Samuel Eto'o oo qaaday African Player of the Year 2010, Marouane Chamakh, Didier Drogba & Asamoah Gyan oo nasiibka uu diiday, Maxaad kala socotaa sidii loo kala qaaday Abaal marintaan 11-kii Sano ee ugu dambeeysay??
Weeraryahanka Qaranka Cameroon iyo kooxda Inter ee horyaalka Talyaaniga Samuel Eto'o ayaa Abaal marintii Qaaliga eheed ee Qaarada Africa la gar guurtay iyada oo eey ku heeystaan ciyaartooy aad u fara badan. Samuel Eto'o ayaa waxa uu jabshay Iskoorkii u yaalay Qaarada Africa ee ahaa sida loogu kala guuleeystay Abaal marintaan oo markii hore eheed 3-jeer wuxuuna hada ka dhigay ama qaaday markiisii 4-aad inta Taariikhda la ogyahay.
Xiriirka kubada cagta ee Caf oo abaal marintaan kaga dhawaaqay magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa waxaa riyadii qaadista abaal marintaan eey u Rumoobi weeysay Ciyaartooyda kala ah Didier Drogba oo heeysto abaal marintii ugu dambeeysay ee 2009-kii una ciyaaro Qaranka Ivory Coast iyo kooxda Fc Chelsea, Asamoah Gyan oo World Cup wacdaro ka soo dhigay una Ciyaaro Qaranka Ghana iyo kooxda Sunderland ee horyaalka England iyo Marouane Chamakh oo u safto kooxda Arsenal iyo Qaranka Marocco.
Samuel Eto'o oo iska cadeed inuu qaadi doono abaalmarinta Xiddiga sanadka ee Qaarada Afrika 2010 maadaama uu heeysto koobabkii ebid ugu badnaa ee laga doonaayo inuu ciyaaryahan soo xareeyo sida >>> Koobka Italy, Horyaalka Talyaaniga, Koobka The Uefa Champions League iyo Koobkii ugu dambeeyey ee Qaaradaha oo uu maalintii Sabtida eheed ku soo guuleeystay. Ciyaartooyda la tar tameeysay Samuel Eto'o ayaa waxa eey qabeen inta badan inuu beerta geli doono maadaama bishii la soo dhaafay uu ku kacay fal ka baxsan ciyaaraha kubada cagta ka dib markii uu Testo ku qaaday ama Herdiyey Xiddig u safto kooxda Chievo Verona ee horyaalka Talyaaniga waxaana arinkaas waxba ka soo qaadin xiriirka kubada cagta ee Qaarada Afrika oo Samuel Eto'o u fiiriyey Koobabka tirada badan ee uu Faraqa ku heeysto.
Abaal marintaan qaaliga ah ee Qaarada Afrika ayaa waxaa Iskoor 4-jeer ah ku hogaaminaayo Laacib Samuel Eto'o waa 2003, 2004, 2005 iyo hada oo ah 2010. Waxaa ku soo xigo oo iyana dhoor jeer heeysta ciyaartooyda kala ah Abedi Pele & Georg Weah oo min 3-jeer qaaday iyo Didier Drogba, El Haji Diouf, Roger Milla iyo Thomas N´kono oo min 2-jeer la hoyday. Ciyaartooyda kale ayaa sidaan u kala qaaday Abaal marintaan qaaliga ah ee Xiddiga ama Laacibka sanadka Qaarada Afrika : >>
1-1999-kii Kanu , Nigeria
2-2000-kii Patrick M´Boma, Cameroon.
3-2001-kii El Hadji Diouf,Senegal.
4-2002-kii El Hadji Diouf,Senegal.
5-2003-kii Samuel Eto'o ,Cameroon.
6-2004-kii Samuel Eto'o , Cameroon.
7-2005-kii Samuel Eto'o ,Cameroon.
8-2006-kii Didier Drogba ,Ivory Coast.
9-2007-kii F. Kanoute ,Mali
10-2008-kii Emanuel Adebayor, Togo.
11-2009-kii Didier Drogba ,Ivory Coast
12- iyo 2010 oo uu Afareeystay Weeraryahan Samuel Eto'o.
Xiddigihii isa soo sharaxay sanadkaan ee Rajada ka lahaa Abaal marintaan ee weliba doonayey ineey Samuel Eto'o Isbaaro weeyn u dhigtaan ayaa waxaanu ka xusi karnaa Laacibiintaan.
Marouane Chamakh (Marokko)
Mohamed Zidane (Egypt)
Bouguerra Mohamed (Algerien)
Michael Essien (Ghana)
Asamoah Gyan (Ghana)
Kwadwo Asamoah (Ghana)
Prince Boateng (Ghana)
Yaya Toure (Ivory Coast)
Didier Drogba (Ivory Coast)
Salomon Kalou (Ivory Coast)
Yao Kouassi Gervinho (Ivory Coast)
Victor Nsofor Obinna (Nigeria)
Frederic Kanoute (Mali)
Seydou Keita (Mali)
Steven Pienaar (South Africa)
Emmanuel Adebayor (Togo )
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
Waxaa Diyaariyey : Omar Ali Omar (Omar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com