Soomaali wadatay Macawiisyo & Dabajeexyo oo Markab Talyaani ah ka qaadatay 8,5 Milyan oo Euro iyo Telefishinada dalka Talyaaniga oo laga daawaday Muuqaal Argagax leh (Halkaan ka Daawo Bahdilkaan)
Waxaa Markii ugu horeeysay Telefishinada dalka Talyaaniga laga wareeystay Shaqaale dhoor iyo toban kor u dhaafay oo u kala dhashay dalalka Talyaaniga iyo India. Shaqaalahaan ayaa waxaa lagu heeystay mudo 10 Bilood ah Xeebaha dalka Somalia wexeeyna la socdeen xiligii la afduubayey Markab Shidaal oo laga leeyahay dalka Talyaaniga.
Shaqaalahaan ayaa Telefishinada u sheegay in loo la dhaqmay si Wuxuushnimo ah isla markaana Cuntada la siin jiray iyaga oo ka xir xiran Gacmaha waxaana mashaqadaas loogu dari jiray Karbaash iyo Qoriga Baadkiisa oo maalin kasta la la dhici jiray sida ay hadalka u dhigeen.
Burcad Badeedii Markabkaan iyo Shaqaalihiisa heeysatay ayaa waxaa la shaaciyey ineey gacanta ku dhigeen Madax furasho lagu sheegay 8,5 Milyan oo Euro. Ragii Soomaalida ahaa ee Markabkaan Afduubtay weliba qaatay Lacagta sidaas u faraha badan ayaa Saxaafada dalka Talyaaniga waxaa laga soo daayey iyaga oo Macawiisyo xiran kuna hubeeysan Qoriga loo yaqaan Dabajeexa.
Shacab weeynaha Caalamka gaar ahaan kuwa dalka Talyaaniga ayaa waxaa laga dhaadiciyey Dadka Soomaalida ineey yihiin Dad Naxaariis daran oo aan jirin Sharci kala dhiciya iyo mid looga ashtakoodaba.
Halkaan ka ka Daawo Bahdilka iyo Sharaf dhaca Soomaalida loo geesanaayo >>> http://www.youtube.com/watch?v=HAZG-LTVOHs