Xulka Qaranka Sudan oo 1970-kii ka dib markii ugu horeeysay u soo gudbay Wareega Labaad ee Koobka Qaramada Africa (Halkaan ka Daawo Faaqidaada African Cupof Nations)
Caasimada Khartuum iyo magaalooyinka ugu waa weeyn dalka Sudan waxaa ka socda Dabaaldegyo loo sameenayo Xulka Qaranka Sudan oo Cashar cusub u dhigay Taariikhda Kubada cagta dalka Sudan oo mugdi ku jirtay.
Tan iyo Sanadkii 1970-kii markii ugu horeeysay ayeey Xulka Sudan u soo gudbeen Tartanka Koobka Qaramada Africa waxeeyna rajo xumo iyo naxdin ku beereen xulka dalka Angola oo isa siiyey ineey ku soo bixi doonaan kaalinta 2-aad ee Guruub (B).
42 Sano ka hor ayeey eheed Sudan oo wacdaro ka dhigto Koobka Qaarada Africa waxaana xiligaas u suurto gashay ineey qaadaan koobka Qaarada Africa oo dalkooda lagu qabtay. U soo bixintaanka Sudan ee Wareega 2-aad waxaa u suurto galiyay Ciyaaryahan Mudather Tayeb oo 2 Gool ka xareeyey xulka Burkina Faso (Sudan Vs Burkino Faso 2-1) Halkaa ka Daawo Ciyaarta >>> http://www.youtube.com/watch?v=wBmanm6uL6A.
Isla Guruubkaan (B) waxaa 2-0 ku badisay Ivory Coast oo tuntay xulka Angola oo dhanka Goolal tirsiga lagu reebay waxaana booskeeda buuxisay Sudan. Ivory Coast oo 9-dhibcood aruursatay kulamadii ay ciyaareen waxaa lagu wadaa ineey fooda is daraan Xulka martida loo yahay ee Equatorial Guinea oo Guruub (A) kaalinta labaad uga soo baxay. Sudan ayaa la kulmi doonta Qaranka Sambia oo isna Guruub (A) kaalinta 1-aad kaga soo baxay.