 |
|
 |
AntonioValenciautd |
 |

.Qeeybtii 2-aad >> Mid ka mid ah Xiddigaha Dunida ugu caansan oo Faqri ku soo koray balse Maanta Qani noqday," Aabaheey Antonio Mosquera wuu diiday inuu Shaqadaan xun ka haro laakiin Xoog ayaan uga reebay,, (Halkaan ka Akhriso Xiddigaha Faqriga ku soo koray balse Maanta Taajiriinta isku badashay : Qeeybtii 1-aad & Qeeybtii 2-aad) (Balan qaadkii hore From Keeydka Xiriiriye.com ) Horay waxaanu idinkugu soo gudbinay Qeeybtii 1-aad mid ka mid ah Laacibiinta Caalamka kuwooda ugu -caansan oo Faqri ku soo koray balse hada isku badalay Qani ama waxa loo yaqaan Taajir. Barnaamishkaan Qeeybtiisa 2-aad ka bogo maanta Xiddig caan ah oo Faqri iyo nolol xun ku soo koray balse Maanta Taajir noqday oo waliba Dadkiisa iyo Qaraabadiisa ka farxiyey ka dib markii uu u qabtay wax qabad muuqda. Luis Antonio Valencia Mosquera wuxuu dhashay 4-tii Bishii Agoosto Sanadkii 1985-kii, kuna Dhashay magaalada Nueva Loja oo ka tirsan dalka Ecuador.Dhirirkiisa waa 181 cm. Waa Xiddig laf dhabar u ah Qaranka Ecuador iyo kooxda The Red Devils Man Utd. Luis Antonio Valencia Mosquera waa Laacib ka Ciyaara Qadka dhexe gaar ahaan 2 meel oo kala ah Lugta Middig oo Qadka Dhexe ah ama Zenteraalka dhexe . Labadaas boos Xiddigaan waxaa ka caawiya Oradkiisa dheereeya oo wata Gambis taas oo soo da dajiso inuu kooxdiisa Guul u horseedo >> (. Hauptsächlich wird Valencia im zentralen oder rechten Mittelfeld eingesetzt. Neben seiner Schnelligkeit zählt seine hervorragende Technik zu seinen Stärken) <<. Luis Antonio Valencia waxaa ilaa yaraantiisii soo gacan qabatay Koox Xaafadeed lagu magacaabo Caribe Juniors, markii uu kooxdaas wacdaro ka soo dhigayna wuxuu ku biiray sanadkii 2001 kooxda weeyn ee CD El Nacional oo ka dhisan Caasimada dalka Ecuador ee Quito kana Ciyaarta horyaalka Ecuador. 2003 ilaa 2005 wuxuu ka tirsanaa Naadiga CD El Nacional wuxuuna 84-kulan oo uu u saftay u Dhaliyey 20-Gool. Intaas ka dib Adeerkiis Mario Mosquera ayaa nin Maneger ah oo Xiddigaha u Beec geeyo dalka Spain wuxuu ka dhameeyey inuu Luis Antonio Valencia yahay Laacib soo bixi doono oo Kubada cagta Mustaqbal weeyn ku leh. 2005 ilaa 2008 wuxuu ka tirsanaa oo loo geeyey kooxda Fc Villarreal oo ka ciyaarta Horyaalka La Liga ee dalka Spain. Xaasidnimo inta ay ka gaartay Villarreal Laacib Antonio Valencia Binji ayeey ku cabeen wexeey safeen 2 kulan oo kaliyah kuwaas oo intaas ka dib Amaah uga iibiyey koox ka Ciyaarta Serie B-da dalka Spain laguna magacaabo Huelva. 2005 ilaa 2006 ayuu Huelva amaah ahaan ugu soo Ciyaaray wuxuuna 14 kulan u saxiixay 1-Gool. Sanadkii 2006 ilaa 2009 waxaa soo iibsatay oo uu ka tirsnaa kooxda Wigan oo ka dhisan horyaalka Ingiriiska (84-kulan 7-Gool ayuu u saxiixay). Intaas ka dib Jakatooraha Qishka badan ee Ciyaartooyda gadaal ka eega waa Macalin Sir Alexander Chapman Ferguson ayaa ka helay fak fakta badan ee Luis Antonio Valencia wuxuuna bishii Juun sanadkii 2009-ka ku buuxiyey Booskii uu baneeyey Laacib Cristiano Ronaldo oo xiligaas u wareegay dhanka Boqortooyda Real Madrid. Bishii Agoosta ee Sanadkaan 2011 kooxda ManU oo u bogtay qaab Ciyaareedka Antonio Valencia wexeey u kordhiyeen Qandaraaskii uu kula joogay Shayaadiinta Cas Cas waxaana laga dhigay oo loogu daray 4-sano oo kale, waa ilaa 2015-ka yeeysan koox kale isku soo Hunguriyeen Laacibkaan >> (Anfang August 2011 verlängerte er seinen Vertrag bei Manchester United um vier Jahre bis 2015) << . Luis Antonio Valencia Dhanka Qaranka Ecuador wuxuu u saftay 42 kulan wuxuuna u saxiixay 6-Gool. Waa Xiddig aadaab badan oo hadana Kaftan badan. Aabaha dhalay Luis Antonio Valencia Mr.Antonio Mosquera waa Aabe caan ka ah magaalada Nueva Loja wuxuuna ka Ganacsan jiray mudo aad u fog Alwaaxda laga sameeyo Guryaha ama Aqalada (Baqaarada Qalabka Dhismada). Luis Antonio Valencia wuxuu shaqadaan adag 2 sano ka hor ka joojiyey Aabihiis Mr.Antonio Mosquera balse Aabaha Antonia Valencia wuu ka dhega adeegay codsigaas. Xiligii uu diiday inuu fadhigiisa Lacag ku qaato Mr.Antonio Mosquera wuxuu Wiilkiisa Antonio Valencia u ciyaari jiray kooxda Wigan. Luis Antonio Valencia oo Xaalad Faqri iyo Dhaqaalo xumo ku soo koray markii ay Malaayiin Euro ku soo iibsatay kooxda Man Utd wuxuu mar kale xooga saaray Aabihiis sidii uu kaga joojin lahaa Alwaaxdii uu gadi jiray wuxuuna ku Guuleeystay markaan Hamigiisa oo ahaa sidii uu Aabihiis Nolasha ugu raaxeeysan lahaa weliba iskaga iloobi lahaa Rafaadkii hore ee lagu soo koriyey Laacibkaan Bashaashka ah. Luis Antonio Valencia isaga oo Qoslaya mar uu Taariikhiisa kala hadlayey Skysport wuxuu yiri sida tan " Aabaheey Antonio Mosquera wuu diiday inuu Shaqadaan xun ka haro laakiin Xoog ayaan uga reebay,, Intii uu yaraa isaga oo Lacag heeysan wuxuu Qooyskiisa gaar ahaan Hablaha la dhashay Hooyadiis ka Balan qaaday inuu Beero waa weeyn u gadi doono, Riyadaas weey dhacday wuxuuna mid iyo Beer ka safay Qoyskiisa reer Abti iyo Reer Adeerba wexeeyna iyaga oo faraxsan sheegeen inuu Luis Antonio Valencia ilaa yaraantiisiiba ahaa Deeqsi aan waxba heeysan. Luis Antonio Valencia Mosquera wexeey aad isku fahmeen oo dhanka kooxda Man Utd iska heleen ama mar kasta is raacaan Laacibiinta kala ah Michael Owen oo dhoor jeer Gurigiisa ku marti qaaday, Rio Gavin Ferdinand oo Xafladaha u wado iyo Luis Carlos Almeida da Cunha Nani oo Saaxiibkiisa 1-aad ah. Dhibka ugu weeyn ee heeysata Xiddigaan fur furan Luis Antonio Valencia Mosquera waa ku hadlista Luuqada English-ka oo uusan yaraantiisii Iskuul u soo marin maadaama uu ku noolaa magaalo aad u yar oo hadane dhanka Dhaqaalaha uu u saamixi waayey. Halkaan ka daawo Wacdaraha Laacib Antonio Valencia >>> http://www.youtube.com/watch?v=a92LBzthab0 . FILO MAALMAHA SOO SOCDA QEEYBTA 3-AAD XIDDIG CAAN AH OO FAQRI KU SOO KORAY BALSE MAANTA TAAJIR NOQDAY IYO XIDDIGAAN OO KA DUWANAAN DOONO LAACIBIINTAAN QAATAY BARNAAMISHKAAN QEEYBTIISA 1-AAD IYO 2-AAD MAADAAMA UU YAHAY LAACIB KIBIR BADAN OO CIDII KU SOO QAADA FAQRINIMADII UU KU SOO KORAY LA DABA KACA CAAY IYO AFLAGAADO CADEEYNTEEDA LA HAYO (COMIMG SOON QEEYBTII 3-AAD .HOOS KA AQRISO QEEYBTII 1-AAD)
QEEYBTII 1-AAD >> Maxaad kala socotaa 3 ka mid ah Laacibiinta Caalamka oo Faqri iyo Baahi ku soo koray balse hada Taajiriin isku badalay (Halkaan ka Akhriso War Bixin Tarjuman By : Bild Sport)
