WORLD SPORT NEWS : 24 Bishii Apriil Sanadkii 1996 ka dib Qaranka Germany oo Guuldaro dhabarka u saaray Xulka Holland,* Kulamadii Euro Play Off oo lagu kala baxay ,* Qaranka Talyaaniga oo Gurigiisa lagu Qararamsaday,* England oo Xulka Sweden Dirqi uga badisay iyo Qaranka Argentina oo Ceeb ka bad baaday (Halkaan ka Daawo Kulamo adag oo dhacay)
*** Dalalka Jarmalka iyo Holland oo dhanka Ciyaaraha kubada cagta aad iskugu ximiya ayaa kulan adag wexeey isku balansadeen Garoonka WM-Arena oo ku yaala magaalada Hambrug ee dalka Germany waxaana Garoonkaas soo xaadiray Taageerayaal kor u dhaafay 51.500 oo Qof.
Germany oo Xulka Oranjiga Holland 3-0 uga badisay waxaa Goolasha u kala saxiixay Ciyaartooyda kala ah Thomas Müller Daqiiqadii 15-aad, Miroslav Klose Daqiiqadii 26-aad iyo Laacib Mesut Özil oo u Sadexeeyey Qaranka Holland Daqiiqadii 66-aad. Xulka Germany waxaa Dhaawac ahaan uga maqnaa Laacibiinta kala ah Philipp Lahm iyo Bastian Schweinsteiger oo u wada ciyaara kooxda Fc Bayern Munchen halka Niederland/Holland eey ka maqnaayeen Laacibiin muhiim ah sida Rafael Van Der Vaart iyo Arjen Robben oo iyagana u kala ciyaara kooxaha Tottenham & Fc Bayern Munchen. 1959-kii ayaa ugu dambeeysay Jarmalka oo gurigiisa Goolal sidaas u badan kaga badiya xulka Holland oo inta badan Xanjo camal iskugu kooleeyn jiray.Qaranka Germany Taariikh ahaan mar eey ka badiyaan Xulka Holland waxaa ugu dambeeysay Ciyaar eey 0-1 kaga soo badiyeen24 Bishii Apriil Sanadkii 1996 taas oo ka dhacday Magaalada Rotterdam ee dalka Holland . Ciyaartaan oo eheed mid Saaxiibtinimo balse maal mihii ugu dambeeyey waxaa Faan raaxada iskaga qaaday Saxaafada labada dal kuwaas oo qorayey ineey Guusha iyaga ku dambeeyn doonto. Halkaan ka Daawo Ciyaarta Germany Vs Holland >>> http://www.youtube.com/watch?v=QB56f-3Z244 .
*** Dhanka kale Garoomada Qaarada Yurub waxaa ka dhacay Kulamo adag oo loogu magac daray (Isku Diyaarintii Euro 2012) waxaana Garoonkooda dharka looga dhigay Xulka Qaranka Talyaaniga ee La Nazionale Squadra Azzurra . Xulka Italy oo ku ciyaarayey magaalada Roma ee caasimada dalka Talyaaniga waxaa 0-1 ku suul daartay Uruguay . Goolka Uruguay waxaa daqiiqadii 3-aad ee ciyaarta qeeybteedii hore Qaranka Talyaaniga kaga naxsaday Ciyaaryahan Fernandez. Halkaan ka Daawo Italy Vs Uruguay >>> http://www.youtube.com/watch?v=ntGfBRz6Mnk *** England oo London ku ciyaareeysay wexeey Gool dirqi ah kaga badisay Xulka Sweden waxaana goolkaas u saxiixay Daqiiqadii 22-aad Ciyaaryahan Barry.
