Matahay Qabiir Sport oo Ciyaaraha Kubada cagta ku xeel dheer? Ma laga yaabaa inaad tahay Ruux aad u Nasiib Wanaagsan? Jawaabtaadu hadii ay haa tahay soo sheeg dalka ku Guuleeysan doona Koobka Qaramada Africa 2012 oo ay iskugu soo hareen 8-Dal. (Halkaan noogu soo dir Jawaabtaada >> xiriiriyesports@hotmail.com.
Hadii aad Qabiir Sport tahay oo aan weliba laga ag marin dhanka Saadaasha iyo Aqoonta guud ee Ciyaaraha Kubada cagta waxaad soo sheegtaa dalka qaadi doona Koobka Qaramada Africa oo ay iskugu soo hareen 8-dal.
Dalalka iskugu soo haray Koobka Qaramada Africa ayaa waxaa qoorta la iskugu galiyay qaabkaan : Sambia Vs Sudan, Equatorial Guinea Vs Ivory Coast, Gaaboon Vs Maali iyo Ghana Vs Tunisia.
Beri oo Sabdi ah waxaa wada Ciyaari doona hadii uu alle idmo Wadamada kala ah Sambia Vs Sudan iyo Equatorial Guinea Vs Ivory Coast. Maalinta Axada ah ayaa lagu wadaa ineey Dharka iska dhigaan dalalka Gaaboon Vs Maali iyo Ghana Vs Tunisia.
Fiinaalka Koobka Qaramada Africa waxaa la qaban doonaa Taariikhdu markeey tahay 12.02.2012.
Hadaba adoo ka soo fiirsaday Jawaabtaada Dalka qaadi doona Koobka Africa 2012 waxaad noogu soo dirtaa Halkaan soona raaci magacaaga oo sadexan iyo neenaastaada anaguna waxaan Guuleeystayaasha soo bandhigi doonaa marka uu dhamaado Tartankaan xiisaha badan >>> xiriiriyesports@hotmail.com.