La Yaab : Hayet Abidal Waxaan isku baranay Suuqa Hilibka Xalaasha ah lagu gado ee magaalada Marseille: Sidas waxaa tiri Xaaska Ribery Wahiba Belhami oo u wara meeysay Canal Plus+(Daawo Sawirka heerka eey gaarsiisan tahay Bilal Ribery iyo Eric Abidal Saaxiibtinimadooda soo jireenka ah, Ribery oo Maaliyada Barcelona Abidal ka siibtay iyo Abidal oo Ribery Funaanada Bayer Munchen ka siibtay balse ku yaraatay. )
Wahiba Belhami oo ah Xaaska Xiddiga weeyn ee kooxda Fc Bayern Munchen iyo Qaranka France Frank Bilal Ribery ayaa waxaa wareeysi dheer oo taabtay dhinacyo badan la yeeshay Tv-ga dhanka Sportiga ugu caansan dalka France waa Canal Plus+.
Su´aashii ugu yaabka iyo Qosolka badneed ayaa eheed wariyihii Canal Plus oo Wahiba weey diiyey halka eey isku barteen xaaska Xiddiga kooxda Fc Barcelona iyo Qaranka France Eric Abidal Haweeneyda lagu magacaabo Hayet wexeeyna Wahiba Belhami oo ah Xaaska Laacib Ribery su´aashaas uga jawaabtay si aan dhib badan loo marin wexeeyna tiri waxaan Hayet isku baranay Suuqa Hilibka Xalaasha ah lagu iibiyo ee Magaalada Marseille. Wariyaha oo Xariif ahaa kuna qoslay Jawaabtaan ayaa hadalkiisa horay u sii watay wuxuuna weey diiyey bal in Hayet eey ku booqatay magaalada Barcelona ama iyada eey ugu Timid Magaalada Munchen.
Wahiba Belhami ayaa tiri sidan:" Anaga waan ugu tagnay magaalada Barcelona iyada iyo Abidal-na dhoor jeer ayeey Magaalada Munchen nagu soo booqdeen. Eric Abidal iyo Frank Ribery ayaa la sheegay ineey xili dheer saaxiibo ahaayeen wexeeyna qeeyb ka wada ahaayeen Barnaamish Lacag xoog leh loogu aruuriyey Caruurta Agoonta ah ee ku dhibaateeysan Falastiin.
Sawirka kore waxaa kaaga muuqdo Bilal Ribery oo Funaanadii Abidal ee Barcelona gashtay halka Abidal Funaanadii Ribery ee Bayern Munchen eey si weeyn uga yaraatay maadaama nin dheer oo labo lafoot ah uu yahay.