Corriere Dello Sport oo War bixin Xasaasi ah ka Qoray Ronaldinho oo ku eedeeyey Qaar ka mid ah Maamulka kooxda AC Milan Qiso uu sheegay ineey ka yaabisay Nolashiisana u dhineed. , Waa Sidee Qaabka Ronaldinho loo la dhaqmay?
Ronaldo de Assis Moreira Ronaldinho ayaa waxa uu ku eedeeyey qaar ka mid ah Maamulka kooxda Ac Milan ee Horyaalka Talyaaniga ineey ula dhaqmeen si Wuxuushnimo ah oo ka baxsan Sharciyada Sportiga iyo Xuquuqda uu leeyahay Qofka Beniaadanka ah.
Warkaan ayaa waxaa Faalo dheer ka qoray Jaraaidka caanka ah ee ka soo baxa dalka Talyaaniga Corriere Dello Sport.
Ronaldo de Assis Moreira Ronaldinho ayaa waxa uu ku eedeeyey qaar ka tirsan Maamulka kooxda Horyaalka Talyaaniga Hogaanka u heeyso ee AC Milan ineey daba dhigeen Jaajuusiin gawaari ka daba qaadato xiliyada uu Suuqyada ka soo adeegto ama Maqaayadaha laga cunteeyo uu u Raaco Laaciibiinta eey isku Qaranka ka soo jeedaan ee kala ah Robson de Souza Robinho iyo Alexandre Rodrigues da Silva Pato.
Ronaldinho oo daboolay ama qariyey sababta loo daba dhigay Jaajuusiin lacag ku qaadato ineey kala waardiyeeyaan isaga ,Pato iyo Robinho ayaa waxa uu arinkaan ku eedeeyey Tababaraha kooxda Ac Milan Massimiliano Allegri oo wax ka og in Ronaldinho La wiideeyo si uusan qar uga tuurin ama Qamriga dadka Maskaxda ka qaado ee Vodka loo yaqaan u barin.
www.xiriiriye.com ayaa horay u soo bandhigay in Ciyaaryahan Ronaldo de Assis Moreira Ronaldinho uu Beerta geliyey Qamri xun iyo Sigaar Qiiq badan uu baray Xiddigii hore ee weerarka uga ciyaari jiray kooxaha Inter iyo Fiorentina Adriano.
Tababaraha kooxda Ac Milan Massimiliano Allegri ayaa wax badan ku cel celiyey ineeysan macquul noqan doonin in Xiddigaha caanka ah ee kooxda Ac Milan Mustaqbalka dhaw ku Tashaneeyso uu Ronaldinho Beerta geliyo ama u kaxeeyo mar walba meelaha lagu Tunto ee loo yaqaan Disco-ga.
Robson de Souza Robinho iyo Alexandre Rodrigues da Silva Pato oo bil kasta eey dhiiga ka baarto kooxda Ac Milan ayaa waxaa lagu sheegay ineey ilaa hada yihiin Ciyaartooy Nadiif ah oo aan laheeyn wax Balwad ah haba u yaraato Sigaarkee.
Corriere Dello Sport ayaa ugu dambeentii waxa uu war bixintiisa ku soo gaba gabeeyey in xiliyadii ugu dambeeysay ama wixii ka dambeeyey fadeexadii Bishaan qabsatay Ronaldinho uu shaki balaaran ka qaaday qaar ka mid ah Taageerayaasha kooxda Ac Milan oo inta isku sawiraan Xiliyada uu joogo Meelaha lagu Tunto ka dibna u diraan Maamulka iyo Websatka kooxda AC Milan wuxuuna hada bilaabay Ronaldinho inuu inta badan ceeyriyo qofka ama Taageeraha uu uga shakiyo inuu Ruufiyaan yahay .
Filo Goor dhaw : Barnaamishka La Yaab oo maanta ku saabsan Weerayahan caan ah oo Sawir gacmeed laga qaaday dartiis u aflagaadeeyey Ninkii sawiray oo ahaa Shaqsi maskiin ah oo ka doonaayey inuu Lacag ku helo Sawirkaas balse ugu dambeentii muteeysay inuu yiraahdo sidan: >> (Fuck You!) Qaabka qisadaan ayaa waxa horay nin sidaan camal Aartiise u ahaa u hanjabay Laacib Frank Ribery hadana filo goor dhaw Qiso midaas la mid ah iyo Wararkii ugu dambeeyey ee World Sport News.