LA GAZZETTA DELLO SPORT " Xaaska Buffon Alena Seredova wexeey Waashay Gabdhihii Talyaaniga oo Waalidiintooda Qaatu kala taagan yihiin,, (Waa maxay sababta Daawo Sawirka Gudaha +War bixinta)
Jaraaidka loogu jecel yahay dalka Talyaaniga dhanka Sport La Gazzetta Dello Sport ayaa markii ugu horeeysay dhulka ku jiiday Xaaska Boortaha Qaranka Talyaaniga iyo kooxda Juventus Gianluigi Buffon.
Xaaska Buffon waxaa lagu magacaabaa Alena Seredova wexeeyna u dhalatay dalka Jamuuriyada Czech Republic oo ay horay dhoor jeer ugu Guuleeystay kaalinta 1-aad dhanka Hablaha xayeeysiisa dharka Dumarka.
Alena Seredova oo hada in mudo ah ku nool dalka Talyaaniga wexeey Goolhaye Buffon u dhashay 2 Wiil wexeeyna weli ka shaqeeysataa oo Lacag xoogan ay ka soo gashaa Xayeeysiinta Dharka iyo Barnaamishyo Show Comeddy ah oo ay ka soo deeyso Telefishinada dalka Talyaaniga.
Xaaska Goolhaye Gianluigi Buffon Alena Seredova waxaa lagu eedeeyey ineey Maskaxda ka qabsatay ama degtay Gabdhaha yar yar ee dalka Talyaaniga kuwaas oo u qaab labista sida Alena Seredova oo Labis ka soo dhigata wax yaabo muujinaya ama astaamaha Ciyaaraha Kubada cagta.
Alena Seredova Telefishinada hortooda marka ay Show qabaneeyso ama ka hadleeyso wexeey ku soo Labistaa Raajabeetada Dumarka naasaha gashtaan oo ay ka soo sameeysay ama u soo ekeeysiisay Kubad iyo Shabaqa Goolasha taas oo ay kala jeedo inuu Ninkeeda Gianluigi Buffon Goolhaye yahay.
Intaas kuma harin ee Isbuucaan gudihiisa wexeey soo Bandhigtay Nigisaan ama Kastuumooyin ay ka soo dhigatay ama u soo qaab ekeeysiisay Shabaqa Goosha iyo Kubad cad & Madoow ah.
La Gazzetta Dello Sport ayaa sheegay Xaaska Buffon ineey Qorshahaan lacago xoogan kaga cunto Shirkadaha Dharka Sportiga soo saaro balse ay Dhaqan ahaan badashay Gabdho badan oo taageera qaabka ay u Labisato waxaana Gabdhaha isku ekeeysiiya hab dhaqanka Alena Seredova ay inta badan dhibaato kaga imaadaa Waalidiintooda oo sheegay ineey caruurtooda halis ugu jiraan xiliyada ay Iskuulka aadayaan Ciyaalsuuqiinta faduuliya Gabdhaha inamada ah.