Daawo Mucjisadan Haweeney aan Gacmo laheyn oo Hadana Diyaarad duulineeysa (Layaabka Dunida)
Horaa loo yiri Nin Aduunyo joogow Maxaa aragti kuu laaban waligaa ma maqashay mise aragtay qof aan wax gacmo haba yaraatee aan lahayn oo hadana Diyaarad Duulinaysa.
Hadaba waxba layaab yeesan kugu noqon haweenay u dhalatay Dalka Mareykanak ayaa Mucjiso dad badan ka yaabisay lasoo baxday kadib mar kii iyada oo aan wax gacmo lahayn ay noqotay Duuliye Diyaaradeed.
Gabadha la yiraahdo Jessico oo ah Gabar u dhalatay dalka Mareykanka ayaa dhalatay iyada oo aan wax gacmo ah lahayn waxa ayna hada lasoo baxday Mucjiso dad badan oo Caalamka ku nool ay la yaabeen.
Gabadhan ayaana Iskuul ku yaalo Gobolka Arizona ka bilowday Barashada Cilmiga Duuliyanimada si ay u noqoto gabar Duuliye ah. Gabadhan ayaana sheegtay ineey tahay qof isku filan oo hoolaheeda iyada qabsato sidoo kale gabdhan ayaa lugaheeda ku isticmaasha waxyaabaha Haweenka ay isku qurxiyaan iyo wax walbo oo nolosheeda la xariirta.
Gabadhan ayaa codasaty in ay hesho Waraaqda ama Ruqsada Duuliyana nimada waana loo ogolaaday ugu danbeyntii in la siiyo Waraaqdaasi ayna noqoto gabar Duuliye ah.
Gabadhan ayaan mar ay la hadleeysay Telefishinada Dalka Mareykanka waxa ay sheegtay in ay aad ugu faraxsan tahay horumarka ay gaartay ee dhinaca Nolosheeda ah .
Dad badan ayaa aad ula yaabay Gabadhan sida ay wax walbo ugu qabsameyso lugaheeda iyada oo aan laheeyn wax gacmo ah ,Horaasa loo yiri Abuurista ilaaheey ku diin malahan.
Halkaan ka Daawo Yaabka gabadhaan >>> http://www.youtube.com/watch?v=QuMHSFPOzpc
Gacal Xuseen gacal Ayman
Wariyaha Arimaah Bulshada
Aymancadde@hotmail.com