Sir Alex Ferguson oo Gacanta ku dhigay Guul-Sanad guuradiisii 25-aad,* Markii ugu horeeysay Taageerayaasha Man Utd oo Gobolo fog fog ka yimd & Old Trafford oo Boos banaan laga waayey ,* Kaptan Robin Van Persie oo dhaliyey Goolkiisii 8-aad ee Horyaalka Ingiriiska & Ciyaaryahan Yaya Toure oo kacsan . (Faaqidaada Horyaalka Premier-League Halkaan ka Daawo ) !! *** Sir Alex Ferguson 1.410 Kulan ayuu Macalin u yahay Kooxda Shayaadiinta Cas Cas ee Man Utd . Rugcadaagaan Yaabka badan wuxuu kooxda ManU farta ka saaray intii uu Tababaraha u ahaa mudo 25-sano ah oo uu la joogay 836 Guul, 326 Bareejo ah iyo 247 Dhagaha laga garaacay (Guuldaro) .
Halkaan ka Daawo Sanad-guuradii 25-aad ee Qabiir Alex Ferguson >>> http://www.youtube.com/watch?v=845j6zfRHz8
Mr.Sir Alex Ferguson waa Macalinka kaliyah ee heeysta Iskoor Taariikheed sidaas u fog lana joogay koox caan ah xili dheer wuxuuna u dhashay dalka Scotland. Macalinkaan magaciisa oo buuxo waa Alexander Chapman Ferguson wuxuu dhashay 31 Bishii Dezembar Sanadkii 1941-kii. Tababare Alexander Chapman Ferguson wuxuu kooxda Shayaadiinta Cas Cas ee Manchester United ku soo biiray Sanadkii 1986-kii.
Halkaan ka Daawo Garoonka Man Utd oo Boos laga waayey Xafladii Dabaal-degii Sir Alex Ferguson >>> http://www.youtube.com/watch?v=pX0p7cchmZA&feature=related .
Macalin Alexander Chapman Ferguson intii uu Tababaraha u ahaa ManU wuxuu u qaaday Koobka Champions League 1999-kii iyo 2008. Dhanka Horyaalka England ee The Premier-League ayuu sidoo kale farta ka saaray United Sanadihii 1993, 1994, 1996, 1997, 1999, 2000, 2001, 2003, 2007, 2008, 2009, iyo 2o11.
Koobka FA-ga wuxuu qaaday Sanadihii 1990, 1994, 1996, 1999, iyo 2004. Dhanka koobka England League Cup wuxuu jeebka gashtay Sanadihii 1992, 2006, 2009 iyo 2010.
Intaas kuma harin Rugcadaa Mr.Sir Alex Ferguson ee waxa uu Keeydka Koobabka ManU ku hubsaday Koobka Community Shield oo aalaaba loo dhigo kooxaha soo qaado Horyaalka England iyo FA-Cup-ka, wuxuuna Qaaday Community-shield Sanadihii 1990, 1993, 1994, 1996, 1997, 2003, 2007, 2008, 2010 iyo kii ugu dambeeyey oo uu ka xayuubsaday kooxda Man City 2011.
Macalin Alexander Chapman Ferguson wuxuu dhanka Europa League heeystaa Sanadihii 1983 mar uu la qaaday kooxda Aberdeen ee dalka Scotland iyo Man Utd 1991. Dhanka koobka loo dhigo Kooxaha Adduunka wuxuu ku guuleeystay Sanadkii 1999-ka halka kooxda ugu wanaagsan Caalamka uu la hoyday Sanadkii 2008.
Tababare Mr.Sir Alex Ferguson wuxuu horyaalka dalkiisa ee Scotland soo qaaday Sanadihii 1980, 1984 iyo 1985. Ugu dambeeyntii Rugcadaagaan ayaa Koobka dalka Scotland wuxuu gacanta ku dhigay Sanadihii 1982, 1983, 1984 iyo 1986.
*** Horyaalka England oo la ciyaaray kulankiisii 11-aad waxaa boos laga waayey Garoonka kooxda Shayaadiinta cas cas oo eey soo buux dhaafiyeen Taageerayaal ka kala yimid Gobolada iyo Degmooyinka dalka Ingiriiska kuwaas oo danayey ineey goob joog ka ahaadaan Xaflada dabaal-dega Sanadguuradii 25-aad ee Macalin Sir Alexander Chapman Ferguson.
Man Utd wexeey 1-0 ku qaarajisay kooxda Sunderland waxaana goolkaas Agoonka ah ka dhaliyey kooxdiisa Sunderland Difaacii hore ee kooxda ManU waa ciyaaryahan Wes Brown.
Fc Chelsea oo ka xanaaqsaneed Xasuuqii Isbuucii la soo dhaafay gurigeeda eey dharka kaga soo dhigtay Arsenal ayaa kooxda Blackburn Rovers 0-1 ku soo suul daartay.
Goolka Fc Chelsea kaga badisay kooxda Blackburn Rovers waxaa daqiiqadii 51-aad u saxiixay Qabiirka qadka dhexe waa Laacib Frank Lampard .
