8-Dal oo iskugu soo hartay Koobka Qaarada Africa,* Ac Milan oo cagaha laga tumay,*Valencia Vs Fc Barcelona oo is mari waayey,* Arsenal oo badin la´4-kulan oo ka tirsan Horyaalka Ingiriiska,* kooxaha Olympique Marseille Vs Olympique Lyon oo iskugu soo haray Fiinalaha Koobka League Cup & Wararkii ugu dambeeyey ee World Sport News
*** Koobka Qaramada Africa oo si xiiso leh uga socday dalalka Gaboon iyo Equatorial Guinea waxaa iskugu soo haray 8-dal oo kaliyah halka 8 kale dib loogu celiyay Dalalkii ay ka soo haajireen. Wadamada soo baxay ayaa waxeey kala yihiin dalalka Sambia,Equatorial Guinea,Ivory Coast,Sudan,Gaaboon, Tunisia, Maali iyo Ghaana.
Wadamadaan ayaa waxeey iskugu dhaceen qaabkaan : Sambia Vs Sudan, Equatorial Guinea Vs Ivory Coast, Gaaboon Vs Maali iyo Ghana Vs Tunisia.Ciyaarta ugu kulul maalinta Axada ah waxeey dhex mari doontaa dalalka Ghana Vs Tunisia oo labaduba sanadkaan aad u adag yihiin.
*** Horyaalka Serie A oo la ciyaaray kulankiisii 21-aad waxaa Cagaha laga tumay kooxda Ac Milan oo xili Ciyaareedkaan la tartameeysay kooxda Juventus oo ay si ba´an iskugu heeystaan hanashada Horayaalnimada dalka Talyaaniga. AC Milan waxaa 0-2 ku qararamsatay kooxda SS Lazio waxaana Goolasha u kala dhaliyay naadiga Lazio Laacibiinta kala ah Xiddiga reer Brazil Hernanes Daqiiqadii 76-aad iyo Tommaso Rocchi Daqiiqadii 85-aad.
Kooxda Ac Milan waxaa xili Ciyaareedkaan ka yaabsaday kooxaha waa weeyn maxaa yeelay 4 kulan oo la tumay dhamaan waxaa dhibcaha ka tirsaday kooxaha waa weeyn sida (Napoli Vs Ac Milan 3-1, Juventus Vs Ac Milan 2-0, Ac Milan Vs Inter Milan 0-1 iyo guuldaradii ugu dambeeysay oo ah SS Lazio Vs Ac Milan 2-0).
Horyaalka Talyaaniga waxaa weli laga badin la´yahay kooxda Juventus oo Serie A ku hogaamineeyso 44-Dhibcood. Inta badan kulamadii Horyaalka Talyaaniga waxaa Baajiyay Baraf sida kulankii adkaa ee dhex mari lahaa kooxaha Parma Vs Juventus. Kooxda Inter Milan waxaa Garoonkeeda Bareejo 4-4 ah ku qabatay Palermo. Goolasha Inter Milan dhamaan waxaa u wada dhaliyay Ciyaaryahan Diego Milito oo maalmahaan soo kacsaday Daqiiqadihii 22-aad 55-aad/Rigoore , 61-aad iyo 69-aad.
*** (Copa Del Rey) Koobka Boqortooyda dalka Spain oo la ciyaaray waxaa kulan adag fooda is daray kooxaha Valencia Vs Fc Barcelona. Bilawgii Ciyaarta ayuu Laacib Lionel Messi Rigoore ka qasaariyay kooxda Fc Barcelona waxaana Daqiiqadii 27-aad ee Ciyaarta qeeybteedii hore kooxda Fc Barcelona Gool kaga naxsaday Weeraryahanka reer Brazil iyo kooxda Fc Valencia Jonas. Sideed Daqiiqo ka dib Goolka Bareejada waxaa Fc Barcelona u saxiixay Difaacooda Carles Puyol (Valencia Vs Barcelona 1-1)
Is araga labaad ee labadaan kooxood ayaa lagu wadaa Arbacada soo socota inuu ka dhaco Garoonka kooxda Catalonia Fc Barcelona ee Camp Nou. Isla Koobkaan waxaa kulan kale isku arkay kooxaha Athletic Bilbao Vs CD Mirandes (2-1).
