Soomaalida Drammen Norway oo ku midoobay caawinta caruurta Soomaaliyeed iyo caruurta oo arinkaa aad ugu farxay
Waalidiinta Soomaaliyeed ee degan Drammen Norway oo ay wadashaqaynayaan ururo Soomaaliyeed oo hormuud u yahay ururka Soeeg ayaa waxay wacad ku mareen inay si hagar la'aan ah ugu shaqeeyaan caruurta Somaaliyeed ee degan Norway.
Warcusub.com ayaa waxuu waraysi la yeeshay qaar ka tirsan waalidiinta, ururka Soeeg iyo ardayda Soomaaliyeed ee degan Drammen Norway
Abdikarim Mohamed Siyaad oo ka tirsan waalidiinta ayaa waxa uu yiri:
"Waxaan hada furnay xarun caruurta looga caawiyo casharada, waxaan u sheegaynaa Waalidiinta degan Norway inaan ku soo dhawaynayno gacmo furan." Abdikarin ayaa waalidiinta waxa uu hawada u soo mariyay maah maah Soomaaliyeed:
"Roob inta uu da'ayo ayaa biyo la doogtaa"
Caruurta oo iyagana wararysi siiyay Warcusub.com ayaa waxay sheegeen inay aad ugu farxsan yihiin xarunta cusub ee lagu caawiyo iyaga.
Said Ahmed Xoogsade oo isna waraysi siiyay Warcusub.com ayaa waxuu sheegay in ururka Soeeg uu ka hawlgalo Norway iyo Soomaaliya.
Daawo video ku saabsan waraysiga caruurta iyo waalid ka mid ah waalidiinta
Halkaan ka daawo masawirada xarunta
Halkaan ka daawo waraysi Warcusub.com la yeelatay Said Xoogsade oo video ah. Waraysiga ayaa ku baxaya Afnorweji.
By Hassan Ali, Warcusub News Service, www.warcusub.com Tel: 0047 409 50 100