Xayawaanaadka marka ay dheregsan yihiin isma daaqulaan weeyna is xaq dhooraan inta badan balse marka ay Baahi timaado waxaa Hilfaha loo qaada kii laga xoog bato.
Libaaxa oo ah kan Xayawaanaadka ugu caqliga badan marka uu waayo wax uu ku quudiyo Caruurtiisa ama Hooyada iska weeyso caano ku filan oo ay Nuujiso Caruurteeda wexeey bilaabaan ugaarsi ka dhan ah cid alle iyo cidii ka ag dhaw ee la legdi karo.
Dameer faroowga nuuca midabka Qurxoon ee Cadka iyo Madawga ah waxaa Caalamka looga yaqaan Zebra ama Saruti waana Midab aad looga jecel yahay oo mararka qaar ay koobiyeeyaan Warshadaha Dharka soo saara ama kooxaha Kubada cagta sida kooxda Juventus ama Naadiga Newcastle Utd.
Dameer Faroowga oo mararka qaar aan dhibaato kala kulmin Libaaxa waxaa markaan ku qara baxay Aabe Libaax ah oo surka ka qaniinay ka dibna ku quudiyey Caruurtiisa oo baahaan .
Arinta ugu yaabka badan wexeey noqotay Caruurta yar yar ee Libaaxa oo aan aqoon Hilib la qasho iyo Neef la qaniino wexeey sidii Kawaankii Hilibka oo kale uga dhex bexeen Calooshii Dameer faroowga oo ay ka dhigeen bohol isku dhex furan.