LA YAAB : Wiilka Robinho Caanaha ma cabo Cuntadana ma cuno hadaan loo wadin goobta uu Aabihiis Robinho iyo kooxda Ac Milan ku Tababartaan ee Milanello. (Halkaan ka Daawo Barnaamish Xiiso badan oo uu sii daayey Tv-ga qaaska ah ee Ac Milan & Wiilka Robinho oo noqon doona Laacib Weeyn)
Tv-ga qaaska ah ee kooxda Ac Milan (The Rossaneri) ayaa waxa uu sii daayey Barnaamish aad u xiiso badnaa oo laga soo duubay Laacibka Qaranka Brazil iyo kooxda Ac Milan Robson de Souza Robinho.
Inta badan Laacibiinta Caalamka wexeey ku da´daalaan sidii ay Caruurtooda uga dhigi lahaayeen Laacibiin ama Mustaqbalka dhaw Magacooda u hanan lahaayeen.
Qaar badan oo ka tirsan Xiddigaha Caalamka Ciyaalkooda Laacibiin ma noqdaan maxaa yeelay Cunuga hadii uusan Kubada Jecleeyn waxaa adag sidii uu Laacib ku noqon lahaa ama loo geeyn lahaa goobaha lagu tababarto.
Wiilka Laacib Robinho Caruurtaas aanu soo sheegnay wuu ka duwan yahay oo isaga ayaa jecel Kubada inuu dheelo ama u Gam-gambiyo sida Aabihiis Robinho waxaadna cadeentaas ka Daawan toontaa Muuqaalka hoose .
Ciyaaryahan Robinho Wiilkiisa waxaa lagu magacaabaa Junior oo marka Brazil ahaan la soo gaabiyo loo yaqaan sidan >> Robson Jr. << .
Tv-ga Qaaska ah ee kooxda Ac Milan oo lagu magacaabo Milan Channel waxa uu yiri ama War bixinta ciwaan uga dhigay sidan : Wiilka Robinho Cuntada ma cuno Caanahana ma cabo hadaan la keenin goobta eey ku Tababartaan Ciyaartooyda waa weeynka ah ee kooxda Ac Milan (waa Milannello)