Cesc Fabregas oo Fc Barcelona bad baadshay,* Ac Milan oo weli isku dhex yaacsan,* Inter Milan oo burisay Tababare Gian Piero Gasperini iyo Macalin Claudio Ranieri oo Booskiisa la wareegay,`* Owen Hargreaves iyo Mario Balotelli oo Man City u soo saaray England League-Cup (Halkaan ka Daawo Faaqidaada kulamadii la Ciyaaray) *** Horyaalka Spain ee La Liga oo la ciyaaray kulankiisii 4-aad waxaa Daqiiqadihii ugu dambeeyey kooxdiisa Guuldaro ka bad baadshay Ex Kaptankii hore ee kooxda Fc Arsenal Cesc Fabregas (Fc Valencia Vs Fc Barcelona 2-2)
Ciyaarta Fc Valencia Vs Fc Barcelona oo eheed mid adag maadaama koox kasta eey dooneeysay sidii eey Hogaanka La Liga ku qaban leheed ayaa Daqiiqadii 12-aad waxaa kooxdiisa si qalad ah Gool uga xareeyey Difaaca reer France Eric Abidal .
Isla Daqiiqadii 14-aad waxaa kooxda Fc Barcelona ka fujiyey weeraryahankooda Pedro oo dhaliyey goolkii Bareejada (1-1)
Fc Valencia sidaas kuma harin wexeeyna weerar adag ku soo qaaday Goosha wiilasha reer Catalonia (Fc Barcelona) waxaana goolkii 2-aad Fc Barcelona Shabaqeeda ku hubsaday ciyaaryahan Pablo Hernandez Daqiiqadii 24-aad 2-1).
Fc Barcelona oo xaalada ku xumaatay kana niyad jabtay goolka uu ka dhaliyey Pablo Hernandez ayaa wexeey ku dadaashay ineey Guriga Valencia ugu yaraan kala hoyato hal Dhibic. Dhamaadkii Ciyaarta ama waqtiga loo yaqaan kala guurka waa Daqiiqadii 77-aad ayaa waxaa kooxda Fc Barcelona ka fujiyey oo goolkii Bareejada u saxiixay Laacib Cesc Fabregas oo tan iyo markii uu ka yimid dhanka kooxda FC Arsenal isku badalay Weeraryahan qarsoon oo aan Garoomada Caalamiga ah ka bixin Gool la´aan.
Ciyaartaan waxaa Rooso lagu aamusiyey dhamaadkii ciyaarta Ciyaaryahan Jordi Alba oo ka tirsan kooxda El-Valencia.
Halkaan ka Daawo Xiisaha eey leheed Ciyaarta Fc Valencia Vs Fc Barcelona (2-2) >>> http://www.youtube.com/watch?v=3dA1u0V0GqM . Kooxda Real Madrid oo ah naadiga eey ifka iskugu neceb yihiin Fc Barcelona wexeey horyaalka Spain ee Primera Division/La Liga ku bilaawday dar dar iyo awood balse wexeey labadii kulan ee ugu dambeeysay gashay beerta ka dib markii eey Isbuucaan guuldaro kala soo kulantay kooxda Levante (1-0) iyo kulankii xalay oo 0-0 eey ku qabatay kooxda Racing Santander.
Real Madrid iyo Fc Barcelona waxaa labada dhibco ahaan ka kormartay kooxda uu iibsaday Maalqabeenka reer Qadar ee uu horboodaha ka yahay Weeraryahan Ruud Van Nistelrooy waa Fc Malaga in kastoo Hogaanka La Liga eey Fc Valencia 10-dhibcood ku heeyso.