Naadiga Arsenal oo Taaktiko nuuc cusub ah la soo baxay ayaa 3-0 wexeey ku dar dareen kooxda West Bromwich. Goolasha The Gunners waxaa u kala saxiixay Kaptan Robin van Persie Daqiiqadii 22-aad, Thomas Vermaelen Daqiiqadii 39-aad iyo Mikel Arteta Daqiiqadii 74-aad. Robin van Persie oo kacsan Goolka uu dhaliyey waa kiisii 8-aad ee Horyaalka England oo weli xili biloow ah lagu jiro.
Xiddiga Qaranka Ivory Coast Yaya Toure wuxuu la soo baxay Dhuumasho aan caadi aheeyn wuxuuna kooxdiisa Manchester City ka bad baadiyey Queens Park Rangers oo Bareejo ku qaban rabtay.
Kulankii ugu dambeeyey ee koobka Champions League wuxuu Yaya Toure 2 gool oo Cajiib ah ka soo xareeyey kooxda Villarreal . Man City ayaa 2-3 kaga soo badisay kooxda dheg dhega badan ee Queens Park Rangers waxaana Goolasha Man City u kala saxiixay Laacibiinta kala ah Edin Dzeko Daqiiqadii 43-aad, David Silva Daqiiqadii 52-aad iyo Yaya Toure 74-aad.
Fiiro Gaar ah : Waxaa hawada ku soo jiro Faaqidaada Horyaalada Talyaaniga Serie A, Spain La Liga iyo Germanay Bundesliga. Waxaa baaqatay oo kaliyah kulamadii Napoli Vs Juventus iyo Genoa Vs Inter Milan ka dib markii Roobab lixaad leh eey ka da´een Goboladaas weliba Roobabkaas ayaa ahaa kuwo qaaday ama Daadka raacsiiyey gawaari fara badan.
HORYAALKA INGIRIISKA AYAA ISBUUCAAN KOOXA WEXEEY ISKU MACSALAAMEEYEEN SIDAN :
| 05.11. |
13:45 |
Newcastle United |
2:1 |
FC Everton |
| 05.11. |
16:00 |
FC Arsenal |
3:0 |
West Bromwich |
| 05.11. |
16:00 |
Manchester United |
1:0 |
AFC Sunderland |
| 05.11. |
16:00 |
FC Liverpool |
0:0 |
Swansea City |
| 05.11. |
16:00 |
Blackburn Rovers |
0:1 |
FC Chelsea |
| 05.11. |
16:00 |
Aston Villa |
3:2 |
Norwich City |
| 05.11. |
18:30 |
Queens Park Rang. |
2:3 |
Manchester City |
| 06.11. |
14:30 |
Wolverhampton |
3:1 |
Wigan Athletic |
| 06.11. |
16:00 |
Bolton Wanderers |
5:0 |
Stoke City |
| 06.11. |
17:00 |
FC Fulham |
? |
Tottenham Hotspur |
HORYAALKA ENGLAND WAXAA LOO KALA HOREEYAA SIDA TAN :
| 1 |
Manchester City |
11 |
10 |
1 |
0 |
39:10 |
29 |
31 |
| 2 |
Manchester United |
11 |
8 |
2 |
1 |
28:12 |
16 |
26 |
| 3 |
Newcastle United |
11 |
7 |
4 |
0 |
17:8 |
9 |
25 |
| 4 |
FC Chelsea |
11 |
7 |
1 |
3 |
24:15 |
9 |
22 |
| 5 |
Tottenham Hotspur |
10 |
7 |
1 |
2 |
20:14 |
6 |
22 |
| 6 |
FC Liverpool |
11 |
5 |
4 |
2 |
14:10 |
4 |
19 |
| 7 |
FC Arsenal |
11 |
6 |
1 |
4 |
23:21 |
2 |
19 |
| 8 |
Aston Villa |
11 |
3 |
6 |
2 |
16:15 |
1 |
15 |
| 9 |
Norwich City |
11 |
3 |
4 |
4 |
16:18 |
-2 |
13 |
| 10 |
Swansea City |
11 |
3 |
4 |
4 |
12:15 |
-3 |
13 |
| 11 |
Queens Park Rang. |
11 |
3 |
3 |
5 |
10:20 |
-10 |
12 |
| 12 |
Stoke City |
11 |
3 |
3 |
5 |
8:19 |
-11 |
12 |
| 13 |
Wolverhampton |
11 |
3 |
2 |
6 |
12:18 |
-6 |
11 |
| 14 |
West Bromwich |
11 |
3 |
2 |
6 |
9:16 |
-7 |
11 |
| 15 |
AFC Sunderland |
11 |
2 |
4 |
5 |
14:13 |
1 |
10 |
| 16 |
FC Fulham |
11 |
2 |
4 |
5 |
13:14 |
-1 |
10 |
| 17 |
FC Everton |
10 |
3 |
1 |
6 |
11:15 |
-4 |
10 |
| 18 |
Bolton Wanderers |
11 |
3 |
0 |
8 |
18:27 |
-9 |
9 |
| 19 |
Blackburn Rovers |
11 |
1 |
3 |
7 |
13:24 |
-11 |
6 |
| 20 |
Wigan Athletic |
11 |
1 |
2 |
8 |
7:20 |
-13 |
5 |
By.Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii) www.Xiriiriye.com,
Xarunta Ciyaaraha iyo Mucjisooyinka Caalamka .
omarinnho@hotmail.com .