Lionel Messi oo Taariikda markii ugu horeeysay qaaday Abaalmarinta Laacibka Sanadka ee dalka Argentina (Faalo : Sanadkii la soo dhaafay isaga oo u soo Labistay Abaalmarintaan Qaaliga ah ayaa Haweeneey laga siiyey ka dibna waxaa goobtii ka dhacday Ceeb & Kala dhuumasho).
Xiddiga Qaranka Argentina ahna Darawalka kooxda Fc Barcelona Lionel Andres Messiayaa markii ugu horeeysay inta Taariikhda la ogyahay waxa uu ku Guuleeystay Abaalmarinta Xiddiga Sanadka ee dalka Argentina.
Abaalmarinta Laacibka sanadka ee dalka Argentina waxaa lagu magacaabaa (Olimpia de Oro) waana Abaalmarin aan sahal lagu helin maadaama inta badan loo caleemo saaro Shaqsi Koob ama Guul muhiim ah u soo xareeyey magaca Sportiga dalka Argentina.
Sanadkii la soo dhaafay ee 2010-ka xili uu soo labistay Laacib Lionel Messi iskuna soo diyaariyey inuu qaado Abaalmarinta Olimpia de Oro ayaa goobtii Xaflada waxaa ka soo qabsatay lama arag iyo lama maqal ka dib markii Abaalmartii uu sugayey Leo Messi farta laga saaray Gabadha lagu magacaabo Luciana Aymar oo ciyaarta Kubada Land-Hockey-ga.
Barqonimadii shalay oo Arbaco eheed ayuu Leo Messi ka soo degay Garoonka Diyaaradaha magaalada Buenos Aires ee Caasimada dalka Argentina wuxuuna abaalmarintaan la siiyey ka yiri sidan " aad ayaan ugu mahad celinayaa intii ii codeeysay iyo intaan codka i siinba, waa Farxad anoo hada ka soo laabtay Koobkii Qaaradaha in hadane la iga hor keeno abaalmarin kale oo qaali ah weliba Taariikh mudan,,
Abaalmarinta Olimpia de Oro oo ay dhiibaan Joornaaliistayaasha dalka Argentina ayaa inta badan waxaa gacanta ku dhigo Shaqsiyaad kale oo ciyaaro Sporti kale oo dalka Argentina laga jecelyahay sida Tennis-ka, Kubada Koleyga, Tartanka Gawaarida dheereeysa, iyo Ciyaarta Hockey-ga.
Olimpia de Oro waxaa Sanadihii 1979-kii iyo 1986-kii gacanta ku dhigay Laacibkii hore ee Qaranka Argentina waa Diego Armando Maradona. Sanadkii 1991 waxaa qaaday abaalmarintaan Oscar Ruggeri sidoo kale Weeraryahanka kooxda Manchester City Carlos Alberto Tevez ayaa Abaalmarinta Olimpia de Oro qaaday Sanadkii 2004.
FILO GOOR DHAW FAAQIDAADA HORYAALADA INGIRIISKA IYO TALYAANIGA OO LAFAHA LA ISKA DHUUXAY +DAAWASHO !!!