Slaven Bilic " Taageerayaasha Giriiga waa Xayawaaniin , wexeey isku dayeen ineey Dab qabadsiiyaan halkii eey Garoonka ka fadhiyeen taageerayaasha Qarankeena,, & Warar kii ugu dambeeyey ee WORLD SPORT NEWS !!
Macalinka Qaranka Croatia Mr.Slaven Bilic oo horay u ahaan jiray Ciyaaryahan caan ah ayaa waxa uu fadeexeeyey Taageerayaasha Xulka Qaranka Giriiga ka dib markii uu ku tilmaamay Xayawaaniin aan Ciyaaraha kubada cagta waxba ka aqoon.
Ciyaar dhex martay Qaramada Giriiga Vs Croatia (2-0) ayeey Taageerayaasha Giriiga wexeey isku dayeen ineey u gudbaan dhankii eey Garoonka ka fadhiyeen Taageerayaasha Qaranka Croatia halkaas oo eheed Zentaraalka Omonoia-Platz (Piräus).
Markii eey Taageerayaasha Giriiga u saamixi weeysay isku daygaas rabshadaha watay wexeey bilaabeen ineey Dab qabadsiiyaan halkii eey Garoonka ka fadhiyeen Taagerayaasha Qaranka Croatia.
Gudoomiyaha Xiriirka kubada cagta ee dalka Giriiga (EPO) Sofoklis Pilavios wuxuu raali gelin balaaran u diray Shacabka Croatia iyo Qaranka dalkaas.
Xiddigii hore ee Qaranka Croatia wax ka keenay Kaalinta 3-aad World Cup 1998 in France Mr.Slaven Bilic oo hada ah Macalinka Qaranka Croatia ayaa isaga oo u waramayey Skysport waxa uu yiri sidan " Raali gelin wax socaneeyso ma ahaan ,anagaba Xiriirka UEFA wuu na Ganaxaa marka eey Hooligaan-keena Rabshado sameeyaan (Ciyaal suuqiinteena),xiriirka UEFA ayaa looga fadhiyaa kiiskaan wixii eey ka oran lahaayeen maxaa yeelay qaar badan oo Taageerayaasheena ka mid ah ayaa waxaa soo gaaray Dhawacyo culus oo kaga yimid Dabkii eey soo tuurayeen Taageegaraayasha Xayawaaniinta ah ee Giriiga,,
***Ciyaar ka dhacday Magaalada Miami ee dalka Mareeykanka waxaa guushii ugu horeeysay gaaray Macalinka Qaranka USA Mr.Jürgen Klinsmann. Qaranka Mareeykanka (US Boys) wexeey 1-0 ku tumeen xulkii kacsanaa mudooyinkaan dambe waa Honduras. Goolka Mareeykanka waxaa u saxiixay Fulham-Star Clint Dempsey.
Mr.Jürgen Klinsmann oo u dhashay dalka Germany dhawaan ayuu la wareegay Macalinimada Qaranka Mareeykanka waana Guushii ugu horeeysay oo uu farta ka saaro Qarankaas.
Macalin Klinsmann intii uu Tababaraha u ahaa Qaranka Mareeykanka waxaa soo garaacay Xulalka Beljemka iyo Costa Rica. Ciyaarata ugu dambeeysa ee xili ciyaareedkaan wexeey Qaranka Mareeykanka maalinta Talaadada ah kula yeelan doonaan magaalada New Jersey xulka Ecuador.
***Kooxda Juventus wexeey xiratay booska Difaaca Qatarta ah ee Qaranka Germany iyo kooxda B.Dortmund Mats Hummels. Juventus wexeey u dirtay Ciyaartii dhex mareeysay Qaramada Turkiga Vs Germany (1-3) Masuulka lagu magacaabo Giorgio Cheillini oo lagu arkay isaga oo dhex fadhiya garoonka Istanbul ee dalka Turkiga.
