Skysport oo qoorta isku galiyey Hooyada dhashay Laacib Cristiano Ronaldo Mss Dolores Alveiro iyo Hooyada dhashay Laacib Leo Messi Mss Celia Maria Cuccittini >> Hooyada dhashay Laacib Cristiano Ronaldo Mss Dolores Alveiro oo Qaatu ka taagan Caay xun oo kaga timaada Taageerayaasha Leo Messi,* Waa maxay sababta Akhri War bixinta (Sawirka Gudaha ka Daawo Leo Messi iyo Hooyadiis Celia Maria Cuccittini ) !!
Horaa loo yiri hadaad yaabto Yaaaasiiiiinka : Tv-Caanka ah ee Skysport wuxuu joogaba markaan wuxuu Qoorta isku galiyey Duqooshinka ama Hooyooyinka dhalay Laacibiinta kala ah Cristiano Ronaldo iyo Leo Messi.
Skysport oo Mikarafoonka ku raadsaday Hooyooyinkaan ayaa waxa uu weey diiyey ama leeyahay sidan >> Yaa Jeceshahay ama Xaq u leh in la siiyo Abaal marinta Xiddigii ugu wanaagsanaa Caalamka 2011-da >> ( FIFA Ballon d' Or ). Intaas ka dib Hooyo kaste sidii la filayey Wiilkeeda ayeey u xambaarisay Jagada Abaalmarinta Xiddiga Aduunka ugu wanaagsan ee FIFA Ballon d' Or .
Hooyada dhashay Laacib Cristiano Ronaldo Mss Dolores Alveiro wexeey tiri sidan " Wiilkeeyga ayaa xaq u leh Xilkaas maxaa yeelay wuxuu xiiso u yeelay Horyaalka dalka Spain ee La Liga oo ay isku ekeeysiisay koox gaar ah,, (Fc Barcelona?) !!
Mss Dolores Alveiro wexeey sidoo kale carabka ku dhufatay inuu Wiilkeeda Laacib Cristiano Ronaldo uu dhulka ka soo qaaday kooxda Real Madrid oo intii uusan u imaan ka hor Dhibcaha laga tirsan jiray.
Hooyada dhashay Laacib Leo Messi Mss Celia Maria Cuccittini oo aad moodid ineey qaab ahaan ka degeneed Hooyada dhashay Cristiano Ronaldo ayaa wexeey tiri sidan " Aduunkoo dhan wuu u jedaa cida Jagadaas xaqa u leh maxaa yeelay Wiilkeeyga wuxuu gacanta ku heeystaa Koobabkii lagu muteeysan lahaa Abaalmarintaas kuwaas oo kala ah ayeey tiri Koobka Champions League, Horyaalkii la soo dhaafay ee La Liga, Super-koobaha dalka Spain iyo weliba Koobkii ugu dambeeyey ee Club World Cup (Koobka Qaaradaha Aduunka).
Duqooshinkaan uu Qoorta isku galiyey Skysport ayaa waxaa aad u soo dhaweeysay Saxaafada Caalamka maadaama in la barto hab dhaqanka Hooyooyinkaan ay Wanaagsan tahay ayeey leeyihiin.
Dhanka kale Hooyada dhashay Laacib Cristiano Ronaldo Mss Dolores Alveiro ayaa waxaa la sheegay ineey Caay Arxandaro ah kala kulanto Cadawga Laacib Cristiano Ronaldo gaar ahaan Taageerayaasha Leo Messi.
Sababta loo Caayo Mss Dolores Alveiro ayaa lagu sheegay ineey tahay iyada oo ku biirtay Xayeeysiinta Dharka Hablaha ama Dumarka ay qaataan weliba Shafka hore ku qoratay CR7. Jaraaidka Mirror-Sport oo ka soo baxa dalka Ingiriiska waxa uu leeyahay Hooyada dhashay Laacib Cristiano Ronaldo Mss Dolores Alveiro kuma Qurxoona Xayeeysiinta Dharka balse Shirkado ayaa qarash ku siiyey si ay ugu gadmaan Dharka ay soo saaraan oo ay afka hore kaga soo qoreen CR7.
Jaaifadii ama Caaydii la sheegay in loo geestay ayaa Af Somaali ahaan waxaa ka mid ahaa kuwaan iyo kuwo kale oo Saxaafad ahaan ay Mabnuuc tahay in lagu soo daabaco Xiriiriye.com >> ( Go Home, Cuntadaada iska karso Xayeysiin wax kama ogid, Cajuuso ayaa tahay Cago bararan iyo Aflagaado ay ku sheegen ineey Mss Dolores Alveiro qaarka dambe ka tahay Maroodi >> (wie ein Elefant ).
