Gaboon oo ka Xishoon weeysay Marooko oo marti u eheed iyo Qaranka Tunisia oo si sharaf leh ku soo baxay,*Faaqidaada Africa Cup of Nations & Warar kii ugu dambeeyey ee World Sport News (Halkaan ka Daawo)
(Guruub C) Xulka Qaranka Kubada cagta ee dalka Gaboon ayaa waxeey ka xishoon waayeen Wiilashii ka socday dalka Marooko oo marti ugu ahaa Garoonka Libreville ee Caasimada dalka Gaboon. Ciyaartaan oo eheed mid aad u kulul waxaa 3-2 ku badisay Gaboon oo mintid ku noqotay Qaranka Marooko oo Gool kala hormay kuna hogaaminayey ilaa dhamaadkii Ciyaarta.
Goolasha Xulka Gaboon waxaa u kala dhaliyay Laacibiinta kala ah Pierre-Emerick Aubameyang Daqiiqadii 77-aad, Daniel Cousin Daqiiqadii 79-aad iyo Bruno Zita oo Gool Bilisiyoon aad u Qurux badan u saxiixay Qaranka Gaboon Daqiiqadii 95-aad ee dhamaadkii Ciyaarta.
Xulka Marooko oo Ciyaar wanaagsan soo bandhigay waxeey Difaacan waayeen Gool ay ku hormareen bilowgii Ciyaarta waxaana Marooko labada Gool u wada saxiixay Ciyaaryahan Houssine Kharja Daqiiqadii 24-aad ee Ciyaarta qeeybteedii hore iyo Daqiiqadii 90-aad oo uu Rigoore dhaliyey Halkaan ka Daawo kulankii Gaaboon Vs Marooko oo aad u adkaa >>> http://www.youtube.com/watch?v=DzUQAwbBCHg .
*** Isla Guruub (C) waxaa Guul muhiim ah gaaray Xiddigaha Qaranka Tunisia oo 2-1 ku suul daaray dalka Niger oo Guuldaradii 2-aad dhabarka loo saaray. Tunisia waxaa labada Gool u kala saxiixay Xiddiga kacsan Youssef Msakni Daqiiqadii 4-aad iyo Issam Jamee Daqiiqadii 90-aad. Goolka Agoonka ah ee xulka Niger waxaa u dhaliyey Ciyaaryahan William Tonji Ngounou Daqiiqadii 9-aad. Halkaan ka Daawo Tunisia Vs Niger >>> http://www.youtube.com/watch?v=bAFnMYzNkwI .
Guruub (C) waxaa ka soo baxay Xulalka Gaaboon iyo Tunisia waxaana tartanka Koobka Qaramada Africa ka haray dalalka Marooko iyo Niger oo min labo jeer la tumay. Dhanka kala horeeynta Guruub (C) waxaa Dhibcaha loogu kala horeeyaa qaabkaan hoose :
1.
Gaabon *
2
2
0
0
5:2
6
2.
Tunisia *
2
2
0
0
4:2
6
3.
Marooko
2
0
0
2
3:5
0
4.
Niger
2
0
0
2
1:4
0
*** (Guruub D) Maanta oo Sabdi ah waxaa kulamo adag ku balansan Xulalka Guinea Vs Botuswana oo labadaba horay looga soo badiyey wexeeyna wada kulmi doonaan galabta Saacadu markeey tahay 17.00. Isla Guruubkaan (D) ayaa Caawa 20.00 Fiidnimo waxaa lagu wadaa ineey Ciyaar kulul dhex marto Qaramada Ghana Vs Maali/Kevin Prince Boteng Ac Milan Vs Saidou Keita Fc Barcelona.
*** Difaaca Reer Brazil iyo kooxda Fc Chelsea Alex waxaa 5 Milyan oo Euro ku iibsatay kooxda Paris St. Germain oo maalmahaan suuqa kala iibsiga Ciyaartooyda la wareegeeysa Dambiil Lacag ah ka dib markii uu iibsaday naadigaas Maalqabeen u dhashay dalka Qadad.
Alex oo 29 jir ah waxaa isku kooleeyay oo ku guuleeystay inuu yimaado Paris St. Germain Macalinkii hore ee kooxda Fc Chelsea waa Tababare Carlo Ancelotti oo iminka leeyliya kooxda Paris St. Germain. Booskii uu baneeyey Alex waxaa si toos ah ula wareegay Difaaca Qaranka England waa Ciyaaryahan Gary Cahill oo dhawaan ay kooxda Fc Chelsea ka soo iibsatay naadiga Bolton ee horyaalka Ingiriiska.
*** Kooxda The Rossoneri Ac Milan ee horyaalka Talyaaniga waxeey si toos ah ula soo wareegtay Xiddigii hore kooxda Fc Barcelona waa Ciyaaryahan Maxi Lopez oo ka yimid dhanka Naadiga Catania oo ka Ciyaarta Horyaalka Serie A. La soo wareegida Maxi Lopez waxaa warbaahinta u xaqiijyay Masuulka labaad ee kooxda Ac Milan u sareeya waa Club-manager Adriano Galliani.
*** Kooxda Werder Bremen ee horyaalka Bundesligaha dalka Germany waxeey gacanta ku soo dhigtay mucjisada qadka dhexe ee Qaranka Austria iyo kooxda Austria Wien Zlatko Junusovic oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Bosnia Herzgovina.
GOOR DHAW LA SOCO BARNAAMISHYO TOP AH OO HAWADA KU SOO JIRO IYO BALANQAADYO HORE OO UU XIRIIRIYE.COM SHAACIYEY. !!