Adidas Gold at FIFA World Cup Awards oo ciyaartooydii ku guuleeystay la gudoonsiiyey, iyo Inter Milan oo badisay kulankii International - Club World Cup (Ku biiri Aqoontaada Sport sida loo kala qaaday inta Taariikhda la ogyahay, Kabaha Dahabka, Gool Dhalinta World Cup iyo Boortaha ugu wanaagsan)
Xiriirka kubada cagta ee Fifa ayaa farta ka saaray Biladihii eey kala qaadeen Xiddigaha kala ah Diego Forlan (Urugway) oo qaatay Xiddigii ugu wanaagsanaa World cup 2010, Thomas Muller Germany) oo qaaday Gool dhalinta Koobka Addunka, iyo Ikar Cassilas (Spain) oo la jiheeystay Goolhayaha ugu wanaagsanaa Koobka Addunka.
Goolhayaashii ugu wanaagsanaa ee la gar guurtay Biladaan Qaaliga ah ayaa waxa eey kala yihiin sidan:
1930 Uruguay - Enrique Ballestrero
1934 Italy - Ricardo Zamora
1938 France - Franti?ek Plánièka
1950 Brazil - Roque Maspoli
1954 Switzerland - Gyula Grosics
1958 Sweden - Harry Gregg
1962 Chile - Viliam Schrojf
1966 England - Gordon Banks
1970 Mexico - Ladislao Mazurkiewicz
1974 West Germany - Jan Tomaszewski
1978 Argentina - Ubaldo Fillol
1982 Spain - Dino Zoff
1986 Mexico - Harald Schumacher
1990 Italy - Sergio Goycochea
1994 USA - Michel Preud'homme
1998 France - Fabian Barthez
2002 Korea / Japan - Oliver Khan
2006 Germany - Gianluigi Buffon
2010 South Africa - Iker Casillas
Gool dhalinta inta la ogyahay World cup ayaa saan loo kala heeystaa:
1930Guillermo Stabile 8
1934 Oldrich Nejedly 5
1938 Leonidas da Silva 7
1950 Marques Ademir 9
1954 Sandor Kocsis 11
1958 Just Fontaine 13
1962 Florian Albert, Garrincha Valentin, Ivanov, Drazan Jerkovic, Leonel Sanchez, Vava 4
1966 Eusebio 9
1970 Gerd Müller 10
1974 Grzegorz Lato 7
1978 Mario Kempes 6
1982 Paolo Rossi 6
1986 Gary Lineker 6
1990 Salvatore Schillaci 6
1994 Oleg Salenko, Hristo Stoichkov 6
1998 Davor Suker 6
2002 Ronaldo 8
2006 Klose 5
2010 Thomas Müller 5
Abaal marinta Xiddiga ugu wanaagsan Koobka Addunka ayaa sidan loogu kala guuleeystay:
1930 Jose Nasazzi (Uruguay)
1934 Giuseppe Meazza (italy)
1938 Leonidas (Brazil)
1950 Zizinho (Brazil)
1954 Ferenc Puskas (Hungary)
1958 Didi (Brazil)
1962 Garrincha (Brazil)
1966 Bobby Charlton(England)
1970 Pele(Brazil)
1974 Johan Cruijff(Netherlands)
1978 Mario Kempes (Argentina)
1982 Paulo Rossi (Italy)
1986Diego Maradona (Argentina)
1990Salvatore Schillaci (Italy)
1994 Romario (Brazil)
1998 Ronaldo (Brazil)
2002 Oliver Kahn (Germany)
2006 Zinedine Zidane(France)
2010 Diego Forlán(Uruguay)
Dhanka kale waxaa dalka isku taga Imaaraadka carabta ka socda Koobka kooxaha dunida oo loo dhigo kooxaha soo qaado Koobka Qaaradahooda.
Kooxda heeysata The Uefa Champions League iyo Horyaalka dalka Talyaaniga Inter Milan ayaa taagan Finalka koobka Is reeb reebka Qaaradaha, Inter ayaa 3-0 waxa eey ku dar dartay kooxda Seongnam Ilhwa oo mataleeysay Qaarada Asia kana socotay dalka South Korea.
Goolasha Inter waxaa u kala dhaliyey ciyaartooyda kala ah Dejan Stankovic , Javier Zanetti iyo Diego Milito. Inter ayaa waxaa sugeeyso maalinta Sabtida ah kooxda laga yaaban yahay sanadkaan ee Afrikaanka ah waa T.P. Mazembe Lubumbashi. Kooxdaan oo ka socoto dalka Kongo ayaa waxa eey soo reebtay kooxdii ka socotay dalka Brazil waa Internacional Porto Alegre wexeeyna uga soo badiyeen 2:0 .
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!
Waxaa Diyaariyey : Omar Ali Omar (Omar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com