***Xulka Costa Rica wexeey bareejo 2-2 ah ku qabteen Qaranka Spain waxaana labada dhinac goolasha u kala saxiixay Brenes (31.), Campbell (42.) dhanka Spain waxaa goolasha u saxiixay David Silva (82.) iyo David Villa (90.) ***Dhanka Xulalkii la isku celiyey ee Euro 2012 Play Off ayaa waxaa si toos ah ugu soo gudbay koobka Qaramada Yurub oo lagu wado inuu ka furmo bisha Juun ee sanadka dambe (dalalka Poland iyo Ukraine) Wadamada kala ah Portugal , Croatia, Irland iyo Czech Republic. *** Portugal wexeey 6-1 iskaga reebtay Bosnia-Herzegovina waxaana Goolashaas tirada badan u kala saxiixay Ciyaartooyda kala ah C. Ronaldo (8., 53.), Nani (24.), Postiga (72., 82.), Veloso (80) Labada Gool Qaranka Bosnia waxaa u kala dhaliyey Ciyaaryahan Misimovic (41), iyo Spahic (65.), Croatia Vs Turkiga 0-0 ayeey isku macsalaameeyeen , Irland Vs Estonia 1-1 ayeey ku kala bexeen , Montenegro gurigeeda waxaa 0-1 ku suul daaray Qaranka Czech Republic. Halkaan ka Daawo Portugal Vs Bosnia >>> http://www.youtube.com/watch?v=XkQf0jjjoFw .
*** Xulka Qaranka Argentina wuxuu ka bad baaday Ceeb iyo Fadeexo qarka u saarneed in Laacibiin badan lugtooda la furo oo Qarankaas eey iskaga tagaan weliba boos loo baneeyo Xiddigo yar yar oo Baahi kubadeed qaba.
Saxaafada Caalamka wexeey qoreen inuu Xulka Colombia si xarago leh ku garaaci doono Leo Messi iyo Jabhadiisa maadaama Venezuela iyo Bolivia oo Colombia aad uga awood yar eey ku suuxeen dhibco muhiim ahna ka xayuubsadeen Xiddigaha Qaranka Argentina.
Saadaashaas ma dhicon oo waxaa 1-2 looga soo badiyey Xulka Qaranka Colombia waxaana markii ugu horeeysay Gurigooda ku soo laabtay Xiddigaha Argentina iyo Leo Messi oo qoslaya iskana tir tiray ilintii badneed ee maalmahaan ka muuqatay wajigooda. Halkaan ka Daawo Ciyaarta Colombia Vs Argentina >>> http://www.youtube.com/watch?v=qeO2RgtCXHc .
*** Meel ku qoro wararka Tarjumista u baahan ee ku jira keeydka Xiriiriye.com kuwaas oo ah Warar cadeen wata weliba goor dhaw soo caga dhigan doona >>> Qeeybtii 2-aad iyo qeeybtii 3-aad Xiddigo Faqri iyo baahi ku soo koray oo maanta Taajiriin isku badalay.*** 10 Ciyaaryahan oo 5 ka mid ah magacyadooda uu Soomaali ahaan caay yahay halka 5-ta kale uu magacyadooda Amaan yahay. *** Mid ka mid ah Xiddiga ugu caansan caalamka oo noqday waxa eey soomaalida u taqaan Af Xaaraanka, Xiddigaan waxaa ka soo horeeyso Caayda xun ee Afkiisa baratay, balse xumaan kama ahan oo waxaa la sheegay inuu yahay Laacib bashaash ah balaayada heeysata oo kaliyahna wexeey tahay caaydaas oo hala hees u noqotay qofkii salaamana wuu ku gamaa isaga oo wax xumaan ah aan kala jeedin weliba qoslaya (arintaan oo bahda Xiriiriye.com ka yaabsatay)
*** Qofkii ku yiraahda Laacib Frank Lampard dadka kama qoslin karo been dheh !! Lampard oo Xaflad Aroos ah wacadro ka dhigay iyo Xaaskiisa oo dharbaaxo Kaftan ah ku kala jiiday (yaab) Wararkaan ALL COMING SOON) !!
FILO WAX GOOR DHAW WARAR TOP SPORT NEWS AH OO MUCJISOOYIN XAMBAARSAN :
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !! (Xiriiriye.com Xarunta Ciyaaraha iyo Mucjisooyinka Caalamka)