Maxaad ka taqaan Maska loo yaqaan Anaconda xiliga uu gaajeesan yahay qaabka uu u laqo Xayawaanaadka waa weeyn & wadamada uu ku nool yahay?
Maska ugu weeyn dunida nuuca looyaqaan Anaconda waxa uu ku nool yahay wadamada kala ah Bolivien, Ecuador, Guyana, Colombia, Venezuela, Peru & Paraguay. Anaconda ayaa waxa uu 90% ku nool yahay ama ku koraa meelaha biyaha fadhiistaan oo inta badan lama degaanka ah. Nuuciisa ugu dhirirka badan waxa uu ku nool yahay wadanka Venezuela waxaana dhirirkiisa Cilmiyaqaaniinta Masaska ku taqsuusay ku sheegeen in uu gaaraayo 900cm.
Anaconda ayaa waxaa lagu sheegay xiliyada uu baahan yahay ama 1-isbuuc wax cunin in uu qarbudo wax alle iyo wixii ka horyimaada wuxuuna xiliyadaas ka qaraabtaa meelo aad uga fog meesha uu ku nool yahay. Maska Anaconda ayaa Tilmaamaha eey ku yaqaanaan dadka degan wadamada uu ku nool yahay ayaa ah in 10km wax ka badan marka uu xawli ku ordaayo ama xanaaqsan yahay oo Xayawaanaadka kale uu ugaarsanaayo waxaa isla goobtaas uu weeraray ka yaaca Shimbiraha waana arin la yaab badan wax eey Beniaadanku maqli waayeen oo Shimbiraha calaamad looga dhigay .
Inta badan marka uu Anaconda rabo inuu Xayawaan kale laqo ama gaado waxaa kashifa Shimbiraha oo dhaqsi uga haado meesha uu ku soo socdo taas caawisa Xayawaanaadka kale oo marka eey Shimbiraha kala yaacaan iyagana iskaga carara meesha. Anaconda ayaa la sheegay inuu neceb yahay oo uu ka xanaaqo 2-arimood. 1-waa cidii meelaha biyaha ah ee uu ku nool yahay Olyada madoow ama Saliida ku shubta. 2-marka laga jajabiyo Ukumihiisa. Anaconda waxaa mucjiso ah oo Masaska kale uu dheeryahay caqli ah inuu gambashada yaqaan meel aadan fileen ayuuna kaaga soo baxayaa.