Lionel Messi oo qaaday Abaal marinta Laacibka ugu wanaagsan Qaarada Yurub,*Aqri Magacyada 10-ka Ciyaaryahan ee Cod bixinta ama Tartanka ka qeeyb gashay,*Falaqeeynta iyo awooda kooxaha Champions League ee isku dhacay ,* Emmanuel Adebayor oo ku biiray kooxda Tottenham ,* Kulan adag oo Caawa eey Hilfaha isku qaadi doonaan Super-Koobka Kooxaha Fc Barcelona vs Fc Porto (World Sport News iyo War Gelin muhiim ah)
(War gelin muhiim ah oo ku socoto dhamaan Bahda Sportiga ee ku xiran http://www.xiriiriye.com/ ....inta aanu u guda gelin Barnaamishka Ciyaaraha Aqristayaasha Xiriiriye Sport waxaa lagu war gelinayaa in Isbuuca dambe maalinta Talaadada ama Arbacada eey noqon doonto Maalin Ciid ah waxaana idiin furnay Fursad Bog aad isku salaami kartaan oo aad u Hambalyeen kartaan waalidkaaga Saaxiibkaaga ama Walaalahaaga...Waxaad kaloo Barnaamishkaan ku beegan Maalinta farxada xambaarsan ee Ciid aad Guul hawada u marsiin kartaa kooxda aad ugu jeceshahay Kooxaha Caalamka ama Ciyaaryahanka aad sida weeyn u Taageerto.
Muhiimada Salaanta aad direeyso waa inaad Magacyada E-mail ahaan noogu soo dirtaa ka hor maalmaha aan soo sheegnay ee Talaadada ama Arbacada si aanu Magacyada aqiyaarta aad salaameeysid ugu soo aadino maalinta Ciida hadii uu alle idmo.
Waxii maanta ka biloowdo Salaamaha waad soo diri kartaan anagana waxaa naga go´an Aqiyaartii iyo magacyadii aad Salaanta Ciida u dirtay inaanu ku soo aadino maalinta Ciida hadii uu alle idmo : E-mailkaan ku soo dir Salaamaha xiriiriyesports@hotmail.com ).
***Qori tuurkii isku aadka Koobka Horyaalada Yurub ee (The Uefa Champions League 2011/2012) oo la sameeyey ayaa durbadiiba waxaa isku dhacay kooxo waa weeyn oo kala xishoon waayey ama uu Nasiibka is ag dhigay.
Kooxda Difaacaneeysa koobkaan ee Fc Barcelona wexeey Cagaha iska tumi doonaan Ac Milan oo heeysata Horyaalka Talyaaniga.
Fc Barcelona iyo Ac Milan oo Guruub (H) ku wada jira waxaa kula jira isla Guruubkaan kooxada BATE Borisow oo heeysata Horyaalka dalka Belarusia iyo kooxda Viktoria Pilsen oo iyadana ka socota dalka Czech Rep.
Guruub (D) ayaa waxaa mar kale si mucjiso ah iskugu soo dhacay kooxaha Real Madrid iyo Olympique Lyon oo mudooyinkii ugu dambeeyey mar kasta isku dhici jiray ama qoorta isku gali jiray.Guruubkaan waxaa Real Madrid iyo Olympique Lyon kula jira kooxaha iyagana aan ka shar yareeysan ee kala ah Ajax Amsterdam oo heeysata Horyaalka dalka Holland iyo Dinamo Zagreb oo iyadana heeysata Horyaalka dalka Croatia.
Guruubka kale ee isagana in la xuso mudan loona baxshay kii Dhimashada ama ugu adkaa ayaa waxa uu noqday Guruub (A) oo eey isku arki doonaan kooxda Fc Bayern Munchen oo xili ciyaareedkaan Ciyaartooy adag soo iibsatay,Man City oo Lacag iyo Laacibiin la ciir ciireeyso sida Sergio Aguero ,Samir Nasri,David Silva, Edin Dzeko iyo Yaya Toure.
Isla Guruubkaan (A) waxaa Shar kale meesha la fadhiso kooxda SSC Napoli oo xili ciyaareedkii la soo dhaafay Booska Champions League ka Bililiqeeystay kooxihii waa weeynaa ee Serie A-da sida Juventus,As Roma,Fiorentina iyo SS Lazio. Sidoo kale waxaa Gurubkaan (A) ku jirta Fc Villarreal oo wadata Laacibka da´da yar ee Qaranka Talyaaniga waa Giuseppe Rossi oo kooxo badan laga diiday in laga iibiyo.
