Sharad aad u Xamaasad iyo Xiiso badan oo dhex maray Xiddigaha kala ah Messi & Tevez VS Maradona & Crespo ,* Taageerayaal Jalbeeysan oo Garoonka Tv-ga VIVO soo buux dhaafiyey iyo Tevez Vs Maradona oo isku Qaraaray (Yaa Badiyey Kubadii Teestada eheed labada Dhinac Halkaan ka Daawo)
Sharad Lacag xoogan lagu kala dhigtay oo uu soo qaban qaabiyey Tv-ga VIVO ayaa waxa uu dhex maray Xiddigaha kala ah Messi & Tevez VS Maradona & Crespo . Sharadkaan oo ahaa mid Kubada Madaxa lagu Ciyaarayey loona diidanaa ineey Dhulka ku dhacdo waxaa loo ogolaa oo kaliyah Madaxa iyo Lugta.
Garoonka lagu Ciyaarayey oo Taageerayaal Jalbeeysan ay soo buux dhaafiyeen waxa uu u dhisnaa sida qaabka Garoomada Tenniska. Initii uu Tartanka socday waxaa isku buuqay ama Qaraaray Diego Armando Maradona Vs Carlos Alberto Tevez oo labaduba lagu tiriyo ineey yihiin Xiddigaha Xanaaqa dhaw.