LA YAAB : Xitaa Leo Messi & C.Ronaldo waxba ma tari karaan Xiliga Qaboobaha >> Laacibiinta Caalamka Lugta ma dhaqaajin karaan marka uu Garoomada ka daŽo Barafka waxaana sidoo kale yaraato Qeeylada badan ee Taageerayaasha maadaama uu Afkooda Caag noqo (Halkaan ka Daawo Qosolkaan Laacibiin caan ah oo wexeey sameeyaan garan waayeen ka dib markii uu Baraf Isbaaro u dhigtay)
Garoomada Kubada cagta ee Caalamka waxaa si toos ah loo gaaray Xiliyadii uu Barafka qarin jiray waxaana durbadiiba fasax galay qaar ka mid ah Horyaalada dalal dhoor ah.
Xiliga uu Garoomada ka daŽo Barafka ciyaarta oo socoto waxaa dhacdo in Laacibiin caan ah oo dhanka Gambiska qatar ku ahaa ay Garoomada dhexdooda ka noqdaan sidii Dooro qoyday.
Marka uu Qaboowga daran jiro weliba Barafku soo daato Xiddig kasta wuu taag dareeyaa wuxuuna ku duceeystaa Rabiyoow mar uun ciyaarta naga dhamee.
Taageerayaasha soo camira Garoomada dhankooda waxaa yaraato Qeeyladooda faraha badan waxaana Caag noqdo afka taas oo sababta in Garoonka oo idil uu noqdo Shibeey Shib !!!
Arinta ugu Qosolka badan wexeey tahay Marka uu Baraf badan soo daato waxaa shaki laŽaan bilaabma Qilaaf iyo Dagaal is bursi ah oo dhex mara Ciyaartooyda iyo Alabiitarayaasha maadaama ay isku qilaafaan Diilinta Rikoorada iyo tan Koornada oo uu Baraf qariyey.
Sidoo kale Sharciyada Kubada ayaa is badala Marka uu Baraf daŽo waxaana si deg deg ah loo badalaa Kubadii lagu dheelayey taas oo lagu soo badalo mid Gaduudan si ay Ciyaartooyda u arkaan uguna wareerin mida cad oo mararka qaar uu qariyo midabka Barafka oo isba Cadaan ah.
Halkaan ka Daawo Laacibiin caan ah oo Wax matarayaal noqday markii uu Barafka soo daatay >>> http://www.youtube.com/watch?v=n1QmOLKC934&feature=related .
FILO GOOR DHAW WARAR KA YAABSADAY BAHDA XIRIIRIYE OO WELIBA XAMBAARSAN MUUQAALO DAAWASHO AH !!
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !! (Xiriiriye.com Xarunta Ciyaaraha iyo Mucjisooyinka Caalamka)