André Ayew oo u wareegaya Stuttgart & Rafael Marquez oo Barcelona macsalaameyey .
Xidiga Qaranka Mexico iyo Kooxda Barcelona Rafael Marquez ayaa si heer sare ah sagootin loogu sameeyey. Rafael Marquez ayaa u wareegay Kooxda New york Red bull ee dalka Mareykanka . Rafael Marquez ayaa noqonaya Ciyaar yahankii 2-aad oo Barcelona ka socda oo New York Redbull aada. Horay waxa eey Kooxda Barcelona uga gateen Laacib Thierry Henry.
Dhanka kale Kooxda Stuttgart ayaa ku dhegan oo qarka u saaran ineey la soo wareegto Ciyaar yahan André Ayew oo Ghana u dhashay una ciyaara Marseille balse hada koox kale amaah ugu maqan.
Filo Goor dhw Beeca Ciyaartooyda oo meel caalami ah kala maraya.