. LA YAAB : Mesut Özil " Mar dambe ma dhici doonto ineey i Ceebeeyso Walaasheey Nese waxaana arintaas kala hadlay Hooyo Gulizar (Halkaan ka Daawo Arinta Mesut Özil ka xanaajisay & Walaashiis oo Laf Dhuun gashay ku noqotay ka dib markii eey ka faaideeysteen Saxaafada Ciyaal Suuqiinta ah) !!
(Barnaamishka LA YAAB SPORT waxa uu soo aruuriyaa Arimaha ugu Xasaasiyada badan ee ka dhaca Garoomada dhexdooda ama ka dhex dhaca Qooysaska Ciyaartooyda)
Mucjisada Kubada cagta ee Kooxda Real Madrid iyo Qaranka Germany Mesut Mustafa Özil ayaa markii ugu horeeysay waxa uu xal ka gaaray Fadeexo Famileed in mudo ah soo noq noqotay.
Mesut Özil waxa uu Qaatu Billahi ka taagnaa Saxaafada Caalamka kuwooda loo yaqaan Ciyaal suuqiinta oo mararka qaar markii eey waayaan Cid ama Ciyaartooy eey wareeystaan ku dhaqaaqa Qooysaska Laacibiinta Caalamka ka dibna Fashiliya Waxyaabo badan oo Shaqsi ahaan u qarsoonaa Ciyaartooyda Caalamka.
Guriga eey ka degan Yihiin Familka Özil magaalada Gelselkirchen ee dalka Germany waxaa Isbuuc walba iridiisa soo gar garaaco Saxafiyiin ka soo haajirtay Dunida dacaladeeda wexeeyna isku dayaan ineey Wareeysi dheer la yeeshaan Mesut Özil Hooyadiis Gulizar iyo Walaashiis Nese Özil oo inta badan ku sugan Gurigooda.
Arinta ugu weeyn ee Laacib Mesut Mustafa Özil ka xanaajisay wexeey tahay ka dib markii Tv laga leeyahay dalka Portugal oo horay u wareeystay Qooyska Ciyaaryahan Mesut Özil uu Wareeysigaas ciwaan uga dhigay sidan : (Ciyaaryahan Mesut Ozil waa reer Diimeed, Hooyadiis weey Madax daboolan tahay, Walaashiisna weey Madax Qaawan tahay waa wax Sportiga ku cusub).
Mesut Mustafa Özil oo Tv-ga ZDF-ka la hadlayey maanta ayaa mar la weeydiiyey sababta uu u Mabnuucay in la wareeysto Hooyadiis Gulizar iyo Walaashiis Nese Özil waxa uu ku jawaabay sidan :
" Cidii ama Joornaaliistihii Wareeysi raba aniga ha ii yimaado hadii uu i waayana Aabe Mustafa Özil ha u tageen kii intaas qorshe ka baxsan wato waxaan u sheegayaa inuu dhamaaday Shakigii hore hadii eey isku dayaan ineey tagaan Gurigeena waxaa dhici doonta inaan lagu furi doonin Irida oo eey halkaas ku soo ceeboobi doonaan,,
Mesut Mustafa Özil ayaa waxaa la sheegay inuu si weeyn uga xanaaqay ka dibna Furka tuurtay markii Qaar badan oo ka tirsan Telefishinada dalka Spain eey soo daayeen Özil Walaashiis Nese Özil oo Wareeysi dhiibeeysa iyada oo Madax qaawan halka Hooyadiis Gulizar oo Wadaad ah eey si weeyn u Asturneed.
Wareeysigaan ayaa waxaa qaaday Telefishinka Qaranka Spain oo lagu magacaabo Tv-Espanyol wexeeyna xiligaas ugu tageen Magaalada Gelselkirchen ee dalka Germany. Halkaan ka Daawo mid ka mid ah waxyaabihii Laacib Özil ka xanaajiyey & Wareeysigii Tv-ga Qaranka Spain >>> http://www.youtube.com/watch?v=QX2YanP0rTs&feature=related .
Hooyada dhashay Ciyaaryahan Mesut Özil Gulizar wexeey tustay Tv-ga Qaranka Spain Beer eey ku sheegtay ineey Maalin walba Waraabiso waxaana beertaas Gurigooda ka dhex sameeyey ayeey tiri Ciyaaryahan Mesut Mustafa Özil xili uu yaraa !! .
Bartaan hoose ka aqri war bixin kale oo ku saabsan Hooyada Dhashay Ciyaaryahan Mesut Mustafa Özil Gulizar oo sheegtay ineey Ciyaar kasta ka daawato wiilkeeda Shaashada Telefishinada Caalamka waxaana sidoo kale Wareeysigaan ka hadashay Walaashiis Nese oo tiri sidan :
Nese " Walaalkeey Mesut Özil maalin kasta Qadka Telfoonka ayaan ku wada sheekeeysanaa mana dhicin hal maalin oo aan is maqli weeynay marka laga reebo xiliyada uu Tababarka leeyahay ama Mashquulsan yahay oo uusan Telfoonka Gacanta qaban,,
Ugu dambeeytii Wareeysiga uu Ciyaaryahan Mesut Özil siiyey Tv-ga ZDF-ka ayaa macnihiisa waxaa loo fasirtay Wariyihii ama Saxafigii Taariikh nololeedkeeyga rabo aniga ha ii yimaado ee yuusan ka daba meereeysan Qooyskeeyga (La Yaab Sport)!!
Mesut Mustafa Özil Asalkiisa waa Turki waana Laacibka kaliyah ee ka yaabsaday inta badan Bahda Ciyaaraha kubada cagta ka dib markii uu si weeyn ugu ekaaday ama u Shabahay Hooyadiis Gulizar .Aabihiis Mustafa iyo Walaashiis Nese.
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com
Mesut Özil gefällt es in Madrid. Das erzählt er nicht nur Dortmunds Nuri Sahin, sondern auch seiner Familie.
Wie die Zeitung "As" schreibt, telefoniert Özil täglich mit seiner Schwester Nese und Mama Gulizar.
Nese Özil sagt: "Mein Bruder ist sehr familiär, wir sprechen uns täglich. Am liebsten erzählt er Witze."
Und Gulizar erklärt: "Ich bin sehr stolz auf Mesut, ich sehe ihn jede Woche im Fernsehen."