Mats Hummels waa Difaacyada dheg dhega badan weilba nuucooda loo yaqaan (Xanjada) ee isku kooleeya Weeraryahanada wuxuuna aad ugu wanaagsan yahay dhanka Difaaca dhexda (Zentaraalka).
*** Qaranka Neeyjeeriya oo xaladu ku xumaatay ka dib markii eey Garoonkooda abuja 2-2 la dhaafi waayeen Xulka Guinea. Koobka Qaramada Africa (African-cup 2012 ) waxaa lagu qaban doono
21-ka bisha Janaayo ilaa 12-ka Bisha Febraayo dalalka Gabun iyo Aquatorialguinea. Nigeria Filinkeeda Eey ayaa cunay wexeeyna Bareejadaas (2-2) u keentay Nasiibdaro.
*** Macalinka Qaranka Holland Mr.Bert Van Marwijk waxa uu Caay iyo Jaaifo aan horay looga baran kula dhaqaaqay kooxda Fc Bayern Munchen ee Horyaalka Germany. Tababare Bert van Marwijk ayaa yiri sidan " Bayer hadii eey xishoon weeysay ma ahan inaan mar kaste Qaladaadkooda ka aamusno,,
Macalin Bert van Marwijk waxa uu Fc Bayern Munchen ku eedeeyey Masuuliyada Dhaawacyada tirada badan ee mar kasta soo laab laabta kuwaas oo faro ba´an ku haya Xiddiga Qaranka Holland iyo kooxda Fc Bayern Munchen Arjen Robben oo hada mar kale dhaawacmay.
*** Qaranka Brazil wexeey Ciyaar ka dhacday Guri kale oo eey la yeesheen Xiddigaha Xulka Costa Rica ku soo badiyeey 1-0 Halkaan ka Daawo Ciyaarta >>> http://www.youtube.com/watch?v=zcG3TQkROsQ .
*** Is Reebka World Cup 2014 oo lagu qaban doono dalka Brazil Qaranka Argentina Guul muhiim ah ayeey ku bilaabeen wexeeyna 4-1 Jeebka u galiyeen Laacibiintii ka socotay dalka Chile Halkaan ka Daawo yaa Goolasha u dhaliyey Xiddigaha Argentina >>> http://www.youtube.com/watch?v=5N67wJJ80sQ&feature=related .
Argentina Kulamadii ugu dambeeyey oo eey Qaramo kale la ciyaartay sidaan hoos ku qoran ayeey Natiijada ku heshay:
29.09.2011 Brazil Vs Argentina 2-0 ( Copa Roca )
15.09.2011 Argentina Vs Brazil 0-0 ( Copa Roca )
06.09.2011 Argentina Vs Nigeria 3-1 ( Ciyaar saaxiibtinimo )
02.09.2011 Venezuela VS Argentina 0-1 ( Ciyaar Saaxiibtinimo )
17.07.2011 Argentina Vs Uruguay 5-6 Rigooreyaal ( Copa America 2011 )
Is reebreebka World Cup 2014 in Brazil wexeey kooxaha Laatiin America Dhibcaha ku kala tirsadeen qaabkaan : Uruguay Vs Boliva 4-2, Ecuador Vs Venezuela 2-0, Peru Vs Paraguay 2-0.
*** Qaranka Turkiga waxaa lagu eedeeyey ineey ka jilicsan yihiin dhanka Difaaca waxaana eedeeyntaas u soo jeediyey qaabka uu hada u Tababaro xulkaas Macalin Guus Hiddink Macalinkii hore ee Qaranka Turkiga Mr.Fatih Terim oo hada macalin u ah kooxda Galatasaray. Halkaan ka Daawo dhibka dhacay Turkiga Vs Germany 1-3 >>> http://www.youtube.com/watch?v=EVgu_AtmW9M&feature=related .
Xiriiriye.com, Xarunta Ciyaaraha iyo Mucjisooyinka Caalamka : !! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !!