Mucjiso Rabaani ah oo dalka Turkiga ka dhacday ayaa wexeey noqotay mid aan waligeed Dunida ka dhicin & Qofkii Qadar-kaan Alle Daawada oo Jariiraco dareemi doona (Daawo Yaabka Dhacay).
Qadarka Alle ee mar walba ka dhaca Dunida ayaa waxa uu noqday mid aan dhamaad laheeyn oo lagu tusayo Beni´aadamka ineey ku Cibrad qaataan inta ay Dunida Joogaan.
Xaafada Kizilsaray oo ku taala magaalada caanka ah ee Antalya ayaa waxaa ka dhacday Qiso Rabaani ah oo ku cusub maqalkeeda dhegaha Shacab weeynaha Caalamka ka dib markii Labo Bisadood ama Mukulaal oo wada socday uu mid ka mid ah Gaari jiiray taas oo sababtay in Bisadii ama Mukulaashii kale ay goobta ka ag tagi weeyso ilaa ay afka afka u galiso si ay u Bad baadiso Bisadii dhimatay.
Somalia iyo guud ahaan Caalamka waxaa caan ka ah marka Mukulaal ama Bisad uu Gaari jiiro ama la Dilo ineey Bisadaha kale goobtaas iskaga cararaan iyaga oo bad baadinaya Nafsadooda balse hada waxaa dhacday Mucjisadaan Rabaaniga ah oo dad badan ay Gacmaha afka saarteen.
Bisada Gaariga uu jiiray intii ay goobta taalay waxaa ka ag tagi weeysay tii Bad baaday oo si kasta iskugu dayday ineey dhulka ka soo qaado wexeeyna mararka qaar yaab dhigtay markii ay afka afka u galisay si ay u ogaato Neefta ama nolasha Bisadii geeriyootay. Ugu dambeeyntii waxaa goobtaas soo gaaray Nin qaabilsan Dabiibida Xayawaanaadka oo Meeydkii Bisadii dhimatay goobtaas ka qaaday.