Qaar ka mid ah Xiddigaha ugu caansan Caalamka oo la xaqiijiyay ineey Beerta ku jiraan dhanka ku hadlista Luuqada English-ka,* Leo Messi iyo Cristiano Ronaldo yaa badiyo dhanka ku hadlista Luuqada Englishka?? (Halkaan ka Daawo Barnaamish Qosol badan iyo Xiddigo caan ah oo Luuqada English-ka aan B & T aqoon)
Qaar badan oo ka tirsan Xiddigaha ugu caansan Caalamka waxaa la xaqiijiyay ineey si aad ah ugu liitaan dhanka ku hadlista Luuqada English-ka oo aysan baranin markii ay yaraayeen. Laaciibta qaar marka ay ku hadlayaan Luuqada English-ka waxaa Telefishinada horteeda ka qabsata ceeb iyo Waji faquuq.
Ciyaartooyda aanan English-ka wanaagsan aqoon marka ay Wareeysiga dhiibayaan waxeey isku maleeyaan ineey English ku hadlayaan balse Xaqiiqada waxeey tahay iyaga oo Afka marka ay kala qaadaan laga garto kaliyah Yes & No waxeeyna Kalmadooda u badan tahay Luuqadooda Hooyo.
Laacibiinta kala ah Leo Messi iyo Cristiano Ronaldo labaduba kuma wanaagsana ku hadlista Luuqada English-ka. Messi waa Xariif marka ay sheekada English gaarto wuxuu ku cararaa Luuqada Spanish-ka balse Cristiano Ronaldo oo xoogaa kaga wanaagsan ku hadlista Luuqada English-ka waxaa la xaqiijiyay inuu ku soo bartay dalka Ingiriiska waayihii uu u ciyaari jiray kooxda Manchester Utd.
Ciyaartooyda ka soo jeedo dalka Brazil Luuqada English-ka waxeey ku soo bartaan Iskuulaadka inta ay yar yar yihiin. Sidoo kale Xiddigaha Holland, Germany iyo France dhankooda si wanaagsan ayeey Luuqada English-ka ugu soo bartaan Iskuulaadka dalalkaas.
Xiddigaha Qaramada Talyaaniga iyo Spain qaarkood marka ay ku hadlayaan Luuqada English-ka waxaa loo maleeyaa ineey Luuqadooda ku hadlayaan. Sidoo kale waxaa aad u liita ku hadlista english-ka ee Ciyaartooyda Qaarada Africa qaarkood iyo kuwa Laatiin America.
Muuqaal Yaab & Qosol badan ayaa waxa uu dhex maray Goolhayaha kooxda Fc Barcelona Victor Valdes iyo Xiddiga Qaranka Holland balse asal ahaan ka soo jeeda dalka Marooko waa Ciyaaryahan Ibrahim Afellay oo isna u safta kooxda Fc Barcelona.
Victor Valdes oo Luuqada English-ka aan aqoon waxa uu Ibrahim Afellay ku leeyahay " Kubada horay iska geey ha igu soo celin anoo aan diyaar u aheeyn"
Valdes iyo Ibrahim Afellay oo weli is fahmi la waxaa soo kala dhex galay Xiddiga reer Argentina Javier Alejandro Mascherano oo English yar ku soo bartay xiligii uu u Ciyaari jiray kooxda Fc Liverpool ee dalka Ingiriiska balse Mascherano sheekada waxa uu ka dhigay KA DAROOW DIBI DHAL.
Mascherano ayaa kula hadlay Ciyaaryahan Ibrahim Afellay English yar oo Jacbur ah iyo Tobaneeyo eray oo Spanish ah (Yaab). Intaas ka dib Victor Valdes waxa uu u tagay Andres Iniesta oo uu ku yiri Xariifkaan cusub (Ibrahim Afellay) isma fahmeeyno wuxuuna rabaa in English oo kaliyah wax loogu sheego !!:
Victor Valdes oo dhanka Gooshiisa u sii socda ayaa waxaa ka daba yimid Ciyaaryahan Pique oo leh sidan " Waa maxay kuleelka, Xiddigaan (Ibrahim Afellay) waxaad ula hadashay si aan Normal aheeyn wuxuuna ka yaabay Qeeyladaada badan" .
FIIRO GAAR AH : Xiddigaha dhanka English-ka marka ay ku hadlayaan aan la fahmin ee Beerta ku jira waxaa ka mid ah David Villa,Sergio Ramos , Francesco Totti,Victor Valdes,Gannaro Gattuso,Dimitar Berbatov,Antonio Cassano, Diego Milito,Alexis Sanchez iyo Andrei Sergeyevich Arshavin.