QISO DHANKA SAXAAFADA CAALAMKA NOQOTAY MID MAR WALBA SOO LAAB LAABATA :Laacib caan ah oo u ciyaara kooxda Fc Barcelona & Qaranka Faransiiska oo la sheegay inuu aqristo Quraanka Kariimka ah xiliyada uu Diyaaradaha dul saaran yahay (Halkaan ka Daawo Laacibkaan oo Tusbax gacanta ku heeysto Quraana Aqrisanaayo) !!
Laacib Eric Bilaal Abidaal wuxuu Taageero xoogan ka helay Dunida Muslimka ah meel kasta oo eey Caalamka ka joogaan. Eric Bilal Abidaal waxaa Magacyadiisa ciwaan ka dhigtay ebid dadkii ugu badnaa dhanka aalada Facebooka.
Sidoo kale dadka ayaa Home-peejkiisa wexeey ugu codeeyeen inuu yahay ninka ugu Laacibsan Caalamka uguna wanaagsan dhanka la dhaqanka umadaha kala duwan. Abidal xiliyada uu firaaqada leeyahay iskama dhigo ama kama daalo Aqrinta Quraanka Kariimka ah waxaana taas u sii dheer xiliga uu Diyaaradaha dul saaran yahay ama uu safar la aado Kooxda Fc Barcelona & Qaranka France wuxuu waqtigiisa ku dhameeyaa aqrinta Quraanka Kariimka ah.
Xulka Qaranka Diiqa Reer France marka eey Safarada ugu baxaan ama u duulaan ka qeeyb galka Kulamada Caalamiga ah wexeey Ciyaartooda u badan Muslimiinta ee ka soo jeeda dalalka carabta sida Karim Benzema ,Samir Nasri & Hatem Ben Arfa Diyaarada Dusheeda ka bixi waayaan Qosol fara badan iyo Kaftan aan xaduud laheeyn halka Laacibiinta kala ah Frank Bilal Ribery & Eric-Sylvain Bilal Abidal eey galaan Quraan aqris iyo Alle ka cabsi.