Jaraaidka Mirror-Sport ayaa sheegay Caayda faraha badan ee lagu diray Home-beejka Hooyada dhashay Laacib Cristiano Ronaldo Mss Dolores Alveiro ineey ugu wacan tahay iyada oo gashay Bilahaan dambe Xayeeysiinta Dharka Dumarka weliba Xabadka hore ku qoratay CR7 halka Hooyada dhashay Laacib Leo Messi Mss Celia Maria Cuccittini uu ku sheegay Jaraaidka Haweeney ku ekaatay Joogista Gurigeeda weliba iska Dhuuqda Lacagta Wiilkeeda uu Mushaar ahaanta u qaato (Yaab).
WARAR KII UGU DAMBEEYEY EE WORLD SPORT NEWS MAXAA CUSUB ?.
*** Horyaalka dalka Ingiriiska ee Premier League kulankii dhex mari lahaa kooxaha Fc Arsenal Vs Wolverhampton Wanderers Taariikhdu markeey tahay 26.12.2011 ayaa waxaa dib loo dhigay hal maalin wuxuuna kulankaan ka Dhici doonaa garoonka kooxda Fc Arsenal ee Emirates-Stadium Taariikhdu markeey tahay 27.12.2011.
Sababta Ciyaartaan loo baajiyey ayaa waxaa lagu sheegay Tareemada magaalada London oo 24-Saacadood la xiray maadaama dalkaas looga dabaal dagaayo Ciida Kirismiska.
***Kooxaha Horyaalka Dalka Spain ee kala ah Fc Villarreal iyo Atletico Madrid ayaa mar qura wexeey iska wada ceeyriyeen Tababarayaashii leeylin jiray kooxahaas oo kooxo Serie B-da Spain ka yimid ay ka reebeen Koobka Boqortooyda Reer Spain .
Fc Villarreal ayaa iska ceeyrisay Macalin Juan Carlos Garrido , Atletico Madrid wexeey iyadana Hilfaha u qaaday Macalin Gregorio Manzano. Kooxda Fc Villarreal ayaa durbadiiba waxaa jagadaas banaan loo magacaabay Macalin Jose Molina oo 41 jir ah.
Horyaalka Spain ee Primera Division waa Macalimiintii 4-aad oo mudo Bil gudaheed ah laga ceeyriyo Shaqooyinkii ay hayeen waxaana horay kooxihii ay Tababari jireen looga soo buriyey Macalinmiinta kala ah Michael Laudrup (Mallorca) iyo Hector Cuper (Racing Santander) .
*** Kooxda Paris SG ayaa si toos ah ula wareegtay Hogaaminta Horyaalka dalka Faransiiska ka dib markii ay 0-1 ku soo garaacday kooxda St. Etienne ka dibna 4 & 2 lagu soo garaacay kooxda Montpellier oo mudooyinkaan dambe Darawal ka eheed Horyaalka dalka Faransiiska.
Kooxda Paris SG ayaa Horyaalka dalka France wexeey ku hogaamineeysaa 40-dhibcood, Montpellier ayaa leh 37-Dhibcood Lille 36-Dhibcood waxaana kaalita 4-aad ku jirta Lyon oo 35-Dhibcood wadata.
*** Kooxda Tottenham ee Horyaalka dalka Ingiriiska ayaa si toos ah wexeey u difaacatay Kaalinta 3aad ee Premier League ka dib markii ay 1-1 ku kala bexeen kooxda Fc Chelsea. Tottenham oo Goolka ku hormartay waxaa Daqiiqadii 8-aad u saxiixay weeraryahan Emmanuel Adebayor oo dhaliyey Goolkiisii 9-aad ee xili ciyaareedkaan.
Goolka Bareejada waxaa Fc Chelsea u saxiixay Laacib Daniel Sturridge Daqiiqadii 23-aad waana Goolkii 9-aad oo uu dhaliyo Xili Ciyaareedkaan.
Horyaalka Ingiriiska kooxda Manchester City ayaa ku hogaamineeyso 44-Dhibcood, Manchester United 42Dhibcood, Tottenham 35-Dhibcood, Fc Chelsea 33-Dhibcood iyo Fc Arsenal oo kaalinta 4-aad ku xiratay 32-Dhibcood , Fc Liverpool 30-dhibcood.