News : Xiriirka Kubada Cagta ee France oo Nicolas Anelka ku eedeeyey in uu iyaga ugu dan lahaa Dabaal degii uu sameeyey isaga oo Gacmaha ka xiran ( Halkaan ka Daawo ). & Warar kii ugu dambeeyey ee Ciyaaraha iyo Ciyaartooyda.
Xiriirka Kubada Cagta ee dalka Faransiiska oo marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaan FFF ayaa eedeen kulul dusha uga tuuray Laacibka Kooxda Fc Chelsea Nicolas Anelka.
Anelka ayaa kulankii Champions League ee MSK Zilina vs Chelsea oo 1-4 ku soo badisay kooxda Chelsea waxa uu Goolkii 2-aad ee kooxda Zilina ka dheliyey uu ku dabaal degay isaga oo gacmaha ka xiran oo leh laacibiinta kale ee kooxda Fc Chelsea kaalaya iga fura Gacmaha. ( Halkaan ka Daawo : http://www.youtube.com/watch?v=mz_2qRaxW_A ).
Nicolas Anelka oo fadeexadii uu kula kacay World Cup 2010 macalinkii hore ee Qaranka France Raymond Domenech ka dib markii uu ku yiri waxaa tahay Wiil eey dhashay dhilo qilaaf dhex maray labadooda dartiis ayaa Xiriirka kubada Cagta ee FFF France waxa eey Anelka ka mamnuuceen in uusan Qaranka France u safan karin 18-kulan oo xiriir ah. Anelka ayaa dhankiisa qirtay maanta inuu Gacmo xirkaas iyo Xoriyad la aan taas ugu dan lahaa Xiriirka kubada cagta ee France.
**Kooxda AC Milan ee loo yaqaanRossoneriayaa waxa eey weeyn doontaa dhoor Isbuuc Labo Ciyaartooy oo Muhiim ah.
Kooxda AC Milan ayaa waxaa dhaawacyo dhanka Muruqa ah ka soo gaareen Laacibiinteeda kala ah Massimo Ambrosini iyo Alexandre Pato. Laacibintaan oo dhaawacmay kulankii Champions League xalay ee kooxda A C Milan 2-0 uga badisay kooxda Auxerre ee dalka Faransiiska ayaa waxaa la xaqiijiyey in Milan eey ka maqnaan doonaan kulanka muhiimka ah ee kaga hor tagi doonaan Kooxda Ajax Amsterdam ee ka dhisan dalka Holland. ( Halkaan ka Daawo : http://www.youtube.com/watch?v=hy1TGIPmjXg )
** Xiriirka kubada cagta ee Portugal oo doonaya Jose Morinho
Wakiilka Jose Morinho u qabiilsan ciyaaraha Ninka lagu magacaabo Jorge Mendes ayaa lagu wadaa in uu Xiriirka Portugal kala hadlo Arinta eey soo bandhigeen ee ah doonistooda Macalin Morinho oo hada Tababare u ah kooxda Real Madrid.
Xulka Qaranka Portugal ayaa Tababare la aan ah ka dib markii shaqadii laga ceeyriyey Macalinkoodii hore Carlos Queiroz oo lagu eedeeyey in uu sabab u ahaa Naf lacaari ku yimid Qaranka Portugal oo eey soo garaacday Norway weliba gurigooda bareejo 4-4 ah la galay Jasiirada Qubrus taas oo dad badan ka yaabisay sababta Portugal oo Taageero xoogan ku leh Maslaxa kubada cagta in Jasiirad yar oo aan Ciyaaraha wax sidaas ah ku awood badneeyn eey Gurigooda magaalada Lisbon 4-4 la dhaafi waayaan.
** Macalinka Cusub ee Aston Villa Gerard Houllier oo doonaya Weeraryahanka Man Utd Michael Owen.
Gerard Houllier oo u dhashay dalka France horayna u ahaan jiray Ex-Couch Fc Liverpool ayaa waxa uu soo bandhigay in uu si weeyn u doonayo Laacib Michael Owen oo hada u ciyaara kooxda Red Devils ee Man Utd.
Houllier ayaa Laacib Owen waxa eey saaxiibo waa weeyn iyo dad is fahmay ku ahaayeen waagii Liverpool uu Tababaraha u ahaa ee 2001-kii. Kooxda Manchester Utd ayaa ilaa iyo hada aan ka jawaabin hadalka Houllier oo u waramayey maanta Canal Plus. ** Taageerayaasha Old Trafford oo ku farxay sida loogu guuleeystay Qaliinka lagu sameeyey Laacib Antonio Valencia.
Xiddiga Qaranka Ecuador iyo Kooxda Man Utd Antonio Valencia ayaa waxaa lagu guuleeystay qaliinkii lagu sameeyey.
Antonio Valencia ayaa waxaa dhaawac aad u xun uu ka soo gaaray kulankii doraad ee Champions League oo Man Utd gurigeeda 0-0 la dhaafi weeysay Kooxda heeysata Horyaalnimada dalka Scotland ee Rangers.
Taageerayaasha Red Devils ee Manchester Utd ayaa aad uga naxsanaa qaabka uu u dhaawacmay Laacib Antonio Valencia oo eey ugu yeeraan dhamaan Taageerayasha Manchester Utd ( Shimbirtii baalaha ee Waalneed) kaas oo eey kala jedaan sida uu Baalaha kubada uga dhex muuqdo ama u dhex jeexo ciyaaryahanada ka soo hor jeeda kooxda Man Utd.
Ogeeysiin: wax yar ka dib filo Barnaamishyada La Yaab iyo Ku biiri Aqoontaada Sport oo Maanta Xiiso weeyn Xambaarsan !