcadaagii hore ee Qaranka Italy Roberto Baggio?.
Xiddiga isaga oo yar isla Sawiray Roberto Baggio hadana ah ciyaaryahan weeyn oo Caalamka laga wada yaqaan waa Antonio Cassano.
Antonio Casanno waxa uu dhashay 12. Juulay 1982 wuxuuna ku dhashay magaalada Bari ee dalka Talyaaniga. Kooxaha uu u soo ciyaaray ayaa wexeey kala yihiin Sidan:
1999-2001 waxa uu u soo ciyaaray kooxda As Bari 48-kulan 6-Gool ayuu u saxiixay. 2001-2006 wuxuu u soo saftay kooxda weeyn ee As Roma wuxuuna 118-kulan u saxiixay 39-Gool. 2006-2007 Kooxda Real Madrid ayuu u wareegay wuxuuna 19-kulan oo la safay uu u saxiixay Only 2-Goals wuuna isaga soo cararay kooxda Real Madrid maadaama Abaar iyo Baahi gool uusan weligiis arag kala soo kulmay Real Madrid. 2007-2010 Sampdoria ayuu ka tirsanaa wuxuuna in ka badan 80 kulan oo la safay uu u saxiixay 35-Gool.
Qaranka Talyaaniga ilaa 2003 ayuu ka mid ahaa oo xili waa laga reebi jiray xilina dhaawacyo ayuu uga maqnaa wuxuuna Xulka Italy 18-kulan oo la safay u dhaliyey 5-Gool. Antonio Cassano wixii ka biloowdo sanadkaan cusub ee 2011 waxa uu ka mid yahay Naadiga Ac Milan. Cassano waxaa lagu naaneesaa Eray Soomaali ahaan la mid ah Maxishoode wuxuuna magacaas ka dhaxlay ama ugu baxay waa ciyaaryahan inta badan is qaawiyo oo dharka iska dhigo marka laga reebo kastuumada xiliyada uu dabaal dagaayo.. Wuxuu jecel yahay inuu Foorjeeyo ama ka xanaajiyo markasta Xiddiga Ac Milan Gennaro Gattuso oo waxa uu ugu dheel dheelaa sidii qof waalan. Xiliga uu Cassano ku dheel dheelo Gattuso ka daawo akhristoow Beejka hore Qeeybta Muuqaadada Video-ga Xiriiriye.com xilga eey Heesaha isla qaadayaan Qaranka Talyaaniga. Halkaan ka Daawo Antonio Casanno Goolashiisa kuwii ugu wanaagsanaa >> http://www.youtube.com/watch?v=HpfJAknDG9s .
Hadaba Khabiiradii Sport ee isku dayey ineey xitaa sheegaan ama ku adkeestaan Ciyaaryahan Wajigiisa aad u yaraa xiligaas oo Weliba Sanadka cusub ee 2011 iyo Horyaalka cusub Guul ku bilaabay ayaa wexeey Magacyadooda kala yihiin Sidan: >>
Dhanka kale waxaa jiro 3-Aqriste oo buuxiyey Shuruudihii uu horay idinkaga Balan qaaday www.xiriiriye.com oo ahaa Shaqsigii buuxiya ama saxa 5-kamid ah SuŽaalaha Hal Xiraalaha Sport waxa uu muteeysan doonaa in looga faalooda ama la soo bandhigo Taariikh-nololeedka kooxda ama Ciyaaryahanka uu jecel yahay ama uu Taageero.
3-Aqriste ee guuleeystay ayaa wexeey u kala horeeyaan qaabkaan :
1-Zakariye Ali Osman (Amir Zaki) 2-Mr.Abdirisaak Hassan Ugaas (Duceeysane) 3-Axmed Allaqabow Cumar (Van Persie)
Sadexdaan Qabiir ayaa looga fadhiyaa ineey soo gudbiyaan Ciyaaryahanka ama kooxda eey Taageeraan sida balantu markii horeba eheed.
Dhanka Halxiraalaha Cusub ayaa waxaanu ku soo qaadaneeynaa Isbuucaan sidan: Bal Akhristoow waxaad sheegtaa oo Magacyadooda soo qortaa Lixda Laacib ee Beejka Xiriiriye ugu horeeya. Waa ciyaartooyda Feero Qaawan ee ka soo hor jeeda Cabista Sigaarka badan oo laga dhaxlo Kansar iwm. wexeey tusayaan Bulshada in Sigaarku Sambabada eber ka dhigo una daran yahay guud ahaan qofka caafimaadkiisa.. Kooxaha eey u ciyaaraan Lixdaan laacib lagaama doonaayo oo waxa lagaa rabaa waa Only Magacyadooda : Fadlaan hadaad wax isku heeyso inta noogu soo dir Jawaabtaada hana ka soo iloobin Magacaaga oo sadexan iyo hadii aad Neenaas leedahay >> xiriiriyesports@hotmail.com .