Adidas oo Taalada Lionel Andrés Messi Dalal badan ka taagtay & Taageerayaasha C.Ronaldo oo arinkaas ka Tiiraanyooday +Wararkii ugu dambeeyey ee World Sport News .
Shirkada ugu Tunka weeyn soo saarista qalabka Sportiga ee Adidas ayaa waxa eey heshiis cusub la gashay Laacibka Qaranka Argentina iyo kooxda Fc Barcelona ee dalka Spain Lionel Andrés Messi.
Adidas oo aan looga baran ineey dhisto ama taagto Tabeelayaasha waa weeyn ee loo yaqaan Taalada ayaa waxaa eey hada bilowday xayeesiin nuuc cusub oo casri ah ka dib markii eey ka Taalo dheeraatay Shirkada kale ee tartanka weeyn uu kala dhaxeeyo cidii hogaanka u qaban leheed soo saarista qalabka Sportiga ee Dunida Nike.
Nike ayaa iyada Aaminsan Laacib Cristiano Ronaldo oo mar walba u xayeeysiiya Qalabka Sportiga ah ee Dunida ugu qaalisan. Taalooyinkaan cusub ee Lionel Messi & Adidas wax ku xayeeysiinayaan ayaa wadamada laga taagay ilaa iyo hada waxaa ka mid ah Argentina, Spain, Holland, Mexico, Russia, Germany, South Africa, Saudi Arabia, Kuweit, iyo France. Waxaana iska cad in Adidas eeysan Tabeele Messi ah ka taagi karin Dalka Portugal oo uu Cristiano Ronaldo ka soo jeedo iyo weliba Dalal badan oo Dunida ah kuwaas oo Qandaraas-kaan mid la mid ah kula jira shirkadaha Puma & Nike.
Cristiano Ronaldo ayaa inta badan lagu tiriyaa inuu dhaqaale xoogan uu ka soo galo dhanka qalab xayeysiinta ha ahaato Gawaarida, Dharka iwm. Messi ayaan dhankiisa looga baran wax xayeeysiinta waana looga fir fir coonyahay maadaama Leonel Messi uu yahay nin aad u degan oo aan jecleyn dhibka badan iyo meel gal galka kana xishooda wax yaalaha qaarkood.
WARAR KII UGU DAMBEEYEY EE WORLD SPORT NEWS WAXA EEY SHEEGAYAAN SIDAN:
** Kooxda kubada cagta ee Fc Bayer München ayaa heshiiskii eey kula jireen Macalin Louis van Gaal gaarsiiyey ilaa Sanadka 2012-ka. Waxaa heshiiskaaan cusub ku dhawaaqay maanta Ninka Boss-ka u ah kooxda Fc Bayer München Karl-Heinz Rummenigge. Louis van Gaal oo u dhshay dalka Holland ayaa horyaalka dalka Jarmalka awood sidaas u weeyneyn ku bilaaby xili ciyaareed kaan madaama eey ka dhaawacan yihiin Laacibiin fara badan sida Arjen Robben iyo Frank Ribery.
Saxaafada Sportiga ee Dunida oo aad u hadal heeysa Laacibkii ciyaartooyda ugu Raqiisanaa oo Qaali isku badalay.
** Shinji Kagawa oo u ciyaara kooxda kubada cagta ee Borussia Dortmund ayaa hal mar waxa uu isku badalay Laacib aad u nasiib badan. Ciyaayahankaan oo 21-sano jir ah ayaa kooxda Borussia Dortmund waxa eey ka soo iibsatay Horyaalka dalka Japan qeeybtiisa 2-aad iyaga oo ka soo baxshay Qiimo dhan 350.000 Euro balse hada eey isku heestaan inta badan kooxaha ugu Tunka weeyn Qaarada Yurub gaar ahaan kuwa Talyaaniga sida Inter, Juventus iyo Milan oo u jooga qarash ka badan 7-Milyan oo Euro. Dhanka kale waxaa Mucjisada Laacibkaan soo bandhigay maanta Jaraaidka Sportiga ka faalooda ee ka soo baxa dalka Talyaaniga ee lagu magacaabo Tuttomercato.
Shinji Kagawa oo Qaranka Japan lagu soo daray ayaa waxa uu kula joogaa kooxda Dortmud heshiis ku kacaayo ilaa 2013-ka.
Taageerayaasha kooxda Fc Chelsea ayaa aad uga naxay dhaawaca cusub ee soo gaaray Laacibkooda Matoorka & Xamaaliga dhexda Frank Lampard
** Laacib Lampard ayaa kooxda Fc Chelsea ka maqnaan doona 5-isbuuc oo 4 ka mid ah eey leeyhiin kulamado aad u adag sida kan Uefa Champions League oo eey la ciyaari doonaan kooxda heesata Horyaalka dalka France ee Olympique Marseille iyo Arsenal oo Axada la balansan, sidoo kale kulanka is reeb reebka koobka Qaramada Yurub oo eey Qaranka England ciyaar adag kala hortagi doonaan Xulka Montenegro oo dhamaan kulamadii uu soo ciyaaray wada badiyey halka uu Frank Lampard sii maqnaan doono Ciyaarta Man Utd vs Chelsea.