Fc Arsenal wexeey dhexda ka gashay Jabhad eey ku wada jiraan Guruubka (F) waana kooxda heeysata Horyaalka Germany ee Borussia Dortmund sidoo kale Olympique Marseille oo heeysata Super-koobaha dalka Faransiiska iyo kooxda 4-aad oo ah Horyaalka dalka Giriiga waa Olympiakos.
Fc Chelsea wexeey dhexda uga dhacdayKooxo nuuca loo yaqaan Qamaamka kuwaas oo kala ah Bayer Levekusen oo horyaalka Germany kaalinta 2-aad ka soo gashay ,Fc Valencia oo iyana Horyaalka Spain kaalinta 3-aad soo cariirsatay iyo KRC Genk oo xoog iyo awood ku soo qaaday horyaalka dalka Beljemka xili eey soo taagnaayeen kooxihii Beljemka ahaa ee mar kasta aan laga weeyn jirin Maslaxa Champions League waa Anderlecht & Club Brugge. Guruubkaan oo Fc Chelsea Aabe ka tahay waa Guruub (E)
Kooxda Manchester United wexeey Hogaamiye kooxeed ka noqotay Guruub jilicsan oo ah Guruub (C).Man Utd waxaa kula jiraa godkaan Benfica Lisbon,Fc Basel oo heeysta horyaalka Switzerland iyo Otelul Galati oo soo qaaday horyaalka dalka Romania.
Kooxda Inter Milan oo koobkaan Champions League heeysta sanadkii 2010-ka wexeey hada Daris la noqotay kooxda Nasiibka u yeelatay sanadkaan ineey Champion-ka boos ka helaan ka dib markii Laaluush looga saaray Championka Fenerbahce Istanbul oo booskeeda lagu badalay Trabzonsport. Inter waxaa Guruubkaan oo (B) ah kula jira OSC Lille oo heeysata Horyaalka France iyo ZSKA Moscow oo ka socota Horyaalka Russia.
Guruubka ugu jilacsan ama laga dhex waayey kooxaha waa weeyn marka Fc Porto laga reebo waa Guruub (G) . waxaa isla Gurubkaan qab qablayaasha ka mid ah kooxda Schachtjor Donezk oo heeysata Horyaalka dalka Ukrain iyo kooxda Zenit St. Petersburg oo xili ciyaareedkaan wacdaro ka soo dhigtay horyaalka dalka Russia halka isla Guruubkaan eey ugu jilcan tahay kooxda ka socota Jasiirada Cyprus ee lagu magacaabo APOEL Nikosia. Halkaan ka Daawo goolashii ugu wanaagsanaa Champion-kii ugu dambeeyey >>> http://www.youtube.com/watch?v=_8LVFE1rEOg&feature=related
Qeeybtii 2-aad Goolashii ugu quruxda badnaa halkaan ka daawo >>> http://www.youtube.com/watch?v=BdivMDemyE0&feature=related .
Wajiga ugu horeeya ee Koobkaan Champions League waxaa la ciyaari doona 13-ka & 14-ka bisha Sebtembar ee fooda inagu soo heeyso haduu alle raali ka noqdo.
***WARAR KII UGU DAMBEEYEY EE WORLD SPORT NEWS WEXEEY NAGU SOO GAARAYAAN QAABKAAN!!
*** Xiddiga Qaranka Argentina iyo kooxda Fc Barcelona Lionel Andreas Messi ayaa waxaa uu ku guuleeystay abaal marinta Laacibka Qaarada Yurub . Leo Messi waxa uu cod bixintaan si sharf leh kaga guuleeystay Laacibiinta kala ah Xavi Hernandez oo eey Fc Barcelona ka wada ciyaaraan iyo Halgamaha Real Madrid Cristiano Ronaldo.
Bishii Janaayo ee isla sanadkaan ayeey eheed markii Leo Messi uu gacanta ku dhigay Jagada loo caleemo saaray ee Laacibka Dunida. Messi waxaa Abaal marintaan cusub farta ka saaray Madaxa ugu sareeya UEFA waa Ex Ciyaaryahankii Qaranka Diiqa reer France iyo kooxda Juventus UEFA-Boss Michel Platini .
Lionel Andreas Messi waa 24 jir wuxuuna koobkii Champions League kii ugu dambeeyey Gooldhalinta ku qaaday 12-Gool.
Messi sidoo kale Horyaalkii la soo dhaafay ee dalka Spain 55-kulan oo uu saftay wuxuu Catalonia Fc Barcelona u saxiixay 53-Gool.
