Xulka Ivory Coast oo ay ka muuqato abaar xun oo ka heeysatay koobka Qaramada Africa (1992) ayaa waxaa lagu wadaa 8.02.2012 ineey la Ciyaaraan dalalka Gaboon Vs Maali oo maanta wada Ciyaaraya (waa kii soo baxa).
Waxaa sidoo kale isa soo taagay Semifiinaalka Koobka Qaramada Africa xulka Sambia oo 3-0 ku Saqiir suujiyay Xiddigaha Qaranka Suudaan. Sambia oo awalba ka xoog badneed Ciyaartooyda Sudan ayaa waxeey ka faaideeysatay Rooso la siiyay Saif Masawi Farah Daqiiqadii 65-aad.
Goolasha Sambia waxaa u kala saxiixay Ciyaarooyda kala ah Stophira Sunzu Daqiiqadii 15-aad, Chris Katongo Daqiiqadii 66-aad iyo James Chamanga Daqiiqadii 86-aad. Halkaan ka Daawo Ciyaarta http://www.youtube.com/watch?v=2Hjk3NzgCHs .
Xulka Sambia ayaa dhankiisa waxa uu sugayaa kii soo baxa dalalka Ghana Vs Tunisia oo kulan adag uu dhex mari doono Caawaa saacadu markeey tahay 20.00 Fiidnimo.