Liiska 25-ka Magac ee Xiddigaha ugu Dabeecada kulul Maslaxaha Ciyaaraha kubada Cagta iyo Kooxaha eey u saftaan , Saxaafada Caalamka qaar ayaa Laacibiintaan u taqaan Ciyaartooyda Madax Faluuqa ee Xanaaqa dhaw !!
Maslaxa Ciyaaraha kubada cagta waxaa caan ka ah Laacibiinta lagu tiriyo ineey Xanaaq dhaw yihiin kuwaas oo inta badan ilaawa ineey dhex joogaan Garoon caalami ah . Ciyaartooydaan hadii laga gar daran yahay waxaa si deg deg ah isku taabto Fiilooyinkooda Xanaaqa wexeeyna inta badan ka Jawaabaan dhibkii loo geeystay ama Sabaaxadii la la kacay (Jilaafo,Faol) .
Xiddigahaan mararka qaar iyaga ayaa Gardarada bilaaba ama Majaxaabiya Ciyaartooy kale balse waxaa la yaab noqotay ma laga yaabo ineey qirtaan dhibka eey geeysteen wexeeyna ku adkeeystaan in laga qaldanaa. Laacibiintaan marka eey xanaaqaan Roosada iyo Jaalaha weey iloobaan inta badan waxaana Qatar gala Alabiitarayaasha xiliyadaas dhex dhexaadinta wada.
Hadaba maxaad kala socotaa Liiska Ciyaartooyda Maslaxa Ciyaaraha kubada Cagta ugu Dabeecada kulul ama Xanaaqa badan oo uu soo bandhigay Jaraaidka FANLAGE ? (Hoos ka Aqriso magacyada Xiddigahaan iyo kooxaha eey u Ciyaaraan) !!
1-Ivan Gennaro Gattuso ,Ac Milan & Qaranka Italy.
2-Wayne Mark Rooney,Man Utd & Qaranka England.
3- Emmanuel Eboue, Galatasaray Istanbul & Qaranka Ivory Coast.
4-Mark Peter Gertruda Andreas van Bommel, Ac Milan & Qaranka Holland.
5-Peter James Crouch,Stoke City & Qaranka England.
6-Mark Matarazzi, Inter Milan & Qaranka Italy.
7-Nigel De Jong, Man City & Qaranka Holland.
8-Sergio Ramos Garcia, Real Madrid & Qaranka Spain.
9-Zlatan Ibrahimovic, Ac Milan & Qaranka Sweden.
10-Mario Balotelli Barwuah, Man City & Qaranka Italy.
11-Luis Alberto Suarez Diaz, Fc Liverpool & Qaranka Uruguay.
12-Thomas Müller,Fc Bayern Munchen & Qaranka Germany.
13-David Villa Sanchez, Fc Barcelona & Qaranka Spain.
14-Lucimar Ferreira da Silva, Inter Milan & Qaranka Brazil.
15-Sheyi Emmanuel Adebayor, Tottenham & Qaranka Togo.
16-Arjen Robben & Fc Bayern Munchen & Qaranka Holland.
17-Kevin-Prince Boateng, Ac Milan & Qaranka Ghaana.
18-Carlos Alberto Tevez, Man City & Qaranka Argentina.
19-Francesco Totti, As Roma & Qaranka Italy.
20-Michael Ballack,Bayer Leverkusen & Qaranka Germany.
21-Philippe Mexes, Ac Milan & Qaranka France.
22-Nemanja Vidic, Man Utd & Qaranka Serbia.
23-Daniele De Rossi ,As Roma & Qaranka Italy.
24- Felipe Melo, Galatasray Istanbul & Qaranka Brazil.
25-Arturo Erasmo Vidal Pardo, Juventus & Qaranka Chile.
FIIRO GAAR AH : Xiddigahaan qaar uma saftaan xiligaan Qaramadooda laakiin Qaranka waxaan kala jeednaa > u dhashay iyo > u soo Ciyaaray. 5 ka mid ah Xiddigahaan Xanaaqa badan wexeey u saftaan Naadiga Ac Milan sida war bixinta ku cad.
Maalinta Jimcaha ah Filo hadii uu Alle idmo Liiska 25-ka Ciyaaryahan ee Maslaxa Ciyaaraha kubada Cagta ugu Qaboow ama Qosolka badan kuwaas oo lagu sheegay mararka qaar iyaga oo laga gar-daran yahay ineey Garoomada uga baxaan Qosol iyo Kaftan aad u fara badan waana Laacibiinta aan Xanaaqin ee u dhashay Farxada iyo Bashaashnimada !!!!.
By.Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii) www.Xiriiriye.com,
Xarunta Ciyaaraha iyo Mucjisooyinka Caalamka .
omarinnho@hotmail.com .