.Maxaad kala socotaa Taariikhda Horyaalka Talyaaniga ee Serie A ?, Ku biiri Aqoontaada Sport.(Halkaan ka Daawo Goolashii ugu dambeeyey kuwii ugu Wanaagsanaa) !!!
Horyaalka Talyaaniga ee Serie A waxaa la bilaabay Taariikhdu markeey eheed 6 Bishii Oktoobar 1929-kii. Horyaalka Talyaaniga ee Serie A magaca looga yaqaan gudaha dalka Talyaaniga waa (Lega Calcio) . Xiriirka u taliya Horyaalka Talyaaniga marka magaciisa la soo gaabiyo waxaa loo yaqaan (FIGC).
Sharciga Horyaalka Seria A waa ineey 20 kooxood iska soo xaadiriyaan Tartanka ,tiradaas ka badan ama ka yar Horyaalku ma dhaqaaqi karo. Kooxda hada heeysata Horyaalka Serie A Waa Ac Milan. Kooxda ugu Hanashada badan ee heeysata Iskoorka Horyaalka Talyaaniga ee Serie A waa Juventus wexeeyna qaaday oo jeebka gashatay 27-jeer.
Xiddiga heeysta Iskoorka Gooldhalinta Serie A waa Silvio Piola wuxuu iskoorkaan ku heeystaa inta Taariikhda la ogyahay (274-Gool). Mudo aad u fog ayuu Silvio Piola Darajada Kursigan ku fadhiyaa waxaana la la´yahay ilaa hada cid ka kicisa Kursigaan ama kala wareegta. Silvio Piola wuxuu u soo ciyaaray kooxaha kala ah Verceli, SS Lazio, FC Torino, Juventus iyo Novara Calcio.
Xiddiga ugu Safashada badan ee heeysta dhanka Iskoorka Safashada Serie A waa Difaacii qatarta ahaa ee lagu magacaabi jiray Paolo Cesare Maldini. Maldini wuxuu Iskoorka Safashada Horyaalka Talyaaniga ku heeystaa (647-kulan). Paolo Cesare Maldini waa Xiddiga kaliyah ee Iskoorkaas heeysta isaga oo aan kooxo kale u kala badalan . Maldini 1978 ilaa 1985 waxa uu ka mid ahaa Ciyaalka Ac Milan ka dibna 1984 ilaa 2009 wuxuu dhanka Difaaca uga ciyaarayey kooxda Ac Milan. Intii uu Milan ka tirsanaa wuxuu u saxiixay (30-Gool).
Xiddigaha ugu caansan ee loogu jecel yahay Horyaalka Talyaaniga ee Serie A waa Francesco Totti (As Roma) iyo Alessandro Del Piero (Juventus) oo ilaa hada ku jira Halgan eey ku doonayaan ineey kaga Taqluusaan Iskoorada eey heeystaan Maldini iyo Silvio Piola.
Dhanka kooxaha loogu jecel yahay Horyaalka Talyaaniga wexeey kaalimaha gudaha dalkaas ugu kala horeeyaan sidan 1-Juventus,2 Ac Milan,3-Inter Milan,4- As Roma,5-Napoli,6-Fiorentina 7-SS Lazio,8-Palermo,9-Udinese iyo kaalimaha 10 & 11 oo eey kala degeen Fc Torino & Bari oo waqti xaadirkaan Serie B ku maqan halka Parma eey kaalinta 12-aad kaga jirto kooxaha loogu jecel yahay Serie A waxaana u dambeeyso oo booska 13-aad xiratay Sampdoria oo sanadkaan gashay Serie B.
Halkaan ka daawo Goolashii ugu dambeeyey uguna Wanaagsanaa >>> http://www.youtube.com/watch?v=5VGWY2FaVuk
By.Cumar Sii Sii Xiriiriye.com,
Xarunta Ciyaaraha iyo Mucjisooyinka Caalamka .
omarinnho@hotmail.com .