Ilaa 10 Xiddig ayaa Abaal marinta tartankaan ka qeeyb gashay wexeeyna kaalimaha u kala galeen sidan hoos ku qoran :
Lionel Messi (ARG) - FC Barcelona
2. Cristiano Ronaldo (POR) - Real Madrid CF
3. Xavi Hernández (ESP) - FC Barcelona
4. Andrés Iniesta (ESP) - FC Barcelona
5. Falcao (COL) - FC Porto*
6. Wayne Rooney (ENG) - Manchester United FC
7. Nemanja Vidiæ (SRB) - Manchester United FC
8. Zlatan Ibrahimoviæ (SWE) - AC Milan
Gerard Piqué (ESP) - FC Barcelona
10. Manuel Neuer (GER) - FC Schalke 04**
***Weeraryahanka Qaranka Togo iyo kooxda Real Madrid Emmanuel Adebayor ayaa si toos ah waxa uu ugu biiray kooxda Premier-League-Club Tottenham Hotspur oo ka dhisan caasimada dalka Ingiriiska ee London.
Emmanuel Adebayor oo mudooyinkaan dambe Deeyn daris la noqday waxaa 1-sano amaah lagu siiyey Tottenham.
Ciyaaryahan Emmanuel Adebayor oo 27 jir ah waxaa La haanshihiisa iska leh kooxda Man City oo Ciyaartooy qashin camal u heeysa.
***Caawa waxaa lagu wadaa ineey Ciyaar kulul dhex marto kooxaha Fc Barcelona Vs Fc Porto oo kala heeysta Koobka Champions League iyo Europa League. kulankaan adag oo lagu magacaabo Super Cup waxaa uu dhici doonaa xili dambe Saacadu markeey Qaarada Yurub tahay 20:45.
*** Kulamo adag oo ah is aragii ugu dambeeyey ee koobka Europa League Ex Jabhadii UEFA-Cup ayaa la ciyaaray .Maanta oo Jimce ah ayaa lagu wadaa in la sameeyo Qori tuurkii Guruubyada oo eey iskugu soo hareen kooxo adag.
Kulamadii dhacay ayaa kooxaha wexeey ku kala bexeen Natiijadaan : (Fiiro gaar ah farta waa weeyn waa kooxaha soo baxay)
|
| Spartak - Legia |
2:3 |
| D.Bukarest - Poltava |
2:3 |
| Rennes - RS Belgrad |
4:0 |
| Eindhoven - SV Ried |
5:0 |
| Kiew - Lovech |
1:0 |
| Trnava - Lok Moscow |
1:1 |
| Larnaka - Rosenborg |
2:1 |
| Medias - Austria |
1:0 |
| Din.Tiflis - AEK Athen |
1:1 n.V. |
| Hapoel - Ekranas |
4:0 |
| Young Boys - SC Braga |
2:2 |
| ZSKA Sofia - Steaua |
1:1 |
| Sparta - Vaslui |
1:0 |
| Rapid - Wroclaw |
1:1 |
| Trabzonsp. - Bilbao |
abg. |
| Helsingbg. - Standard |
1:3 |
| Schalke - Helsinki |
6:1 |
| Rangers - Maribor |
1:1 |
| Guimaraes - Atl.Madrid |
0:4 |
| Dnipro - Fulham |
1:0 |
| Partizan - Sh. Rovers |
1:2 n.V. |
| Sion - Celtic |
3:1 |
| Anderlecht - Bursaspor |
2:2 |
| Brügge - Zestafoni |
2:0 |
| Vladikavk. - Besiktas |
2:0 |
| FC Sochaux - Kharkiv |
0:4 |
| Alkmaar - Aalesund |
6:0 |
| Stoke City - Thun |
4:1 |
| Rab.Skopje - Lazio |
1:3 |
| Birmingham - Nacional |
3:0 |
| AS Rom - Slovan |
1:1 |
| Panathin. - Maccabi TA |
2:1 |
| Paris SG - Differdan. |
2:0 |
| Karp. Lviv - PAOK |
1:1 |
| Tottenham - Hearts |
0:0 |
| Salzburg - O. Nikosia |
1:0 |
| FC Sevilla - Hannover |
1:1 |
| Sporting - Nordsjael. |
2:1 |
Waxaa Diyaariyey : Cumar Cali Cumar (Cumar Sii Sii )
Xiriiriyaha Sportiga , Fanka & Mucjisooyinka Caalamka
http://www.xiriiriye.com/
omarinnho@hotmail.com