Jaraaidka Bild-Sport ayaa war Bixin Top ah waxa uu ka qoray 3 ka mid ah Laacibiinta Caalamka ugu caansan oo uu ku sheegay ineey yihiin Xiddigo Faqri iyo Baahi ku soo koray balse hada Taajiriin isku badalay (Qeeybtii 1-aad War bixintaan oo Tarjuman ayaa u qorneed sidan ). Angel Fabian Di Maria waa Laacibka kooxda Real Madrid iyo Qaranka Argentina wuxuuna dhashay 14.02.1988-kii. Di Maria waa Laacib eey isku magaalo ku dhasheen Xiddiga caanka ah ee Fc Barcelona Leo Messi waxaana magaalada eey ku dhasheen ama ka soo jeedaan lagu magacaabaa Rosario. Kooxaha uu u soo ciyaaray Di Maria wexeey kala yihiin Rosario Central, Benfica Lisbon iyo Real Madrid oo uu hada u safto. Angel Di Maria Goolkiisii ugu horeeyey kooxda Real Madrid wuxuu u saxiixay 22-kii Bishii Agoosto sanadkii 2010-ka wuxuuna ka dhaliyey kooxda Hercules. Di Maria intii uusan ku soo biirin kooxda Benfica Bishii Juulay sanadkii 2007 waxaa qarka u saarneed ineey la soo wareegto kooxda the Gunners Fc Arsenal waxaa sidoo kale heshiis kula jirtay kooxda Boca juniors oo dooneeysay ineey ka faaido Laacibkaan Lacag fara badan. Di Maria xiligaas (2007) waxaa soo Bililiqeeysatay ama si layaab ah kula soo wareegtay kooxda Benfica oo ka dhisan Horyaalka Portugal. Angel Di Maria waa Laacib ku wanaagsan tuurista dhanka Koornooyinka waxaana taas kuu cadeeyneeyso 20-kii Bishii April Sanadkii 2011 wuxuu Kubad Koorno eheed Madaxa u saaray Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo oo Fc Barcelona 1-0 kaga xayuubsaday koobkii Boqortooyada reer Spain ee Copa Del Rey. 28-kii Bishii Juun Sanadkii 2010-ka waxaa 25 Milyan oo Euro kula soo wareegtay kooxda Real Madrid oo ka soo iibsatay kooxda Benfica wuxuuna u saxiixay Qandaraas 5 sano ah.
Intaas wixii ka dambeeyey Aabaha dhalay Xiddigaan oo lagu magacaabo Fabian Di Maria wuxuu Albaabada iskugu dhuftay Dukaankii uu ku iibinjiray Kabaha Saandalada ah oo ku yaalay magaalada Rosario ee dalka Argentina. Angel Fabian Di Maria waa Xiddig lagu soo koriyey Nolol aad u adag (Faqri) wexeeyna maanta isaga iyo Qooyskiisa dhex Dabaalanayaan Malaayin Euro oo u taalo Bankiyada dalka Argentina. Angel Fabian Di Maria waa Laacib aad u Lafo yar yar oo Caato ah wuxuuna muuqaalka nuucaas ah ka Tarjumayaa Nolashii adkeed ee uu ku soo koray. Angel Di Maria ma jeclo in wax laga weeydiiyo Nolashiisii hore iyo Faqrinimadii uu ku soo koray. Dukaankii Kabaha Saandalada ah lagu iibin jiray ee uu lahaa Aabihiis Fabian Di Maria waxaa uu hada u furan yahay ama si buuxdo ula wareegay Abtigiis Rigo Marquez oo goobtaas ku ganacsado. LA SOCO GOOR DHAW QEEYBTII 2-AAD & QEEYBTII -3-AAD OO AANU KU SOO QAADAN DOONO DHAMEESTIRKA WAR BIXINTA 3-CIYAARTOOY OO FAQRI KU SOO KORTAY BALSE MAANTA TAAJIRIIN ISKU BADASHAY !! !! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !! (Xiriiriye.com Xarunta Ciyaaraha iyo Mucjisooyinka Caalamka
|
| |
|  |
Heeso iyo cayaaro video ah
Yaa ku guulaysan doona horyaalka ingiriiska?
| |
|
Yaa ku guulaysan doona horyaalka Talyaaniga?
| |
|
Yaa ku guulaysan doona horyaalka Spain ?
| |
|
|
|