Dad badan ayaa Qasaaray ka dib markii eey Lacago ku dhigteen in Xulka Qaranka Somalia looga badin doono Goolal fara badan sida (ugu yaraan 0-3) >> Ciyaartii dhex martay Qaranka Somalia Vs Xulka Itoobiya ayaa wexeey eheed mid aan waxba la iskula harin & Kulanka Addis Ababa oo noqon doona mid kala bax ah !!
*** Dunida ruuxa Beni´aadamka ah marka la Yaso ayuuba kacsadaa oo boorka iska jafaa. Dadka dhigta Lacagta goobaha Qamaarka lagu dheelo ee wadamada Yurub iyo Asia wexeey Lacago badan ku dhigteen in Xulka Somalia Goolal badan looga badin doono weliba eey afka ciida u dari doonto Itobiya.
Dadka ayaa sawirtay ineey Somalia beerta ku jirto oo uu la dagay Dagaal ahli ah halka Qaranka Itobiya uu yahay Qaran dhisan oo Nabad iyo kala dambeeyn heeysta. Dadkii Qamaarka ku dhigtay in Xulka Itoobiya Soomaliya kaga badin doonaan ugu yaraan 0-3 ayaa saadaashaas wexeey noqotay mid lagu qasaaray oo weliba Xaasidnimo iyo Yasmo xambaarsan.
Dhibka taagan wuxuu yahay Qaranka Somalia waxaa mar kaste oo eey Kulan leeyihiin Guri u ah dalka Jabuuti taas oo kuu cadeeneeyso ineey aad u yar yihiin Taageerayaasha Qaranka Somalia u raaca Jabuuti waxaana wanaagsanaan leheed in loogu yimaado Gudaha Somalia iyo dalkoodii hooyo.
Mid ka mid ah Xiddigaha xulka Itoobiya ayaa Rooso la laqsiiyey ka dib markii buuqiisa iyo Faol-kiisa loo adkeeysan waayey.
Ciyaartii dhex martay Somalia Vs Itoobiya oo ka dhacday dalka Jabtuuti wexeey ku dhamaatay 0-0 waxaana lagu wadaa wajiga 2-aad ee is araga Labadaan Qaran inuu ka dhaco magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya. Kulankaan ayaa waxa uu ahaa Isreebreebka loogu soo gudbaayo tartanka Guruubyada koobka Addunka ee World Cup 2014 in Brazil.
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !! (Xiriiriye.com Xarunta Ciyaaraha iyo Mucjisooyinka Caalamka)