KOOXAHA HORYAALKA SPAIN EE LA LIGA AYAA ISBUUCAAN SIDAAN KU KALA BAXAY:
| 20.09. |
20:00 |
CA Osasuna |
0:0 |
FC Sevilla |
| 20.09. |
20:00 |
Real Sociedad |
1:0 |
FC Granada |
| 20.09. |
22:00 |
FC Villarreal |
2:0 |
RCD Mallorca |
| 21.09. |
20:00 |
Atletico Madrid |
4:0 |
Sporting Gijon |
| 21.09. |
20:00 |
Rayo Vallecano |
1:2 |
UD Levante |
| 21.09. |
20:00 |
FC Malaga |
1:0 |
Athletic Bilbao |
| 21.09. |
20:00 |
Racing Santander |
0:0 |
Real Madrid |
| 21.09. |
22:00 |
FC Valencia |
2:2 |
FC Barcelona |
| 22.09. |
20:00 |
Espanyol Barcelona |
-:- |
FC Getafe |
| 22.09. |
22:00 |
Betis Sevilla |
-:- |
Real Zaragoza |
HORYAALKA SPAIN EE LA LIGA WAXAA LOO KALA HOREEYAA QAABKAAN :
| 1 |
FC Valencia |
4 |
3 |
1 |
0 |
8:5 |
3 |
10 |
| 2 |
FC Malaga |
4 |
3 |
0 |
1 |
7:2 |
5 |
9 |
| 3 |
Betis Sevilla |
3 |
3 |
0 |
0 |
5:2 |
3 |
9 |
| 4 |
FC Barcelona |
4 |
2 |
2 |
0 |
17:4 |
13 |
8 |
| 5 |
FC Sevilla |
4 |
2 |
2 |
0 |
5:3 |
2 |
8 |
| 6 |
UD Levante |
4 |
2 |
2 |
0 |
4:2 |
2 |
8 |
| 7 |
Real Madrid |
4 |
2 |
1 |
1 |
10:3 |
7 |
7 |
| 8 |
Atletico Madrid |
4 |
2 |
1 |
1 |
8:1 |
7 |
7 |
| 9 |
Real Sociedad |
4 |
2 |
1 |
1 |
5:4 |
1 |
7 |
| 10 |
Rayo Vallecano |
4 |
1 |
2 |
1 |
3:3 |
0 |
5 |
| 11 |
CA Osasuna |
4 |
1 |
2 |
1 |
2:9 |
-7 |
5 |
| 12 |
FC Villarreal |
4 |
1 |
1 |
2 |
4:8 |
-4 |
4 |
| 13 |
Real Zaragoza |
3 |
1 |
1 |
1 |
2:7 |
-5 |
4 |
| 14 |
Espanyol Barcelona |
3 |
1 |
0 |
2 |
3:4 |
-1 |
3 |
| 15 |
RCD Mallorca |
4 |
1 |
0 |
3 |
1:4 |
-3 |
3 |
| 16 |
FC Granada |
4 |
1 |
0 |
3 |
1:6 |
-5 |
3 |
| 17 |
Racing Santander |
4 |
0 |
2 |
2 |
3:8 |
-5 |
2 |
| 18 |
Athletic Bilbao |
4 |
0 |
1 |
3 |
4:7 |
-3 |
1 |
| 19 |
FC Getafe |
3 |
0 |
1 |
2 |
3:6 |
-3 |
1 |
| 20 |
Sporting Gijon |
4 |
0 |
0 |
4 |
2:9 |
-7 |
0 |
*** Horyaalka Talyaaniga ee Serie A-ga oo la ciyaaray ilaa hada 3-kulan waxaa weli Guul gaari la kooxda Ac Milan oo isku dhex yaac balaaran ku biloowday xili ciyaareedkaan cusub ee horyaalka Talyaaniga. Ac Milan kulankii SS Lazio iyada oo gurigeeda ku ciyaareeyso waxaa lagu soo qabtay Bareejo 2-2 ah ka dibna Isbuucii la soo dhaafay waxaa 3-1 dhegaha kaga soo garaacday kooxda Napoli. Ciyaartii Xalayna wexeey ku sigteen Guuldaro eey dhabarka u saari rabtay kooxda Udinese.
Ac Milan Vs Udinese waxaa goolka ku hormartay Udinese Daqiiqadii 29-aad waxaana goolkaas u saxiixay weeraryahanka Qaranka Talyaaniga Antonio Di Natale. Milan oo badal ku soo galisay Ciyaaryahan Stephan El Shaarawy wuxuu u saxiixay goolka Bareejada Daqiiqadii 64-aad. kooxda Ac Milan 3-kulan oo eey Ciyaartay wexeey sidataa 2-Dhibcood oo kaliyah balse waxaa ka sii liidata Inter Milan oo 2-kulan la garaacay hal kulana As Roma Bareejo la gashay (1-Dhibic ayeey sidataa).
Kooxda Inter oo burisay Tababare Gian Piero Gasperini wexeey booskiisa la soo wareegtay Macalin Claudio Ranieri .Horyaalka Talyaaniga waxaa Hogaanka 7-Dhibcood ugu haayo kooxaha Genoa, Juventus iyo Udinese . Kooxda Juventus Fc Bologna ayeey 1-1 ku kala bexeen waxaana goolka u saxiixay Weeraryahan Mirko Vucinic (Daqiiqadii 29-aad) inkastoo uu isla markiiba Rooso ka qaatay kooxda Juventus. SS Lazio wexeey guri kale ku soo tuntay kooxda Cesena (1-2). Goolasha SS Lazio waxaa u kala saxiixay Weeraryahan Adrian Mutu (Daqiiqadii 15-aad) iyo Weerayahanka Qaranka Germany Miroslav Klose oo Lazio u dhaliyey goolkiisii 2-aad ee xili Ciyaareedkaan.
