Frank Bilal Ribery ayaa waxaa la weey diiyey keebaa jeceshahay in laguugu yeero Frank mise Bilal wuxuuna ku Jawaabay sidan " Alxamdulillah Bilal,, (Halkaan ka Daawo sidoo kale Sambac Shaqo l´aantii ka badatay oo Wajiga iska soo Dilaaciyey ka dibna Filim ku matalaayo inuu Ribery yahay) !!
Joornaaliistayaasha markii Shaqo loo diro oo wax eey qabtaan waayaan wexeey inta badan abaaraan meeshii eey ka soo heli lahaayeen War gadmaayo ama meel eey ku Mashquulaan .
Saxaafada Dunida ayaa ku wareertay magacii eey dhab ahaantii ugu yeeri lahaayeen Laacibiinta Caalamka kuwooda Islaamay maadaama sidoo kale eey wataan Magacyo kale oo caan ah.
Xiddiga Qaranka Diiqa Reer France iyo kooxda Fc Bayern Munchen Frank Bilal Ribery ayaa waxaa la weeydiiyey Su´aashaan : " Ribery, keebaa jeceshahay in laguugu yeero Frank mise Bilal ?
Laacib Ribery ayaa sidan ku Jawaabay " Ilaaheey idinkiis waxaan jeclahay dabcan in la iigu yeero Bilal maadaama aan ahay qof Muslim ah oo weliba ilaahiisa aaminsan 100% ,, Ribery wuxuu hadalkiisa sii raaciyey (Alxamdulillah) . Halkaan ka Daawo Cadeenta Wareeysiga >>> http://www.youtube.com/watch?v=mPCIQFWyuVU&feature=related
Dhanka kale Sambac Xayawaan ah oo Shaqo la´aantii ka badatay ayaa waxa uu Ruwaayad nuuca ila qosolka ah ka sameeyey Laacib Bilal Ribery ka dib markii uu isku soo yeelay Dhaawaca Bilal Ribery uga yaalo Wajiga oo kale.
Ma xumo Qof in la dhaajiyo waxaana inta badan Telefishinada Caalamka laga daawadaa Ciyaartooy la dhaajinaayo balse weli lama arag Qof dhaajinaayo Shil ku yaal ruux Beniaadam ah oo ka yimid alle xagiis .
Sambacaan oo rabay inu Lacag ku helo Ruwaayadaan wuxuu leeyahay Frank Ribery ayaan ahay waxaana Ruwaayadiisa soo bandhigay Tv-ga Foot ee dalka Faransiiska Halkaan ka Daawo Sambacaan ma u qalmaa horta inuu Ruwaayad ka sameeyo Laacib Bilal Ribery >>> http://www.youtube.com/watch?v=_HZ3pFLWvdY
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !! (Xiriiriye.com Xarunta Ciyaaraha iyo Mucjisooyinka Caalamka)