"Aad ayaan u taageera Arsenal, laakiin daacadii Wenger wuxuu u baahan yaha in uu maamulo koox kale, Arsenal-na waxay u baahan tahay tababare kale" ayuu ku yiri bogiisa Twitter-ka madaxweyne Kagame.
"Marka koox ama ciyaartoy wanaagsan iyo tababarahu ay guuldareystaan mudo fara badan, waxay tahay in labadooda mid uun labadalo ama xitaa iyaga oo dhan" ayuu hadalkiisa sii raaciyey Madaxweyne Kagame oo ay ka muuqatey in uu aad uga niyad xun yahay guuldarada kooxda sida ba'an uu u taageero.
Taageeranimada Madaxweynaha Rwanda ee Arsenal ayaa ah mid ay aad u og yihiin maamulka Arsenal iyo Tababare Wenger waxaana sanad guuradiisii 50-aad Madaxweyne Kagame sanadkii 2007 uu ka helay qoraal tahniyad ah tababare Arsene Wenger .
Paul Kagame ayaa la qabey malaayiin taageerayaasha Arsenal ka tirsan oo ka xumaaday badalkii uu tababaruhu ku sameeyey ciyaaryahan Alex Oxlade-Chamberlain 10 daqiiqo oo ay ka dhiman tahay ciyaartii Arsenal lagaga badadiyey .
W/D Moowliid Xaaji Cabdi .