***Horyaalka Premier League ee dalka Ingiriiska oo kulankiisii 23-aad la Ciyaaray waxaa 4 kulan oo isku xigta weli badin la´kooxda The Gunners Fc Arsenal oo loo tuuray kaalinta 7-aad ee Horyaalka Ingiriiska. Fc Arsenal oo aaday Garoonka kooxda Bolton Wanderers waxeey isla dhaafi waayeen Natiijo 0-0 ah.
HORYAALKA DALKA INGIRIISKA KOOXAHA WAXEEY DHIBCO AHAAN U KALA HOREEYAAN QAABKAAN :
| 1. |
Manchester City |
23 |
17 |
3 |
3 |
60:19 |
54 |
| 2. |
Manchester United |
23 |
17 |
3 |
3 |
56:21 |
54 |
| 3. |
Tottenham Hotspur |
23 |
15 |
4 |
4 |
44:25 |
49 |
| 4. |
Chelsea |
23 |
12 |
6 |
5 |
41:26 |
42 |
| 5. |
Newcastle United |
23 |
11 |
6 |
6 |
34:30 |
39 |
| 6. |
Liverpool |
23 |
10 |
8 |
5 |
28:21 |
38 |
| 7. |
Arsenal |
23 |
11 |
4 |
8 |
39:33 |
37 |
| 8. |
Sunderland |
23 |
8 |
6 |
9 |
32:24 |
30 |
| 9. |
Stoke City |
23 |
8 |
6 |
9 |
23:35 |
30 |
| 10. |
Everton |
23 |
8 |
5 |
10 |
23:26 |
29 |
| 11. |
Norwich City |
23 |
7 |
8 |
8 |
32:39 |
29 |
| 12. |
Aston Villa |
23 |
6 |
10 |
7 |
28:31 |
28 |
| 13. |
Fulham |
23 |
6 |
9 |
8 |
29:32 |
27 |
| 14. |
Swansea City |
23 |
6 |
9 |
8 |
24:28 |
27 |
| 15. |
West Bromwich Albion |
23 |
7 |
5 |
11 |
23:32 |
26 |
| 16. |
Queens Park Rangers |
23 |
5 |
6 |
12 |
24:39 |
21 |
| 17. |
Bolton Wanderers |
23 |
6 |
2 |
15 |
28:47 |
20 |
| 18. |
Blackburn Rovers |
23 |
4 |
6 |
13 |
33:47 |
18 |
| 19. |
Wolverhampton Wanderers |
23 |
4 |
6 |
13 |
25:43 |
18 |
| 20. |
Wigan Athletic |
23 |
3 |
6 |
14 |
20:48 |
15 |
*** Dalka Faransiiska League Cup waxaa iskugu soo haray Fiinaalihiisa kooxaha waa weeyn ee kala ah Olympique Marseille Vs Olympique Lyon oo soo kala reeabay OGC Nizza iyo FC Lorient . Fiinaalka Koobkaan ee dhex mari doona kooxaha Marseille Vs Lyon wuxuu ka dhici doonaa 14-ka bisha Apriil ee sanadkaan 2012-ka Garoonka Qaranka Faransiiska ee lagu magacaabo Pariser Stade de France .
Koobkaan oo dalka Faransiiska looga yaqaan (Coupe de Ligue) waxaa loo kala qaaday Sanadihii ugu dambeeyay qaabkaan : Marseille 2010 iyo 2011.Paris Saint-Germain 1995, 1998, 2008.Girondins Bordeaux 2002, 2007 iyo 2009.
*** Weeraryahanka Qaranka Russia iyo kooxda Tottenham Roman Pavlyuchenko waxaa maanta si weeyn loogu soo dhaweeyey Garoonka kooxda Lokomotive Moscow oo Xiddigaan kula soo wareegtay Aduun gaaraya 9 Milyan oo Euro.Roman Pavlyuchenko oo 30 jir ah wuxuu birta ugu dhuftay kooxo badan oo doonayey wuxuuna ka doortay arinkaas inuu dib ugu noqdo horyaalka dalkiisa hooyo oo uu ku sheegay inuu si weeyn ula qabsan karo ku Ciyaarista Garoomada Barafka uu qariyay.
!! Balanteenu waa Xiriiriye iyo Xaqiiqo, Warar Xayi ah oo loo wada Xiisay, Xog Sport iyo Xaalada Ciyaaryahanada, Xiriir Wacan iyo Xiiso Banooni !! (Xiriiriye.com Xarunta Ciyaaraha iyo Mucjisooyinka Caalamka)!!