HORYAALKA TALYAANIGA WEXEEY KOOXAHA ISKU MACSALAAMEEYEEN SIDAN:
| 20.09. |
20:45 |
Novara Calcio |
3:1 |
Inter Mailand |
| 21.09. |
20:45 |
AC Cesena |
1:2 |
Lazio Rom |
| 21.09. |
20:45 |
US Palermo |
3:2 |
Cagliari Calcio |
| 21.09. |
20:45 |
AC Mailand |
1:1 |
Udinese Calcio |
| 21.09. |
20:45 |
US Lecce |
1:2 |
Atalanta Bergamo |
| 21.09. |
20:45 |
Juventus Turin |
1:1 |
FC Bologna |
| 21.09. |
20:45 |
CFC Genua |
3:0 |
Catania Calcio |
| 21.09. |
20:45 |
AC Chievo |
1:0 |
SSC Neapel |
| 21.09. |
20:45 |
AC Florenz |
3:0 |
FC Parma |
| 22.09. |
20:45 |
AS Rom |
-:- |
AC Siena |
HORYAALKA TALYAANIGA WAXAA LOO KALA HOREEYAA QAABKAAN :
| 1 |
CFC Genua |
3 |
2 |
1 |
0 |
7:3 |
4 |
7 |
| 2 |
Juventus Turin |
3 |
2 |
1 |
0 |
6:2 |
4 |
7 |
| 3 |
Udinese Calcio |
3 |
2 |
1 |
0 |
5:1 |
4 |
7 |
| 4 |
SSC Neapel |
3 |
2 |
0 |
1 |
6:3 |
3 |
6 |
| 5 |
AC Florenz |
3 |
2 |
0 |
1 |
5:2 |
3 |
6 |
| 6 |
US Palermo |
3 |
2 |
0 |
1 |
7:6 |
1 |
6 |
| 7 |
Cagliari Calcio |
3 |
2 |
0 |
1 |
6:5 |
1 |
6 |
| 8 |
Novara Calcio |
3 |
1 |
1 |
1 |
6:5 |
1 |
4 |
| 9 |
Lazio Rom |
3 |
1 |
1 |
1 |
5:5 |
0 |
4 |
| 10 |
AC Chievo |
3 |
1 |
1 |
1 |
4:4 |
0 |
4 |
| 11 |
Catania Calcio |
3 |
1 |
1 |
1 |
1:3 |
-2 |
4 |
| 12 |
US Lecce |
3 |
1 |
0 |
2 |
3:4 |
-1 |
3 |
| 13 |
FC Parma |
3 |
1 |
0 |
2 |
3:8 |
-5 |
3 |
| 14 |
AC Mailand |
3 |
0 |
2 |
1 |
4:6 |
-2 |
2 |
| 15 |
Atalanta Bergamo |
3 |
2 |
1 |
0 |
5:3 |
2 |
1 |
| 16 |
AS Rom |
2 |
0 |
1 |
1 |
1:2 |
-1 |
1 |
| 17 |
AC Siena |
2 |
0 |
1 |
1 |
0:1 |
-1 |
1 |
| 18 |
Inter Mailand |
3 |
0 |
1 |
2 |
4:7 |
-3 |
1 |
| 19 |
FC Bologna |
3 |
0 |
1 |
2 |
1:5 |
-4 |
1 |
| 20 |
AC Cesena |
3 |
0 |
0 |
3 |
2:6 |
-4 |
0 |
*** Dhanka koobka England League Cup oo aanu shalay intiisii badneed ka faaloonay waxaa markaan si xarago leh ku soo baxay kooxaha Man City iyo Fc Liverpool. Manchester City wexeey 2-0 ku suul daartay kooxda Birmingham City. Goolasha Man City waxaa u kala saxiixay Weeraryahanada kala ah Owen Hargreaves (Daqiiqadii 17-aad) iyo Mario Balotelli (Daqiiqadii 39-aad) .
Fc Liverpool 2-1 ayeey kooxda Brighton ku garaacday. Dhanka Fc Chelsea wexeey Rigooreyaal 4-3 ah ku reebtay Dariskeeda Fc Fulham.