LA YAAB : Esteban Alvarado " Ciyaal suuqii i soo weeraray waxaan u maleeyey ineey Midi u qarsoontahay sidaas darteed ayaa Haraanti iyo Kalafooto iskaga Difaacay (Halkaan ka Daawo Hadal heeyntii ugu badneed ee Caalamka Yaab ka dhacay Horyaalka Holland) !!
Hadal heeynta ugu badan dhanka Saxaafada Caalamka wexeey noqotay kulan ka tirsan Koobka dalka Holland oo dhex maray kooxaha waa weeyn ee kala ah Ajax Amsterdam Vs Alkmaar oo ku dhamaaday Banad (Qanad).
Ciyaartaan oo eheed mid adag ayaa waxaa Garoonka orad ku soo dhex galay Taageere lagu sheegay 19-jir kaas oo abaaray dhanka Goolhayaha Qaranka Costa Rica iyo kooxda Alkmaar oo hogaanka u heeysa Horyaalka dalka Holland ee Eredivisie waa Goolhaye Esteban Alvarado.
Goolhaye Esteban Alvarado ayaa si La Yaab ah waxa uu Wiilkii soo galay Garoonka ula dhacay Haraanti iyo Fara laab wuxuuna hada yiri sidan ("Ich dachte zuerst, er hat ein Messer", Ich hatte Angst" >> Waxaan markii ugu horeeysay u maleenayey inuu Midi/Mindi wato ka dibna Cabsi ayaan dareemay ayuu yiri Goolhaye Esteban Alvarado.
Ciyaartaan oo ay kooxda Ajax 1-0 ku hogaamineeysay dhibka intii uusan dhicin ayaa waxaa Rooso la siiyey Goolhaye Esteban Alvarado in kastoo hada la sheegay inuu Roosahaas ahaa mid Qalad ah oo aan shaqeeyn doonin.
Arinta ugu yaabka badan wexeey noqotay Wiilkaan Ciyaal Suuqa ah oo la sheegay in Garoonka kooxda Ajax Amsterdam laga mabnuucay 3 sano ka hor balse hada uu ku soo galay qaab farsameeysan ka dib markii uu iska soo dhigay Nin Curyaan ah oo ku socda Gawaarida Jiisaska taas oo u sahashay inaan si wanaangsan loo koontaroolin wuxuuna hada ku Guuleeystay Hamigiisii ahaa in la sheeg sheego maadaama uu Qanaday kulan Caalami ah.
Wiilkii dhibkaan geeystay ayaa hada waxa kiiskiisa la wareegay Ciidamada Booliiska dalka Holland kuwaas oo dhigay xabsiga.
WAX YAR KA DIB FILO WARAR TOP AH OO HADA SHAQO AY KU SOCOTO IYO WARAR KII UGU DAMBEEYEY EE WORLD SPORT NEWS .
Halkaan ka Daawo Yaabka dhacay >>> http://www.youtube.com/watch?v=U16W49-_mI0