Luuqada Afka Soomaaliga oo noqotay mid eey si sahlan ku bartaan dadka Cadaanka ah, Halkaan ka daawo Xiriiriye.com oo arintaan dhoor Muuqaal idinkaga soo diyaariyey & Af Soomaaliga oo noqon raba Luuqadaha Caalamka ku faafay maadaama dadka Soomaaliyeed meel kasta eey u Qaxeen (Halkaan ka Daawo Xiriiriye iyo Mucjisooyinka Caalamka)
Waxaa marba marka ka dambeeysa Caalamka ku soo badanaya Dadka Cadaanka ah ee Luuqada Soomaaliyeed u arka ineey sahlan tahay barashadeeda ka dibna waqti ku dhumiya sideey uga faaideeysan lahaayeen ku hadlista Afka Soomaaliga.
Dadka Soomaaliyeed ayaa wexeey u qaxeen ama joogaan meel kasta oo Dunida ka tirsan gaar ahaan Wadamada Yurub, Australia, Canada & America. Mushtamaca doonaya ineey luuqada Afka Soomaaliga ah si wanaagsan u bartaan ayaa waxaa u badan dadka barta ama xiiseeya ineey Luuqado badan ku hadlaan kuwaas oo ugu dambeenta ugu yaraan 5-Luuqadood ku hadlistooda ku guuleeysta.
Xarfaha ugu adag ee dadka Cadaanka ah eey ka qeeyliyeen ama la qabsan la yihiin luuqada Soomaaliga ku dhawaaqisteeda ayaa waxaa lagu sheegay ineey kala yihiin XARFAHA " C iyo X. Qofka Ajnabiga ah ama Cadaanka ah marka uu doonaayo inuu Xarafka C qof ugu yeero sida Cali ama Canab ma kari karo oo waa inuu yiraahdaa Ali ama Anab.
Xarafka X sidoo kale wuu ku adkaaday qofka ama dadka aan u dhalan Soomaaliga maxaa yeelay Xarafka X marka laga doonayo Ajnabiga Soomaaliga baranaayo waxa uu Xamdi ama Xassan ugu yeeraa sidan " Hamdi ama Hassan,, Labadaas eray intaan ka aheeyn si wanaagsan ayey dadka ula qabsadeen AF Soomaaliga.
Hadaba waxaanu maanta halkaan idinkugu heeynaa Dad Cadaan ah oo Luuqadeena Hooyo si wanaagsan ugu hadlaayo weliba aan ka daalin sii barashadeeda ilaa eey heer Caalami ah ka gaaraan .